|

Gudiga Qabanqabada Shirweynaha Labaad ee Khaatumo 2 ayaa GaarayDeegaano Ka Mida Gobolka Sool:

Gudiga Qabanqabada Shirka Khaatumo 2 ee Beelaha Deegaanka Sool, Sanaag & Cayn  oo ka kooban 13 Xubnood ayaa Gaaray Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Waxaa Halkaa kusoo Dhaweeyey Qaybaha kala Duwan ee Bulshada ku Dhaqan Degmadaas  sida Isimada Haweenka Odayaasha , Dhalinyarada & Ardayda Wax ka Barta Dugsiyada kala Gedisan ee Magaalada Taleex .

Wafdiga ayaa  Looga Hortagay meel magaalada u jirta 40 km iyadoo  Lagu soo Dhaweeyey  Caleemo Qoyan & Fardo ay Ciyaarsiinayeen Dhalinyaro aad ugu Xeeldheer  Fardo Fuulka.

Gudiga ayaa shir La Galay Waxgaradka Reer Taleex , kazoo Looga Arinsanayey  Sidii Loogu Howlgalihaa ka Qaybgalka & Diyaarinta Goobta Shirkaan Lagu Qabandoono.

Gud Gudiga Qabanqabada Shirkaan Xasan Cali Yuusuf  ayaa Sheegay in Socdaalka ugu muhiimsan yahay sidii ay u Midayn lahaayeen Bulshada ku nool Gobolada SSC ayna ka Tashadaan ayahooda,

Salax Aw Cali Shire ayaa ku Hadlayey Magaca Odayaasha Dhaqanka ee DeegaankaWaxaana uu Xusay in ay ku Haboontahay Degmada Taleex Qabashada  Shirkaan Madaama ay Degmadu Tahay Goob Taariikhi ah .

Shirkaan ayaa la isku Raacay in uu Furmo 14 Bisha October Walow aan Goobta shirka  wali La isla Meel dhigin.

Gudigan ka socda shirweynaha Khaatumo ayaa Maanta ku suga Deegaanka Laaso Cundan  oo ka Tirsan Degmada Taleex waxaana la Filayaa in Maalmaha soo socda ay uga sii Baqoolayaan  Deegaanada Sarmaanyo ,Xudun ,Awr Boogays & Fiqil Fuliye.

Fikrad Ka Dhiibo