Laascanood Oo Siwayn logu sodhaweyay Gudida Khatumo2(Daawo+Sawiro)
Kumanaan dad ah oo isugu jira masuuliyiin, waxgarad, haween, dhalin iyo dhalaan ayaa maanta u soo baxay duleedka magaaladda Laascaanood si ay u soo dhoweeyaan Gudi odayaal ah kuwaasi oo dhowaanahanba wadey si ay dadka uga dhaadhiciyaan Shir lagu magcaabay Khaatumo oo la sheegay in bisha Oktoobar la qaban doono.
Gudigan oo mudo laba todobaad ah marayey degaano kala duwan oo ka mid ah Sool, Sanaag iyo Cayn ee Buuhoodle ayaa waxa ay ujeedadoodu tahay sidii ay diyaarin lahaayeen shirweyne beelaha degaankaasi isugu yimaadaan, iyagoo qorsha shirkaasi yahay sidii looga gudbi lahaa ururka Hubaysan ee SSC sida uu sheegay Prof. Cali Khaliif Galaydh.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa ka muuqanayey soo dhoweynta kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen madaxda Gobolka iyo degmada iyagoo soo maray jidka dheer ee magaaladda dhex mara oo ay safnaayeen dacaladeeda iyagoo ugu danbayntiina fagaaraha degaanka la dejiyey kula hadlay dadkii isu soo baxay.
Gudoomiyaha Gudigaasi Xasan Cali Dirir ayaa u mahad celiyey dadkii soo dhoweeyey isagoo uga waramay meelihii ay safaradda ku soo mareen, waxana uu xusay inay dadku doonayaan nabad iyo nolol.
Gudoomiyuhu waxa uu balan qaaday inay maalinta beriya ay dadka la hadli doonaan, waxana ay maanta horey u soo mareen degaano ay ka mid yihiin Yogoori iyo Adhicadeeye oo magaaladda Laascaanood dhinaca wuqooyi kaga beegan.
Ciidanka Booliska ayaan wax talaabo ah ka qaadin dhalinyaro isu soo baxaasi ka dib soo qaatay calanka Soomaaliya ee Buluuga ahaa iyagoo iska ilaalinaya inay wax rabsho ahi ka dhacaan magaaladda inta ay weftigaasi ku sugan yihiin.
Weftigan oo dhamaantood ka yimi wadanka debediisa ayaa waxay marayaan gabagadii safar dheer oo ay kula hadlayeen dadka iyadoo ay haatan marayaan dhulkii ugu danbeeyey.
Shirkan la saadaalinyo inuu dhoco bisha 10aad ee sanadkan ayaan weli la shaacin halka rasmiga ah ee lagu qaban doono.
Wariye Cadnaan Saalax Iyo Col, Indho Sheel
Cadnaan Saalax Maxamed(Cartan)
Laascaabood








![gaadhi]](http://boocameonline.com/wp-content/uploads/2011/09/gaadhi.jpg)





