Ilaa 600-oo ka tirsan Dagaalyahanada Al-Qaacida iyo Shabaab oo gaaray Dalka Yeman
laa 600-oo ka tirsan Dagaalyahanada Al-Qaacida iyo Shabaab oo gaaray Dalka Yeman
Saraakiil ka tirsan Dowladda Yeman ayaa sheegay in wadankooda ay soo galeen labadii toddobaad ee ugu dambeysay maleeshiyooyin ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo dagaalyahano ajnabi ah, kuwaasi oo dhinaca dalka Soomaaliya ka tegay, iyadoo tirada maleeshiyadaasina ay ku sheegeen saraakiisha ammaanka Dowladda Yeman inay gaareyso in ka badan 600-maleeshiyo.
Warbixin dheer oo uu qoray wargeyska Yeman Observer kuna saabsan ciidamada ururka Al-Shabaab iyo kuwa Al-Qaacida ayaa dhinaca badda u maray dalka Yeman, iyagoo ka degay Dekedda macmalka ah ee Shabwa kuna taalla gobolka Ebyan halkaasi oo ay maamulaan Al-Qaacidada Jasiirada Carabta ee dagaalada ka wada dalka Yeman.
Dowladda Yeman madax ka tirsan ayaa iyana waxay si cad u sheegeen in wadankeeda ay soo galeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo Dowladdu sidoo kale ku eedeysay in Soomaalida dalkeeda joogta qaarkood ay qeyb ka yihiin dagaalada ka dhacaya dalka Yeman, kaddib markii ay ciidamadu heleen meydadka rag Soomaali ah oo ka barbar dagaalamayay kuwa Al-Qaacida.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaxooti dad Soomaaliyeed ah oo gaaray wadanka Yeman looga shakisan yahay inay ka mid yihiin maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo qaab qaxooti ahaan ah ku gelaya wadanka Yeman si ay ugu sii gudbaan gobolada ay maamulaan dagaalyahanada Al-Qaacidada Jasiirada Carabta, iyadoo Dowladda dalkaasina la sheegayo inay bilowday feejignaan ka dhan ah qaxootiga Soomaalida
by Ciise Ahmed Mohamed
