Daawo Sawirada Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Turkiga oo Muqdisho soo gaadhay
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan haatan kula leh Madaxtooyada Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG, kadib markii uu soo dhameeyay booqashooyin uu ku tagay xeryaha Barakacayaasha.
Soo dhoweyn heer sare ah ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, labo diyaaradood ayaa waday wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, waxaa wehliyay xaaskiisa, gabadhiisa, Wasiirada Haweenka, Caafimaadka iyo Arrimaha Dibada.
Roog cas ayaa loo fidiyay, waxaa loo garaacay muusika astaanta qaranka ee Turkiga, Ciidamada qalabka sida ayaa salaan sharaf ka qaatay, waxaa lagu xardhay Garoonka sawirka Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.
Madaxweyne Shariif oo wehlisay xaaskiisa koowaad, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaare C/wali iyo dadweyne kale oo loo diyaariyay ayaa soo dhoweeyay Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.
Ciidamo gaar ah oo ilaalinayay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga ayaa ku sugnaa garoonka, gawaari madow nuuca Cabdi-bilaha ayay saarnaayeen Ciidamada gaarka aheyd ee Ilaalinayay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, kuwaasoo qoryaha M16 watay.
wixii faahfaahin ah kal soco Buhodlepost.coM










