|

Hogaamiye cunsuriyadedka Rer Hargaysa ee lagu magacabo Adan (siiro) oo xaran ku sheegay lacagta loo ururinayo abaraha kajira koonfurta Somalia

Hogaamiye qab yaaladedka Rer Hargaysa ee lagu magacabo   Aadan Maxamuud (Siiro) oo ka mid ah dadka qabyaladu madax martay ee Hargaysa  oogu caansan  ayaa sheegay in lacagta loo aruurinayo abaaraha ka jira Koonfurta Soomaaliya in ay tahay Xaaraan, mar uu ka hadlayay masjid ku yaala Xaafada Xawaadle ee Magaalada Hargeysa,

Hogaamiyahan  Aadan  ayaa ku tilmaamay arintaas mid aan diinta sal ku lahayn, asaga oo sheegay in abaaraha ka jira Somaliland ay tahay in lacagtaas loogu Deeqo waasifuu hadalka u dhigaye.

Hogaamiyahan Cunsuriyadu madax martay   ayaa ku canaantay in Maamulka    Siilaanyo, in ay u jan jeerto Somaliweyn, waxa uuna sheegay arintaas ay tahay waxa ay SNM ka Dagaalanatay oo dhiig loo daadiyay magaca Somaliweyn.

“ Waxaa la yidhii lacag ayaa loo aruurinayaa Koonfurta Soomaaliya, waxaan leeyahay dadka lacagaha aruurinaya waa dad dano gaar ah wata, oo meesha dan ka arkay, waxaan u sheegaynaa in ay tahay arintaas Xaaraan cad oo aan diinta islaamka meel uga Oolin” ayuu yidhi Cunsuri  Sare (Siiro).

“ abaaraha ka jira Dhulka Isaaqa  maa lacagta loo Aruuriyo, Xukuumada hada jirtana ee Siilanyona waxaa lagu xantaa in ay u jan jeedho  Somaliwey, Waxaan leenanay lacagtaas waa xaraan in Xamar la geeyo”  yidhii asaga oo la hadlayay Taagerayaal gaar ah oo ku dukada Masjid uu asagu dhisay.

Sidoo kale waxa uu ku xadgudbay Hogaamiyahan  shanta tiir ee islaamka oo uu ku sheegay mida koowaad in ay tahay ashahaadka halka mida kale uu ku sheegay in ay tahay Qadiyada Isaaqnimada , Taas oo ay Culumada Rer Hargaysa  ka hadlin.

Siiro ayaa waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay Wadad ku sheeg  Qadiyada qabaa’ilka ay  madax Martay.

Fikrad Ka Dhiibo