|

Deeq ah Qalab isboorti oo la gudoonsiyey cayaaryahanada Gobolka Sool

Deeq ah qalabka ciyaartowda ah ayaa la soo gaadhsiiyay ciyaaryahanada gobolka sool deeqdan oo ahayd kubado ayaa waxaa ugu soo deeqay aqoonyahan ka mid ah qurba jooga oo lagu magacaabo Dr Axmed madar cali iyadoo uu soo gaadhsiiyay Gudoomiyaha jaamacada Nugaal Prof cabdirisaaq lafoole

hadabad munaasibad lagu gudoonsiiyay ciyaaryahanada kubadahaasi ayaa lagu qabtay hoolka jaamacada nugaal halkaasoo ay ka soo qayb galeen Isuduwaha ciyaaraha iyo dhalinyarada gobolka sool Jaamac khaliif maamulka jaamcada Nugaal ardayda midowga jaamacada Nugaal iyo marti sharaf kale oo badan

ugu horayntii waxaa uga mahadceliyay deeqdan qalabka sportiga Isuduwaha dhalinyarada iyo cayaraaha gobolka sool jaamac khaliif isagoo dhalinyarada u soo jeediyay inay wakhti siiyaan waxbarashada sida ay ciyaaraha wakhtiga u siiyaan wuxuuna ku booriyay in ciyaaryahanadu noqdaan kuwo ka dhisan dhinaca aqoonta

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University prof. Lafoole ayaa isna ka hadlay in deeqdan ee kubadaha uu u soo dhiibay Dr axmed madar cali oo ah muwaadin u dhahay gobolka sool isla markaana ka qayb qaata horumarka deegaanka wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarada ciyaartowda ah sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda

sidoo kalena waxaa madashaasi ka hadlay marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay munaasibaas oo ay ka mid ahaayeen maamulaha dugsiga sare ee Nugaal Gudoomiyaha ururka ardayda midowga jaamacada Nugaal University oo dhamaantood ka hadlay faa,idada cayaaraha iyo jidh dhiska ay leeyihiin isla markaana dhalinyaradaka codsayada in dhanka aqoontana lagu daro
ugu danbaytii waxaa lagu doonsiiyay kabtanada kooxaha kubada cagta ee magaalada laascaanood deeqdii kubadaha ahayd iyadoo dhanka kalena kubado loogu tala galay dugsiyada sare ay u gudoomeen ururka ardayda midowga jaamacada Nugaal University

halkan ka daawo video

Fikrad Ka Dhiibo