|

Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday xilliga ay ciidamada Soomaaliya u soo dirayaan

Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday xilliga ay ciidamada Soomaaliya u soo dirayaan

Wasiirka arrimaha dawlada Jabuuti Cali Cabdi Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay bisha soo socota ee October ee sanadkaan ay dalka Soomaaliya u soo dirayaan hal guuto oo ciidamo ah kuwaasoo ku biiri doona ciidamada AMISOM ee Muqdisho ka hawl gala.

Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay inay qorsheeyeen inay ciidamada ay Soomaaliya ugu talo galeen ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo daabulayaan magaalada Muqdisho si ay u gutaan hawsha.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibbadda Jabuuti Cali Cabdi Faarax waxaa uu tilmaamay in iyagoo ka jawabaya balanqaadkii uu magaalada Muqdisho ka sameeyay m/weynaha Jabuuti ismaciil Cumar Geelle ay diyaariyeen ciimad ay ugu talo galeen inay ku biiraan ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan waxaana uu xusay inay ciidamadaaasi soo dirayaan bisha soo socota ee October.

“Jabuuti ciidamadeeda waxay Soomaaliya u soo diraysaa bisha dambe ee October waxaana ciidamadaan lagu xoojinayaa ciidamada AMISOM hal guuto ayaan diri doona” Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibbadda Jabuuti

Dawlada Jabuuti ayaa dhawr jeer oo hore balan qaaday inay Soomaaliya ciidamo u so

By Ciise Ahmed Mohamed

Fikrad Ka Dhiibo