Khasaaraha dagaalka Gaalkacyo ka dhacay oo sii kordhaya
Waxaa sii kordhaya khasaaraha dagaal duhurkii maanta ka bilowday bartamaha magaalada Gaalkacyo, dagaalkaasi oo u dhaxeeya maleeshiyo deegaanka ah iyo Ciidanka Puntland.
Waxaa jira dhowr gaari oo ah nooca gurmadka deg dega ah kuwaasi oo soo daad gureynaya dhaawaca iyo dhimashada u waxyeeloobay dagaalka ka qarxay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegayaa in ay isugu jiraan dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah oo ay rasaastu haleeshay iyagoo jooga xaafadahooda, waxaana tirada guud ee dhimashada la sheegayaa in ay ku dhow dahay 10 ruux sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha caafimaadka.
Isbitaalka guud ee gobolka Mudug iyo Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dhaawacyo gaadhaya 20 ruux kuwaasi oo isugu jira dad qaba dhaawacyo culus iyo kuwa dhaawacyo fudud ay soo gaadheen.
Dagaalka ayaa haatan sii qaboobaya isla markaana isu badalaya jewi ka deggan kii uu ku bilowday iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaasta oo sii gabaabsi ah, waxaa xusid mudan in dagaalkani uu ka qarxay kadib markii ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo howlgal ka sameynaya bartamaha magaalada Gaalkacyo ay rasaas ku fureen dabley hubeysan halkaasi oo uu ka dhashay iska hor imaad rasmi ah oo dhexmaray Booliska iyo dableydii, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac
by ciise ahmed mohamed
