|

Ciidamo uu hor kacayo Wasiirkii Hore ee Garoomada Puntland Axmed Karaash oo Gudaha U Galay Magalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag

Wasiirkii Hore  Duulimadka iyo Garoomada Maamul Goboleedka Puntland  Ahmed Cilmi (Karash)  oo wata  tobaneeyo baabuurta Gashaaman ah ayaa xalayto galay    magalada ceeri gaabo ee xarunta gobolka sanaag ilaa hada lama hayo faahfaahin ku sabsan imaanshaha  Ceerigaabo ee Ciidamadan  uu hogaaminayo Ahmed Karaash  balse waxay wali ku sugan yahiin Bariga magalada ceeri gaabo  magalada Ceerigaabo aya waxaa maamulkeeda  gacanta ku haya maamulka somaliland    waxaa Galbeedka.

magalada Ceerigabao hadaku sugan raxan Wasiiro ah oo   ka socda maamulka somaliland  oo hore u joogay magalada halka Bariga magaladana ay ku sugan yahiin boqolal Ciidan  Beeleed  ah oo uu hogaaminayo MR karaash  Ciidamadan  aya kasoo kici timay deeganka AWR BOOGEYS oo ka tirsan isla Gobolka Sanaag,

dhaqdhaqaaqan Ciidan ee kasoo cusboonaaday Gobolka Sanaag ayaa  kusoo beegmaya  xili ay Gobolka ku sugan yahiin Xubnaha Qaban Qabada shir weynaha Khaatumo 2.

ee lagu wado inuu dhawaanahan ka qabsoomo meelkamida deeganada Sool Sanaag iyo Cayn

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo