|

Al-Shabaab oo Beeraha ku yaala tuulada Basra ee Degmada Balcad ka qaatay Matooro waawayn iyo dadka Tuuladaasi oo ka barakacaya deegaankaas

Al-Shabaab oo  Beeraha ku yaala tuulada Basra ee Degmada Balcad ka qaatay Matooro waawayn iyo dadka Tuuladaasi oo ka barakacaya deegaankaasi.

Wararka naga soo gaaraya tuulada Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in maalintii labaad ay ka barakacayaan guryahooda dadkii degenaa tuuladaasi, iyagoona u jiheystay qaarkood dhinaca magaalada Muqdisho, halka kuwooda kalena ay gaareen degmooyin iyo tuulooyinka kale ee degmada Balcad.

Barakaca cusub ee ka socda tuulada Basra ayaa la sheegayaa inay ka dambeysay kaddib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay shalay tuuladaasi ka geysteen falal isugu jira dhac iyo dhaawacyo ay u geysteen dadka degaanka, iyadoo tuuladaasi ka dhacay sideed Matoor oo ah nooca beeraha lagu waraabiyo, jiingado ay ka dumiyeen dugsiyo Qur’aanka lagu barto oo halkaasi ku yaala.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan tuulada Basra, maleeshiyada Al-Shabaab ee soo weeraray tuuladaasi ayaa iyagu waxay kaloo rasaas ku rideen dadweyne isugu soo baxay markii ay ku jireen howlgalada bililiqada ah, iyagoo rasaastii ay dadkaasi ku fureen sababtay inay ku dhaawacmaan ku dhowaad toban ruux.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya tuulada Basra ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Shabaab, kaddib markii kuwii horay u joogay ay u baqeen in dadka degaanka ay cagta mariyaan, iyadoo dhinaca kalena dadka degaanka ka barakacayaan guryahooda.

By Ciise Ahmed Mohamed

Fikrad Ka Dhiibo