|

Wikileaks oo soo bandhigtay taageeradii ay Itoobiya siin jirtay jabhaddii (SNM) ee waqooyiga Soomaaliya

Wikileaks oo soo bandhigtay taageeradii ay Itoobiya siin jirtay jabhaddii (SNM) ee waqooyiga Soomaaliya

Jimce, September 09, 2011(HOL) Nairobi,Kenya – Sir uu soo bandhigay wikileaks ayaa muujinaysa sida ay dawladdii Siyaad Barre uga dharagsanayd in Itoobiya ay taageero siinaysay Jamhaddii (SNM) ee waqooyiga Soomaaliya.

Warbixintan oo ah mid loo gudbiyay Maraykanka ayaa ka sheekaynaysa baaritaan uu waday xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/laahi Cigaal Nuur sannadii (1988) oo hayay xog muujinaysa in dawladda Soomaaliya ay ogayd in jamhaddii (SNM) ay taageero ka helaysay Itoobiya , balse aysan Soomaaliya haynin caddaymo adag oo arrintaasi muujinaysa.

Baaritaankaas ayaa keenay in C/laahi Cigaal uu ku yiraahdo safiirkii Itoobiya u fadhiyay Muqdisho xiligaas ADDOU’S DEMARCHE isagoo erayadiisa si taxadar leh u dooranaya “Soomaaliya ma aaminsana in Itoobiya ay ka faramarantahay taageerada jabhadda (SNM) ,laakiin ma haynno caddayn adag oo tilmaamaysa in Itoobiya ay si toos ah gacan siinayso jabahaddaas”.

“Itoobiya way buunbuunisay tirada dadka ku barakacay isku dhacyada waqooyiga Soomaaliya ,Itoobiya waxay ku sheegtay tirada barakacayaasha 100 kun oo qof, halka dawladda Soomaaliya ay ogtahay in dadkaasi aysan ka badnayn 30 kun oo qof”. Ayuu yiri Cabdullaahi.

Safiirkii Itoobiya Addou ayaa sheegay inuu marar badan wacay madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, isagoo waydiinayay mar walba inuu u soo gudbiyo warbixino dhammaystiran oo caddaynaya waxyaabaha ay Soomaaliya tabanayso.

Qoraalladan sirta ah oo la qoray 23 sano ka hor ayaa muujinaya dareenka colaadeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya xilligaas oo ay labada waddan kala saxiixdeen heshiisyo ay kamid ahayd xabbad joojin iyo in labada waddan ay joojiyaan taageerada ay siiyaan jabhadaha kasoo kala horjeeda.

Xigasho :
Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi,Kenya

View:26

Xigasho:  Allbocame Online

Fikrad Ka Dhiibo