“SSC” G6 iyo G15 dalka waa la haystaa shirna waa qabanaynaa.
howaanahan waxaa socdaal ku tegetey qaar ka mida degaanada SSC shaqsiyaad toban iyo dheeriya oo ay dirsadeen kooxda G6 loo yaqaano. G6 waa lix nin oo u badan howlgab kana soo shaqayn jirey haya’do caalmaiya sida World Banka iyo IMF-ta oo lugu luggooyo dunida saddexaad khaasatan qaarada Africa. Halku-dhega G6 iyo kooxda ay dirsadeen waa “Dalka waa la haystaa, shirna waa qabanaynaa” labadaasi horta mays galaan? Cajaa’ib!.
G6 waa lix nin, laba Waa Bahararsame, Sadexna waa Maxamud-Garaadka bari iyo mid Qayaada, Kuma jiraan wax reer Sanaaga ama reer Buuhoodle ama Jaamac Siyaad. Waxaa la yaab leh siday isu xusheen. Goormaa beelaha dhulbaahntoo dhami taladoodii u dhiibteen Saddex iyo Saddex iyo mid lagu qurxiyey?, Cajiib!. Xaqiiqdu waa dhulbahnte waa beelo badan waxay kala galeen labada Maaamul, iyo kooxda SSC oo aan hada macno weyn lahayn oo G6 wiiqday, waxaa muuqata G6 inay noqon doonto koox afraad oo wadata Problem-keeda, hadii aanay odhan waanu ognahay inaad tihiin intaasoo qaybood, anaguna waxaanu nahay koox cusube, maysu wada nimaadnaa oo ma tashanaa?. Laakiin inta ficilka G6 u muuqdo anagaa khaatumadii sidna, anagaa dibada ka shaqayn jirney oo dalka naqaan, anagaa aqoon yahankii reeka ah, uma malaynayo inay ka duwanaan doonaan shirarkii hore ee aynu ogayn meeshay ku danbeeyeen.
Waxaynu la wada soconaa inay kooxda SSC kulankoodii Nairobi ka dib ay dab iyo dhibaato la tageen Buuhoodle iyo Hawd, waxaa kaloo la ogaaadey in Aabaha SSC ahaa mid ka mida odayaasha G6 oo markuu arkay in SSC wax la’aan ku socoto bilaabay KHaatumaan wadaa. Yaase kaa yeelaya. Mid ka midda G15 ayaa laga soo xigtey waxaanu tegaynaa Buuhodle ilaa Tukaraq, kadibna Uurboogays isla markaana angoo ku dhawaaqi doona meesha shirka lagu qabanayo. Su’aasha waa horta iyaga maxaa loo diray?, dhulbahante ma wuxuu degaa Saddex tuulo iyo Buuhoodle?. Nin Widhwidh geli tegi kari waayey xaguu kaloo tegi karaa?.
Gabagabadii: Horta G6 maxay doonaysaa?
G6 waxay doonayaan in dhulbahante yidhaahdo idinkaanu idin talo saaranay, kolkaa ay ula dhaqaaqaan meshay doonaan, hanoqoto federaalka iyo Shariifyo ama Somaliland iyo Siilaanyo, Allaa garan, waa hadii dhubahante ka yeelo.
Ismaaciil Axmed
emai l ismaahme55@yahoo.co.uk
waa run sadex qolo ah iyo labo isku qolo ah iyo mid