Xukuumada Ra’iisal Wasaare C/Weli Gaas oo dhabarka u jeedisay dagaaladii xuduudaha ka socday, kii Muqdishana hakisay
Tan iyo markii Xilka Ra’iisal Wasaarenimada loo dhaariyay C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa gebi ahaanba mar qura istaagay dagaaladii kululaa ee sida dardarta leh uga socday gobolada ku yaala xuduuda dalka iyo waliba magaalada Muqdisho oo ah caasimadii dalka Soomaaliya, kuwaasoo kooxaha Al-Shabaab ee xiriirka dhow la leh ururka Al-Qaacida looga sifeynayay goobaha ku sugnaayeen.
Ra’iisal Wasaare C/Weli Gaas ayaa markii jagada Ra’iisal Wasaarenimada loo dhaariyay wuxuu shacbiga Soomaaliyeed u ballanqaaday inuu halkiisii ka sii wadi doono mirihii iyo guulihii ay gaartay xukuumadii ka horeysay ee Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen guulaha waxtarka leh ee maanta shacbiga Soomaaliyeed 85% uu ku naaloonayo.
Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa hadda u muuqda nin aanan u fulinin ballamadii uu galay ee la xariiray inuu sii ambaqaadi doono howlihii dhinaca amni sugidda ee dardarta ku socday, waxaana haatan gebi ahaanba istaagay dagaaladii iyo weeraradii ciidamada Dowladda, kuwa Ahlu Sunna iyo AMISOM ay ku hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo haatan u muuqda inay taagan yihiin halkii uu kaga tegay Ra’iisal wasaarihii hore ee Farmaajo.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgalada ka waday qaar ka mid ah gobolada dalka oo xiriir nala soo sameeyay ayaa noo xaqiijiyay in gebi ahaanba haatan uusan jirin qorshe cusub oo uu la yimid Ra’iisal Wasaare C/Weli ee ku wajahan sidii ay Xukuumadda isugu ballaarin lahayd una dhameystiri lahayd goobaha ay weli maleeshiyaadka Shabaabku ay ku sugan yihiin, taa bedelkeedana uu sheegay Sarkaalku inay maleeshiyaadkii Shabaabka ay u noqotay ay dib isugu soo abaabulaan, kaddib markii hadakad aan dhaqaaq lahayn uu ku yimid howlgalkaas.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah oo aan wax ka weydiinay sababta ay arrintaasi ku dhacday, ayaa waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay labada Ra’iisal Wasaare ee C/Weli Gaas iyo Farmaajo, isagoo midkii hore ku ammaanay doorkii uu ka qaatay howlgelinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed xag dhaqaale, xag saanad Milateri, xag daryeel iyo xag mooraalba, balse waxa uu ka deyriyay Ra’iisal Wasaaraha haatan xukuumadda hoggaaminaya ee aan haba yaraatee u muuqan mid u soo jeeda in xitaa wax xiriir ah uu la sameeyo mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah iyo saraakiisha xoogga dalka ee ka hortaagan maleeshiyaadka Al-Shabaab inay mar kale dib u hantaan goobihii horay looga xoreeyay, in horay loo sii dhaqaaqaba iskaba daaye.
Waxa uu dhaliilay Sarkaalku sidoo kale Ra’iisal Wasaare C/Weli, isagoo eeda ugu weyn ee uu u jeediyay ay tahay inuu ka goostay sahaydii iyo xiriirkii uu la lahaa ciidamada Dowladda ee ku sugan aagagga hore ee gobolada dalka, wuxuuna ammaan iyo bogaadin u jeediyay ciidamada weli cadowga ka hortaagan isla markaasna diyaar u ah inay halgankooda iyo howlgaladoodaba ka dhaqaajiyaan halka ay ku sugan yihiin mar alla iyo markii fursadu u saamaxdo si ay uga xoreeyaan kooxda Al-Shabaab ee habeen iyo maalin ku gowracaan goobaha ay ku sugan yihiin, shacabkana ka hortaagan gargaarka iyo sahadii la gaarsiin lahaa.
“In kasta oo rajo sidaas u weyn aan ka qabin waxqabad xukuumada Ra’iisal Wasaare C/weli la timaado, hadana waxaan ka war dhowreynaa sida uu wax uga qabto xaaladda amni iyo la dagaalanka Shabaab” ayuu yiri sarkaalkaasi oo sheegay in xaalada ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolada tahay mid aad u liidato, isla markaana xaaladu ka sii dari doonto hadaan si dhaqsi ah Dowladdu xil iska saarin.
By Ciise Ahmed Mohamed