Laba ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Degmada Mahadaay oo xalay kooxo hubaysan ku dileen gudaha Degmadaasi.
Wararka aanu ka helayno Degmada Mahadaay ayaa sheegaya in laba ka mid ah Makleeshiyaadka Al-Shabaab ee maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe xalay lagu dilay halkaasi, kadib markii la sheegay in si gaadmo ah loo dilay labadaasi Maleeshiyo.
Maleeshiyaadkaan xalay la dilay ayaa lagu soo waramayaa in dilkooda ay ka dambeeyeen kooxo ku hubaysan Bastoolado, lamina garanaayo cida ay kooxdaasi falka dilka ah gaystay hoos tagto, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen in raga dilka gaystay ay ka soo jeedaan deegaankaasi.
Labada ruux ee falka dilka ah loo gaystay ayaa la sheegay in laga qaatay labadii qori ee ay siteen, iyadoo isla horaantii sanadkaan sidoo kale dil loogu gaystay Degmadaasi mid ka mid ah Maleeshiyaadka Shabaab ee Deegaankaasi ku sugan.
Maamulka Al-Shabaab ee Degmada Mahadaay ayaa xalay xiray gebi ahaanba wadooyinka soo gala degmadasi, iyadoo baadigoobaya ragii falkaasi ka dambeeyay, waxaana dadka deegaankaasi lagu wargeliyay inaysan guryahooda ka soo bixin.
Dhanka kale Deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ka mid ah Gobolka Sh/Dhxe ayaa iyana xalay waxaa ka aloosnaa xiisad dagaal, iyadoo ay is horfadhiyeen Maleeshiyaadka Shabaab ee halkaas ku sugan iyo Dhalinyarada Deegaankaasi oo iyagu ka horyimid cadaadiska badan ee kooxda Shabaabka
Ciise Ahmed Mohamed
Muqdisho So,alia
