Jiritaanka Puntland yey Dani ugu jirtaa?
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib iga gudooma dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow salaanta islaamka ah ACWW.
Puntland waxaa dhidibada loo taagay sanadii 1998dii, wax ayna ku timid dhismaheeda doonitaan ama rabitaan kasoo go’ay dhammaan bulshada wada degan gayigaa loo yaqaan Puntland oo isugu jiray waxgarad, aqoonyahan, culumo,siyaasiyiin, isimo, nabadoono, haween iyo dhalinyaraba. Tan iyo intii la asaasayna waxaa isaga danbeeyay illaa iyo afar maamul oo kala duwan oo midba meel soo gaarsiiyay. Sida lagu wada heshiiyay ama ku qoran dastuurka waxaa uu oranaya in 4tii sano kastaa la qabto doorasho, kadibna lasoo doorto madaxweyne cusub, isagana uu soo dhisto golihiisa wasiirada. Runtii nidaamkaas soo dhisnaa muddada 13ka sano wax baddan baa lagaga soo gudbay. Waxaa tusaale yar oo fudud ah bal inaad dib u fiirsato filimadii laga soo duubay maalintii la asaasay Puntland iyo maalinka maanta ah. Runtiii waa kaaf iyo kala dheeri oo maalintaas qofkii joogay wuxuu is oran karay war dadkan ma riyoonayaan meeshaa ay leeyihiin maamul baan ka samaynaynaa waa meel sidee ah. Waxaa maalintaas la fadhiyey geed hoostiisa maantana waad aragtaa halka aad mareyso. Taasina waa wax Allaah loogu mahdiyo. Maanta waxaad mareysaa heer aad la shirto madaxweynayaasha adduunka, waxaad mareysaa heer aad saaran tahay miis walboo arimaha Soomaaliya looga hadlayo. Arintaasna waxaa mahadeeda iska leh Allaah ka soke, madaxdii kala duwaneyd ee Puntland hogaanka u soo qabatay.
Haddii maanta innagoo koox ah aynu ku ballano in aynu guri dhisano oo ninka noogu horeeya uu dhulkii noo soo iibiyo, mid ka kuxigana uu keeno dhagxaantii iyo shamiitadii, kan kalena uu sartii taago, midka kalena uu qalabeeyo, midka kalena uu guirigii ka shaqeysiiyo. Ma waxaan oranaynaa kan dhulka keenay ayaa mahad iska leh, mise kan ku xiga mise waxaynu leenahay gidiigood wax muuqda ayeey qabteen. Haddaba waxaan tusaalahaas uga jeeda arintu maalinba meel bay mareysaa oo qof walbaa kaalin muhiim ah ayuu qaadanayaa. Qofna ma oranayno xilligiisii wuu seexday oo wax ma qaban. Xaqu wax uu yahay in aad si cadaalad ku jirto aad qofka wanaagiisana ku sheegto, wixii qalad ah oo aad aragtana aad si cilmiyeeysan uga nasteexayso. Qofka bani’aadanka ah macsuum ma aha oo waa bashar wuu qaldamayaa. Ha raad raadin qaladaadkiisa ee isku day in aad wixii aad sixi karto si aqoon iyo cadaalad ku dheehan tahay in aad u saxdo.
Waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaato qof walbaa oo mas’uuliyadda Puntland soo qabtaa maalmo ayuu iska leeyahay oo maalintii ay waqtigiisu dhamaato wuu iska tegayaa oo maamul kalaa imaanayaa. Haddaba haku fekerin in Puntland haddii hebel oo aad siyaasad isku jiirteen uu hogaankeeda hayo in aad dagaal u gasho si walboo foolxun oo ay dhici karto inaad ka shaqeyso bur burka Puntland. Puntland wey jiraysaa laakiin shaqsigaas wuu iska tegayaa maalintiisa. Haddaba miyaanay wanaagsanyan in aynu Puntland ku fara adeegno oo aynu innaga toos toosino. Ogoow wax si sahlan waa lagu dumin karaa laakiin sidi loo dhisi lahaa wey adkaanaysaa. Tusaale kale dowladii dhexe ee Soomaaliya markii ay jirtay si walbuu maamulkii u xumaa haddana waxa aynu ahayn qaran jira oo adduunka tixgalin buuxda ka leh. Dadkii ku kacay dowladda iyagoo aan wax badiil ah u heyn dowladda ayeey dhinacyada burus kala galeen illaa ay dhulka gasho. Haddaba dowladii waa la riday maxaa xiga cid isweydiisay ma jirin. Haddaba reer Puntladiyoow maanta waxbaa inoo bidhaamay ee walaayaaloow leyrkaa yar ee inoo baxay ha isku dayina inaad naga baqtiisaan. Ka fakar sidee ayaan uga qeyb qaataa horumarka Puntland ee haku fekerin sidee ayaan u dumiyaa Puntland. Ogoow qof walboo aad aragto oo xiisad abuurayaa dan buu leeyahay, oo ha fasiran oo qura hadalka uu sheegayo ee baar isagu muxuu arintaan u daba joogaa, maxay tahay ujeedada ka danbeysaa. Siyaasiga Soomaaliyeed waxa u muuqda kaliya labada maalmood ee uu kursi doonka yahay laakiin hadaf cad iyo istiraatiijiyo dheer ma laha. Haddii ay maanta maamulka isqabtaan inta uu afar ilmo adeeradiisa ah hoosta ka galo ayuu abuurayaa xiisad aan Adduun iyo aakhiro wax laga faa’idayo aanan jirin.
Akhristoow ogoow Puntland jiritaankeedu annagoo dhan ayeey dan inoogu jirtaa haddey noqoto ciroole iyo waxgarad, caruur iyo haween, culumo iyo caamo iyo cid walboo deegaankaas ku noolba. Maaha inaad dad gaar ah u saarto in ay dan ugu jirto, oo aad u xisaabtanto si maangaabnimo ah. Maamulka hadda jiraa waxaan shaki ku jirin in uu wax baddan qabtay oo runtii la taaban karo, sidoo kalena uu gaabis jiro. Haddaba ha eegin qaladaadkooda kaliyee ee isku day in aad si cadaalad ku jirto aad wax u qiimayso. Sidoo kale haddii aadan wax kale xeerinayn walaalow maanta waxaad eegtaa inta maamulkaas ku heysta nabadda iyo nolosha, sida ardeyda tirada baddan ee subax walbaa u kalahda iskuulada iyo jaamacadaha Puntland, shaqaalaha kala duwan ee u shaqo taga hay’adaha madax bannaan, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda u shaqeeyaba. Sidoo kale eeg ganacsiga ballaaran ee xiriirsan min qaliijka illaa iyo Itoobiya illaa iyo min raas kanbiyooni, sidoo kale umadaha kale ee nolosha u soo raadsaday. Ha isku dayina in aad ummaddaas aad hadda iyo mar kale in aad aad barakicisaan.
Sidoo kale maamulka hadda jira waxaan oran lahaa walaalyaalow Allaah ka baqa marka hore oo mas’uuliyadda aad dadka u qaadeen siday tahay uga soo baxa. Ogaada waxaad tihiin bani’aadan oo idinku qaladkiina ma aragtaan laakiin indhaha shacabka ayaa markhaati ah. Marka isku daya inaad furtaan albaabada si loo helo waddo leydinka soo gudbiyo wixii talo iyo tusaale ah, oo ha isku dayina inaad albaabada xirataan. Runtii waan idinku bogaadinaynaa wanaag baddan oo aad qabateen. Laakiin ha iloobina iyadana in gaabis uu dhankiina jiro. Marka isku daya qofka idiin soo gudbinaya talada wax lagu dhisayo in aad soo dhaweysaan oo aydaan albaabada ka xiran. Waan qirayaa in ay jiraan kuwo baddan oo luqgooyada maamulka iyo kan Puntlandba ka shaqeynayaa oo baddan in ay jiraan, haddana kuwaaso loo joojin mayo inshaa’allaah ee idinku kan wanaagsan oo talada wax ku oolka ah idiin wada soo dhaweeya kan kale ee xumaanta caadeystayna hangool ayaanu innagoo wadajirna isaga qabanaynaa inshaa’allaah.Sidoo kale waxaad aad uga gaabiseen xagga Warbaahinta dibadda ee fadlan dhankaas iska tiiriya ama fursad siiya cidda wanaaga Puntland wada ee ka shaqeyn kartaa booskaas.
Wabilaahi towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje – Social Development Adviser