Ugandha oo sheegtay in Soomaaliya ay ka dhalin doonto Nabad, kulan dhexmaray Mas’uuliyiinta labada Dal.
Kulan ay ku qaateen magaalada Kampala ee wadanka Ugandha masuuliyiin ka kala socotay dalalka Ugandha iyoSoomaaliya ayaa lagu gorfeeyay xaalada waqtigan ee dalkaSoomaaliya uu marayo,.
Wasiirka wasaarada difaaca dowlada KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise iyo safiirka dowladaSoomaaliya u fadhiya wadanka Ugandha Sayid Axmed oo kulankaasi lagu casuumay ayaa siweyn uga arinsaday marxaladaha ku soo kordhaw wadankaSoomaaliya iyo xaaladaha aminiga ee waqtigan ka jira dalkaSoomaaliya.
Masuul katirsan wasaarada arimaha gudaha ee dalka Ugandha oo kulanka furay ayaa u masuuliyiinta dowlada federalkaSoomaaliya u sharaxay siyaasada dowlada Ugandha ee ku wajahan dalkaSoomaaliya isagoo carabka ku adkeeyay in Ugandha ay ka goantahay in nabad waarta ay ku soo celiso dalakaSoomaaliya oo ay sii wadi doonaan dadaalada ku aadan nabad ku soo dabaalida wadankaSoomaaliya tan iyo intaSoomaaliya ay cageheeda dib isaga taageyso.
Dowlada Ugandha ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu yaboohay dowlada KMGSoomaaliya ee kasocda ururka midowga Africa kuwaas oo lagu magacaabo AMISOM.
By Ciise Ahmed Mohamed