Axmed Godane oo ugu Baaqay Ciidamadii Al-Shabaab inay Dib ugu soo Laabtaan Muqdisho
Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane [Mukhtaar Abuu Subeyr] oo la runeysan yahay inuu u wareegay qeybta Al-Qaacida ayaa ugu baaqay ciidamadii ururka Al-Shabaab ee isaga baxay Muqdisho inay dib u soo laabtaan ayna bilaabaan weeraro ay ku beegsanayaan ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom.
Axmed Godane oo soo diray cajaladii ugu horeysay oo uu kaga hadlayo si faahfaahsan bixitaankii Al-Shabaab ay isaga bexeen Muqdisho iyo dhibaatooyinkii ku dhacay ururka laguna soo beegay munaasabadda ciidul fidriga ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan dad uu ku sheegay inay ku farxeen guul darooyinkii ku habsaday ururka Al-Shabaab ka dib markii afhayeenka Shabaab uu cadeeyey inay isaga bexeen Muqdisho.
“Wuxuu dagaalku keenay in dadku kala miirmo oo la kala garto kuwa mu’miniinta ah iyo kuwa munaafiqiinta”, ayuu yiri Axmed Godane oo digniin u jeediyey dadka sheegay inay Al-Shabaab jabeen wuxuuna hadaladaasi ku tilmaamay kuwo aan jirin.
Wuxuu ugu baaqay ciidamada Al-Shabaab inay dagaalada sii wadaan oo ay isku dayaan inay dib u qabsadaan goobihii ay ka bexeen ee magaalada Muqdisho kuwaasoo hadda ay joogaan ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ah.
Munaafiqiintu markasta waa sidaa .. oo waxay u maeynayaan haddii wax yar oo dhib ah ama culeys uu yimaado in Islaamii uu tirtirmay in diintii ay suuleen” ayuu yiri isagoo si gaar ah uga hadlay qaar ka mid ah saraakiishii Al-Shabaab iyo dadka ku hoos nool oo sheegay in Shabaab ay burbureen.
“Ninkii taga diintu tegi meysee agow yaan Faranji kuu falin” ayuu sii raaciyey.
Axmed Godane wuxuu ku guubaabuiyey ciidamada ka haray Al-Shabaab inay sii wadaan weerarada isagoo ku tilmaamay inay kuwaa yihiin mujaahidiin dhab ah.
Mar uu soo hadal qaaday abaaraha wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dadku isu gaargaaraan gaar ahaan dadka Soomaalida dhexdooda isagoo gaashaanka ku dhuftay in hay’adaha ay dadka caawinayaan.
Hadalka ka soo yeeray sarkaalka ugu sareeya ururka Al-Shabaab ayaa soo baxay xilli bilawgii bishii Ramadaan afhayeenka guud ee ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu ku dhawaaqay in ciidankooda ay kala bexeen Muqdisho taasoo Axmed Godane uu diiday markii dambe.
Dhanka kale hadalkan ka soo baxay Axmed Godane ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo badi deegaanadii ay maamuli jireen Al-Shabaab ee gudaha Muqdisho ay hadda la wareegeen ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom.
by Ciise Ahmed Mohamed
