|

Hadafka khaatumo waa inuu noqdaa “Midayn iyo Xorayn”, Ergadana waa inay reeruhu soo xushaan dibed iyo gudaba

BIsmilaah Maxamuud Ibraahman Hadafka khaatumo waa inuu noqdaa “Midayn iyo Xorayn”, Ergadana waa inay reeruhu soo xushaan dibed iyo gudaba

 

Waxa degaannada Dhulbahante ka socota qabanqaabada shir daba socda shir hore loogu qabtay magaalada London. Shirkaasoo ujeeddadiisa lagu macneeyey sidii loo heli lahaa talo midaysan oo reerku yeesho si looga baxo xaaladda qallafsan ee ka taagan degaannada Dhulbahante Haddaba si loo gaadho hadaf midaysan waxa habboon in marka ugu horreysa lays weydiiyo waa maxay dhibka ugu weyn ee reerku ka cabanayo? Sideese looga bixi karaa? Jawaabta su’aasha koowaad waxa weeye dhibka ugu weyni waa haysashada Soomaali-land ee Caasimaddii reerka (Laascaanood) iyo degaannda ku agdhow. Tan labaadna waxa weeye dhibkaa waxaa lagaga bixi karaa in la helo talo Dhulbahante oo midaysan oo ku wajahan sidii Soomaaliland looga saari lahaa Laascanood iyo degaannada kale ee gacanta Soomaalidiidka ku jira.

 

 

Si loo fuliyo hadafkaa waxa lagama maarmaan ah in shirkan soosocda loo talo badsado lagana fara buuxsado si’aanu ama udhicisoobin ama go’aannadiisu ufuli waayin sidii kuwa horoo badan. Si taa loo gaadho waa in la garwaaqsadaa in reerku ka kooban yahay raasas/jilibyo, ee aannu ka koobnayn jaaliyado ama ururo siyaasadeed oo leh dano siyaasadeed oo gaar ah Waxaan ku talin lahaa ergada la rabo inay shirkaa kasoo qaybgasho gudo iyo debedba oo ah kuwa laga sugayo inay keenaan go’aankii reerku ku midoobi lahaa waa inay noqdaan kuwo jilibyadu soo xushaan oo caaqillaadooda iyo wax garadkoodu iska soo dhexdooraan Isimkooduna soo ansixiyaa.

 

 Waa inay noqdaan jilib waliba cidduu keenayaa cid leh karti, hufnaan, waayo aragnimo iyo anshax wanaagsan oo dadku usoo joogsanayo (waxa hubaal ah in reer walba laga helayo dad leh sifooyinkan). Arrintani waxay suurto gelinaysaa inay meesha ka baxdo “looma dhamma iyo annaga qof habel nama metelo”. Waxay kaloo suurto gelinaysaa maadaama raas waliba keenay ergadiisa in hadhoow wixii raaskaa looga baahdo ergadaa ay iyagu iska soo xusheen oo go’aanka wax ka gaadhay ay mas’uuliyaddooda qaadaan, taasoo sahlaysa in go’aammadu fulaan.

 

Waxaan kusoo gebagebaynayaa hadafka shirku waa inuu noqdaa wejigan koowaad sidii loo heli lahaa midnimo dhulbahante si ay usuurto gasho in degaanka dib loogu hanto (Midnimo iyo xoreyn). Marka taa lagaadho insha-allah ayay suurto gal noqon karaysaa in dib loo saxo wixii kale ee inaga khaldan iyo ciddii kale ee wax inagaga maqanyihiin. Qofkii damac siyasadeed lihina dadkaa xoroobay iyadoo weliba lagu qiimaynayo kaalintuu ka qaatay ayuu kasoo dhex bixi doonaa.

 

Waxaan kaloo ku dari lahaa muddadaa la raadinayo in degaanka la xoreeyo waa in lasoo dhoweeyaa cid alla iyo ciddii ehel ah ee wax inagu biirin karta ama maamul ha’ahaado (Puntland, dawladda Federalka) ama shacab ha ahaatee. Waana in cadawgu noqdaa cidda la rabo in degaanka laga kiciyo keliya ee maamulka Soomaliland. Waxaan kaloo ka digi lahaa in la abuuro  cadaawad kale oo waqtina inagaga lumo innana aynaan isku waafaqsanayn lagana yaabo inay inaga leexiso himmiladeennii ahayd inaynu degaankeennii dib uhanano

 

www.Buhodlepost.com

Maxamuud Ibraahim

dalmarbilaal@yahoo.com

Fikrad Ka Dhiibo