|

Masiibooyinkii xanuunka badnaa ee Sooaaliya soo maray (Warbixin xaaladeed dhinacyo badan

Masiibooyinkii xanuunka badnaa ee Sooaaliya soo maray (Warbixin xaaladeed dhinacyo badan)

Hordhac: Masiiboyinka ka dhacay dalka Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay waxay ahaayeen kuwo isbedeladii siyaasadeed la kaanqaadayay iyo waliba wejiyo ku cusub dadka Soomaaliyeed, waxayna masiibooyinka horay uga dhacay dalka kuwo ku cusub bulshada Soomaalida oo aanay u lahayn aqoon, inkasta oo masiibooyinka ay keenaan bani’aadamka ay garanayeen oo kaliya kooxaha iyo qeybaha Soomaalida ah, waxaana dhacda badan in kacaanka masiibada cusub dalka keenay uu ku dhammaado fashil iyo inuu ku hungoobo ka mira dhalinta ujeedadii uu ka lahaa amaba ay kooxdaasi ka lahayd inay ku gaarto.

Xilligii Hoggaamiye kooxeedyada:

Hadaba Soomaaliya waxaa ka dhacday masiibo bani’aadaminimo tii ugu darneyd 20-kii sano ee la soo dhaafay, masiibooyinkaas waxay ahaayeen kuwo u kala baxa laba qeybood mid rabaani ah sida Abaaraha, cudurada, duufaanada, fatahaadaha iwm.

Masiibada labaad waa mid bani’aadamka gacmihiisa kula yimaada, sidaas daraadeed Soomaaliya waxaa ka dhacay masiibo rabaani ah iyo Soomaalidu gacmaheeda ku kasbadeen laga soo bilaabo dagaalkii lagu qaaday dowladdii Maxamed Siyaad oo markii uu riday ururkii USC la dhihi jiray ma sameysan sharci ay wadanka ku maamulaan, waxayna xaajadii u dhuratay in dalka uu galo xaalad maamul la’aan, sharci darro iyo kala dambeyn la’aan laga dhaxlay dagaaladii ahliga ahaa ee Cali Mahdi iyo Caydiid.

Odayaasha dhaqanka:

Xilligii labada hoggaamiye kooxeed ee Cali iyo Caydiid waxaa soconayay boob, dhac iyo in dadka si fudud la isaga dilo, waxaa kaloo barbar socday odayaal loo yaqaano “Odayaasha dhaqanka” oo markii qof la dilo diyadiisa ka dhigay 3000,000 Sh.So. (Saddex Milyan Shilin Soomaali), waxay kaloo odayaasha si gaar ah u qaadan jireen lacag dhan 10-Malyan Sh.So. kharajkaas oo ay bixinayaan dhinaca dilka geystay gaar ahaan odayaasha labada dhinac, waxaana qaab dhaqanka odayaasha waxay sii fududeysay falalka dilalka dadka aan waxba galabsan.

Waxaa looga sii gudbay marxalad kale oo cusub sida inta qof la afduubto kaddibna lagu sii daayo lacag madax furasho ah, qofkii lacag laga dhiibi waayana waa la dili jiray, arrintaas wax xun lama ahayn qabqablayaashii dagaalka intooda badan

Ganacsatada:

Ganacsatada Soomaalida ee intooda badan soo baxay wixii ka dambeeyay Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo loo yaqaan “Tujaarul Xarbi” waxay dalka soo geliyeen raashin dhacay, daawo dhacday, raashin qoyan, iyagoo dalkana ka dhoofin jiray kheyraadka, dhoofinta dhuxusha oo sabab u noqotay xaalufinta waxaana dhul aad u weyn uu isku bedelay meel lama degaan ah.

Masiibooyinka ay dadka gacmahooda ku keeneen ee Soomaaliya ka dhacay waxay ahayd midda ay ganacsatada Tujaarul Xarbiga dalka ku hayaan, gaar ahaan raashinka iyo daawada dhacday oo dadkii isticmaalay ay ku dhaceen cudurro kala duwan, kuwaasi oo ilaa iyo maantadan ay la il daran yihiin boqolaal ruux, waxaana ka mid ah cuduradaas Dhiig karka, Qalalka, Wadno xanuunka iyo cudurro kale oo dadka cunay raashinka iyo daawada dhacday intooda badan ay u geeriyoodeen.

Dhaqaatiirta:

Wixii ka dambeeyay Dowladii 21-kasano dalka soo maamuleysay aad ayay u badan yihiin dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed marba dhinac uga imaanayay, waxaana ka mid ahaa qeybaha ka kor ganacsanayay shacabka taagta daran Dhaqaatiir ma naxayaal ah oo dadka u qora daawo aan tayo lahayn, iyagoo adeegsanaya sheybaaro aan qalabkoodu dhameyn, waxayna arrintaasi sababtay inay u geeriyoodaan kumanaan ruux markii ay dhaqaatiirta u qoreen daawo dhacday iyo daawooyin aan tayo lahayn.

Aqoonta dhaqtarnimada dalka Soomaaliya oo aan ahayn mid dhameystiran ayaa iyana waxay laba jibaartay dhimashada malaayiin ruux xilliyadii dagaalka ahliga ah dalka lugaha kula jiray kaddib markii dhaqaatiirtaasi ay qalliin ku sameeyeen dadkii ku dhaawacmay dagaalada iyo kuwo bukaano cuduro kale ay soo riteen.

20-kii sano ee la soo dhaafay ma jiro haba yaraatee naxariis ay dhaqaatiirta u sameeyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda bukaanada ah marka ugu horeysa oo dhaqtarka baarayo cudurkiisa lacagta lambarka loo goosanayo waxay la’eg tahay hal maalin qoys wuxuu ku noolaan lahaa, markaas kaddib waxaa bukaanka ay dhaqaatiirtu ku cunayaan laba kharaj kale oo ka badan midii hore waa tan koowaade qoridda daawada iyo isagoo kuu diraya farmashi uu heshiis kula galay inuu dadka u soo jiheeyo.

Badda Soomaaliya:

Waxaa Baddeena Soomaaliyeed lagu soo daadiyay wasaqda Nukliyeerka iyo warshadaha dalalka horumaray ay leeyihiin waxayna heshiis hoose la galeen hoggaamiye kooxeedyadii Soomaalida qaarkood, waxaana arrintaas laga dhaxlay xaaluf ku dhacay badaha iyo berriga dalka Soomaaliya iyo cudurro ka dhashay wasaqda iyo haraaga kiimikada lagu daadiyay Badda, cudurro cusub oo ku dhacay dadka Soomaaliyeed kuwooda ku dhow xeebaha si dhaqsi ahna ugu sii gudbiyay dadka ka fog xeebaha.

Cudurada cusub ee laga dhaxlay sunta badeena lagu daadiyay waxaa ka mid ah qofka uu naqaska ku xirma cudurkaan oo ah mid ku cusub dadka Soomaaliyeed, waxaa kale oo ka mid ah cudur qofka uu dhiig ka imaanayo sanka iyo afka daqiiqado kaddibna u geeriyoonayo, cudurka saddexaad waxa uu yahay in la arkay dad bareelas ah, kuwo jirkooda barabaro yeeshay iyo cudurro kale oo fara badan.

Waxaa kale oo laga dhaxlay in la waayo kalluunka bee’ada oo xun awgeed isagoo sii noqonaya mid gabaabsi ah, taasi oo taariikhda Soomaaliya aan weli horay u soo marin.

Burcad badeeda:

Masiibooyinka ku habsaday Soomaaliya waxaa ka mid ah burcad badeed isbaaro u dhigtay Badweynta Hindia iyo gacanka Cadmeed, iyagoo gacan ka helaya ganacsato Soomaali ah oo u tilmaama meelaha ay Maraakiibtu soo marayaan kaddibna afduubanaya maraakiibta iyagoo ka qaadanaya lacago madax furasho ah oo aad u fara badan, lacagaha madax furashada ah ee la siiyo burcad badeeda waxaa qeyb laga siiyaa maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Haddaba waxaa dhacdooyinkaas foosha xun ka dhiidhiyay shacabka Soomaalida, waxaana ka soo dhex baxay Maxkamadihii Islaamiga ahaa sanadkii 2006, waxaana isla markiiba hawada ka baxay qabqablayaashii Soomaalida  oo isaga cararay meelihii ay heysteen.

Waxaa kaloo la waayay dadkii laga ganacsan jiray iyo dilkii macno darrada ahaa iyo burcad badeedii marka laga reebo maamul goboleedka Puntland oo markaas gabbaad u noqday burcad badeeda waxaa iyana meesha ka baxay odayaasha dhaqanka oo fududeyn jiray in dadka macno darro loo dilo, waayo waxay jideeyeen saddex Malyan Sh.So. in diyo ahaan loo siiyo ehelada la dilay, waxaana odayaashaasi markii ay hawada ka baxeen ay dadku dhaheen “Xeersato Xukun Alle ayaa u yimid”.

Yaa ka mas’uul ah dadka ku dhimanaya tahriibka?

Musiibooyinka dalka ka dhacay waxay dhaleen in shacabka Soomaaliyeed oo fara badan ay ku dhammaadaan badaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yeman, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyoonaya badda gudaheeda, dadkaas intooda badan waxaa laga tuuray doomihii ay saarnaayeen.

Dadka tahriib-doonka ah ee doonaya inay Yeman tagaan waxay ka baxaan gobolada hoos yimaada maamulka Puntland, waxaana mas’uul ka ah dadkii ku dhammaaday xeebaha Soomaaliya iyo Yeman maamulka Puntland, mana jirto wax tallaabo ah oo uu u qaaday sidii loo joojin lahaa amaba loo mamnuuci lahaa tahriibinta dadka.

Nidaamkii Maxkamadaha Islaamiga ah:

Haddii ay maxkamadihii yimaadeen dadkii dhibaatada loo geystay waxaa la joojiyay in xeer lagu dhaqo dhibaatooyinka dadka ka dhex dhacaya, waxaa dib u soo noqday neecaawdii nabadda, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay taageeradooda u fidiyeen Golihii Maxkamadaha Islaamiga ahaa, kaasi oo keenay in muddo lix bilood ah dalka oo dhan uu noqdo mid nabadgelyadiisa la isku halleyn karo.

Isbadalka ka dhacay wadanka iyo xukunkii Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa waxaa siyaabo kala duwan u arkayay wadamada caalamka, waxaana mar kaliya Dowladda Mareykanka ka soo yeeray in dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo xiriir la leh argagixisada caalamiga ah iyo ururka Al-Qaacida.

Shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxaa ka daadegi weysay hadalka ka soo yeeray Dowladda Mareykanka, hase yeeshee dad fara ku tiris ah oo aad u yar way ogaayeen in nidaamka Maxkamadaha ay ku hoos jireen kooxo xiriir la leh ururka Al-Qaacida,kuwaasi oo iyagu dilal abaabulan ka waday dalka gudihiisa oo ugaarsanayay dadka aqoonyahanada ah, waxgaradka, culumaa’udiinka iyo mas’uul kasta oo ay u arkaan inuu caqabad ku noqon karo, waxaana daaqada ka baxay nidaamkii Maxkamadaha.

Imaatinkii Ciidamada Itoobiyaanka

Kumanaan ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dalka soo galay, kuwaasi oo ilaalinayay Dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed markii ay joogtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, hase yeeshee soo gelitaankooda gudaha wadanka Soomaaliya ayaa waxa uu lahaa saddex weji, midka koowaad wuxuu ahaa inay ilaaliyaan Dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wejiga labaad wuxuu ahaa inay awoodooda wiiqaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo in la kala saaro kooxaha argagixisada ah iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, taasina way ku guuleysteen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dagaallo fool ka fool ah waxay la galeen maleeshiyaadkii Maxkamadaha Islaamiga ah gobolada dalka qaarkood, taasi oo keentay in Itoobiyaanka ay ku guuleysteen Dowladdii Madaxweyne Yuusuf markii ugu horeysay ay ka howlgasho xarunta madaxtooyada VillaSomalia.

Dagaalkii Muqdisho:

Waxaa la magacaabay Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kuwaasi oo diidan joogitaanka ciidamada Itoobiya, iyagoo had iyo goor ku andacoon jiray in ciidamada Itoobiya iyo Soomaaliya ay u dhaxeyso cadaawad soo jireen ah, iyagoo ciidamada Soomaalidana u bixiyay magaca ah “Calal uus iyo Marya calas” waxayna odayaasha Hawiye amar ku bixiyeen in meeshii lagu arko lagu dilo ciidamada calal uusta iyo kuwa Itoobiyaanka ahba.

Muqdisho waxaa ka qarxay dagaallo ay dad badan ku hoobteen, kuwo kale ku naafoobeen iyo hanti fara badan oo ku baaba’ay, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka barakaceen dad ka badan saddex malyan qoys, kuwaasi oo magan u noqday geedaha hoostooda iyo qaar kale oo ku dhibaateysan wadamada deriska ah.

Isku dhicii Shabaab & Odayaasha beelaha Hawiye:

Waxaa isku dhacay ciidamada Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo iyagu markii hore isku mowqif ahaa, waxaana dhacday dhowr goor in la weeraro Guddoomiyaha Golaha iyo afhayeenkii Golaha balse ka badbaaday, iyagoo dhinaca Dowladda u baxsaday si ay uga badbaadaan weerarada ay ku hayeen maleeshiyaadka Shabaabka, arrintaas oo ku soo beegantay xilli wadanka ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa.

Siyaasadda ma lahan saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan joogto ah, odayaasha beelaha Hawiye markii ay naftooda u baqeen ayay maciin bideen ciidamadii ay shalay ugu yeeri jireen calal uusta iyo marya calasta, iyagoo ogaaday xaqiiqada dhabta ah goor xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen.

Yaa dhalay Shabaab?

Sida ay sheegaan dadka intiisa badan maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho dagaalada ka waday muddo ka badan laba sano isla markaana dagaal ku qabsaday dalka intiisa badan, waxay ka hoos dhasheen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, iyadoo hoggaamiyayaalna u ahaayeen rag Soomaali iyo ajaanib isugu jira oo tababaro ku soo qaatay wadankaAfghanistankana tirsan ururka Al-Qaacida.

Dadka intiisa badan ma dareensaneyn kooxahaan oo iyagu ah wadaado mayal adag, isla markaana aaminsan in wixii ka hor yimaada amaba aan ku siyaasad ahayn ay Gaalo yihiin ayna tahay in la dilo, fekerkaan oo la mid ah wadaadada Takfiirka ee dalka ku haya dhibaatada ku saleysan diinta.

Halkaan laguma soo koobi karo tacadiyadii ay dalka ka geysteen maleeshiyada Al-Shabaab, iyagoo isku dayay inay tirtiraan qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya, isla markaana dadweynaha ay ka waayeen taageero markii ay u adkeysan waayeen amaro noloshooda ciriiri gelisay meelaha ay ka taliyaan dadku way ku yaraadeen.

Maleeshiyaadka arxanka daran ee ururka Al-Shabaab kooxihii iyo hay’adihii abuuray weli way shaqeynayaan, gaar ahaan goobaha waxbarashada sida Dugsiyada wadaadada wahaabiyada, Iskuulada wahaabiyada iyo jaamacadaha lagu faafiyo afkaarta xagjirnimada diimeed ku saleysan.

Manaahijta iskuulada loogu dhigo ardayda waxaa laga dhaxlay masiibo khatar ah sida in ardayga maskaxdiisa lagu abuuro cadowtinimo, in xaq looga dhigay iyo tallaabo wanaagsan dilka waalidkiisa, waxaa laga dhaadhiciyay in Islaamka uu isaga ka bilowdo, ma jirto ardayga noocaas ah haba yaraatee aqoon diineed oo uu leeyahay, kaliya waxaa la baray inuu jano ku gelayo haddii uu dilo labadiisa waalid.

Digniin:

Muddo labaatan sano ah kaddib oo dalka Soomaaliya ay soo mareen masiibooyin kala duwan, waxaan uga digeynaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta inaysan caruurtooda geynin dugsiyada iyo iskuulada lagu faafiyo diinta la qaloociyo ee ay wadaan kooxaha qandaraaska ku soo qaatay baabi’inta dadka iyo dalka iyo waliba jiritaanka qaranimada dalka Soomaaliya, waxaana la gudboon inay caruurtooda ku hagaan barashada diinta Islaamka ee saxda ah iyo barashada cilmiga maadiga ah ee dhisaya ardayga mustaqbalkiisa.

Sidoo kale Dowladda KMG ah waxaan ugu baaqeynaa inay si degdeg ah dalka uga hirgeliyaan qaabkii ay ardayda u dhigan jireen dugsiyada iyo Iskuulada soona celiyaan manaahijtii wadanka uu lahaa, waxaana waajib ka saaran inay burburiyaan goobaha ay leeyihiin kooxaha wahaabiyada ee ardaydii ay wax soo bareen dalka u horseeday masiibada dalka ku habsatay.

Shacabka maxaa la gudboon?

Haddaba waxaa la soo gaaray xilligii shacabka Soomaaliyeed ay dantooda garan lahaayeen, waxaa kaloo la soo gaaray xilligii qof kasta mas’uuliyad iska saari lahayd inay ka shaqeyso nabadda iyo inay ka hortagto wax kasta oo dhaawacaya degenaanshaha iyo xaalad kasta oo abuuri karta khal khal ku yimaada burburinta maamulka dowliga ah ee dalka ka jira.

Hay’adda nabadda iyo kahortagga Masiibooyinka




 Ciise Ahmed Mohamed

Somali Free Journalim

Fikrad Ka Dhiibo