|

C/raxmaan Faroole oo inkiray darajooyinka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya

C/raxmaan Faroole oo inkiray darajooyinka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya

C/raxmaan Xaaji Maxamuud (Faroole) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa furitaankii shirka wada tashiga ee shalay Muqdisho ka furmay waxa uu ka jeediyay khudbad la mid ah kuwa uu ka jeediyo shirka Golaha Wasiirada Dowladiisa ama midka Baarlamaanka Puntland.

Mar uu ka hadlayay isbarbar dhig uu ku sameeyay magaalooyinka Garowe iyo Muqdisho, waxa uu sheegay C/raxmaan Faroole inay soo arkeen Shariif iyo C/Weli, taasi oo muujineysa sida uu Faroole isugu maleeyay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii uu ka tegay darajooyinka labada mas’uul ay lahaayeen.

Shirka Wada tashiga Soomaalida ee wejigiisa koowaad shalay ka furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaruntii Golaha Shacabka C/raxmaan Faroole ayaa markii uu soo hor istaagay madaxda iyo wufuuda caalamiga ah ee shirka ka qeyb galeysa inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo khudbadiisa u muuqatay sida uu u dafirayo in dalka ay ka jirto Dowladda KMG ah oo Madaxweyne ka yahay Shariif Sh. Axmed isla markaana Ra’iisal Wasaaraha uu ka yahay Md. C/Weli Maxamed Cali.

Dhinaca kale C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole waxa uu sheegay in degaanada Puntland ay ka jirto nabad la isku halleyn karo, iyadoo la ogyahay in magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamada Dowladiisa iyo maleeshiyo beeleedyo, halka magaalada Muqdisho uu sheegay inay ugu dambeysay Muqdisho oo dhisan, balse markii uu arkay uu ka jiriricooday burburka uga muuqda, taasna waa sax sida uu sheegay Faroole inay ka dambeeyeen dadka Muqdisho degan.

Fikrad Ka Dhiibo