Hal aad nin ku baratay halbaas ma aha
Waxa muddo dheer waayeelka qaar u noqday tab, xeelad iyo hab-dhaqan ay ku qadhaabtaan ama ku fuliyaan wixii ay markaas u arkaan in dantooda gaarka ahi ku jirto, afar hal oo aynu maqaalkan gaaban ku xusi doono haddii alle idmo. Dadka habdhaqankaas adeegsada waxa sida muuqata u cad yool iyo ujeedo gaar u ah iyo jidkii loo mari lahaa. Run ahaantii dan uma galaan mawjadda ay kicyaan ciidda ay jiidhayso iyo danta guud oo ay faylaha jarayaan e waxa muuqata in ujeedadoodu tahay: ama tayda helay ama tuna la helimaayo. Si ay tooda u helaana jidadka loo marayo tolimo, diin, dadnimo iyo dareen kale midna kuma xisaabtamaan, waxayna ku dhaqmaan oo maskaxdooda si fiican u galay weedha leh “The end justifies the means”.
Afarta hab-dhaqan oo siyaasdooda afkuxuublaha ah, weligeedna aan midho dhalin ku dhisan tahay tiirarkana u ah kan hore waa habka jilista ee wadmada reer galbeedka ah looga yaqaan “Marionette” oo iyadu ku salasyan caruusad qori, caag ama wax kale ka samaysan oo qof xarfadda jilidda wax uga bilaabanyihiin inta badan meel qarsoon ka dhaqdhaqaajiyo, sida ka muuqata sawirada hoose.

Run ahaantii waxa ceeb iyo fool xumo ah in maalin walba la helo dad aan cimri iyo caqli tooni u dhinayn oo sida caruusadda qof qarsooni meel ka dhaqdhaqaajiyo. Waxa kale oo ceeb ah in ummad dhan la isku dayo in habkaas aan maanta qof saddex jir ka weyn lagu maaweelin karin lagu dayo oo weliba rajo laga qabo in la marsiiyo in caruusaddu iskeed u dhaqaaqayso, isla markaana dantooda ka talinayso oo wado.
Habka labad haddaynu u gudubno, waxaynu taariikhda ku aragnay in marka amuur cusub dhaqan iyo mabda’ siyaasadeed mid kastaba ha noqdee ay timaado, dadka u horreeya oo raacaa ay yihiin sida qaalibka ah dadka ducafda ah oo aan waxna ka dambayn waxna ka daadanayn. Habka cusubi wuxu tusaa qof kasta oo aan mujtamacii uu ka midka ahaa iyo hab-nololeedkiisii waxba ku haysan ama horumar ka rajaynayn, sharaf iyo karaamana ku lahayn in isbedelkaas dani ugu jirto oo uusan marna sidii uu ahaa hoos ka sii aadayn. Waxaana jarka ugu talaabsada beenta kuwa ku danaysanaya oo xabiib isaga dhiga iyo rajad ay tusaan oo ah in xaalkiisu sidii hore ka fiicnaan doono.
Hadaba iyada oo taa og, waxa habka labaad oo waayeelkan tabihiisa ka midka ah adeegsanjirtey Raìisul wasaaradii Indira Gaandhi ee muddada dheer dalka Hindiya ka talinjirtey. Indira Gaandi waxay ku soo bixi jirtey codka dadka masaakiinta iyo ducafada ah.
Waxa la yiri isaga oo taas higsanaya ayaa nin weriye ahi wuxu waydiiyey waxa dadka ducafada ah qudhihi ugu codeeyaan oo dadka dhaqaalaha leh, talaqabeenka iyo kan aqoonta lihi xaafadaha ay ka degaan magaalooyinka waaweyn ay cod qudha uga weydaa?. Waxay ku jawaabtey baa la yiri: Inta aan saacad ama ka badan isku deyayo in aan ku qanciyo mashruucayga qof “Ph.D” haysta, 5 daqiiqo ayaan waxan ku qancin karaa xaafad dhan oo kumanyaal qof oo baalashlayaal, xamaaliin, dan yar iyo derbijiif deggan yihiin.
Run ahaantii waxan qabaa Indiira Gaandi in ay sidaas ku saxnayd codna ku heshay doorashooyinkii ay ka qayb gashay oo dhan. Waxay kale oo waayeelka tabahan isticmaala kaga duwanayd dadkaas ducafada ahi cidna ma af la gaadayn jirin waayeel iyo waxgaradna lama odhan jiro caaya oo canjarafeeya oo dhankaas ceeb ka saliim bay ka ahayd.
Marka waxan u sheegi lahaa waayeelka tabtan ku dhaqma, maxasta iyo ducafada adeegsigoodu ma xumee la sug marka cod wax lagu kala goosanayo sida Indiira Gaandi. Laakiin iminka waxa keliya oo ay soo kordhinyaan waa fadeexad iyo foolxumo, idinkana magac iyo maamus xumo bay idinku tahay, kuna talo gala in awelba inta indhaha qabtaa idin arkaysey, iminkana xataa indhoolkii idin arko.
Sawirk muuqdaa waa Indiira Gaandi oo ku dhexjirta balashlayaashii iyo ducafadii, waana muuqta in beenta ay u sheegayso macaankeeda qaar ka mid ah ilkuhu banaanka u soo bexeen.
Habka saddexaad oo waayeelkan tabohooda ka midka ahi wuxu ku salaysan yahay in aqoonyahanka, waxgaradka, guurtiga iyo tala qabeenka cayayaan aan afkooda iyo adinkooda tooni geyin lagu kiciyo. Waxa lagula diriraa oo derbijiif iyo god ku jire loo diraa qof kasta oo mujtamaca dhexdiisa qaderin iyo qiimayn ka mudan, karaamona ku leh, isla markaasna aan jilidda ay wadaan ku qancin.
Dhaqankaas waxa lagu yaqaan oo ku caanbaxay hogaamiyayaasha keli taliska ah oo weligood adeegsda waxba kama waabtaanka iyo dad derderan ama wax u dhiman yihiin oo ay og yihiin in ay iyaga iyo hawsha loo diro u go’doomayaan oo daacadnimadoodu indha la’ dahay, weligoodna suaal soo celin.
Nin ku takhsusay cilmiga “Psycolgy”ga oo keli taliska iyo dadka dhaqanka u leh in ay dadka kale “Domination” ku sameeyaan tilmaan ka bixiyey wuxu yiri:
Being fairly bright, they learn how to imitate emotional expressions suggestive of some higher emotions (Compassion, sociability, sympathy, morality and patriotism), through which they fool the grassroots. However, they hardly fool any intelectual observer because they ring hollow as there is no truth and authenticity in their words.
Waxa intaas u dheer isla weyni ay kaga horyimaadaan fikir kasta oo aan iyaga ka soo bixin iyo in aanay weligood raali gelin ka baxin khaladkooda ama dambiga ay galaan, isla markaana wax kasta oo ay sameeyaan ama iyaga ka dhacay ay sax u arkaan.
Tabta afraad waxay ku salaysan tahay nacayb dumarka, carruurta iyo wax-magaratada lagu beerayo oo la leeyahay reer hebel, ha la nebcaado. Waxase fajiciso ah, kuwii soo duuley oo dhulka qabsaday oo dadkii dhulka lahaa isugu daray: dil, dhac, xadhig, barakicin, cabudhis iyo cadaadis nooc walba leh lama hadal hayo, hala nebcaadona lama leh, dhulkii ha laga xoreeyona lama leh. Qolada horseedka loo diray intooda badan iyo kuwa dabada ka wada qayb ka mid ahi waxay aaminsan yihiin in Laascaanood raggii lahaa haysto. Waxa intaa dheer horgaladii cadowga soo kexeeyey in ay hagaagsanaayeen baa la isku deyayaa in dadka laga dhaadhiciyo.
Waxaana tusaale ku filan: xubnaha dhawr iyo tobanka ah oo la diray amar baa lagu siiyey in aysan tegin wixii togga bixin bari ka xiga oo waa dhul cadow, laakiin meel kasta oo waqooyiga soomaaliya ku taal oo togga bixin bogox ka xigta waa tegi karaan, codowna ma joogo dhul cadowna ma aha. Marka waa suaal furane, qolada cadowga ahi ma kuwa waxtar la’aanta lagu haystaa, mase waa kuwo soo duuuley oo dadkeenii wax dhintay, wax qaxay, wax xidhan ka dhigay?
Waxan qabaa meesha laynoo wadey sida dayax afar iyo tobnaad oo diraaceed u muuqdo bay u muuqataa, qofka maanta yiraahda ma arkona ama waa indhala’ yahay ama waa abdala’ yahay, sidaasna ha loo ogaado.
Nin baa in uu nin kale diley maxkamad loo soo taagey, markaasaa qareenkiisii wuxu arkay in arrintu aad ugu foororto. Qareenkii marka waa fekerey wuxuna istusay haddii uu ku guulaysto in uu 10 ka qof ee xukunka rididoona iyo qaadiga iyo qareenka dawladda shaki ka geliyo in ninkaasi ninka loo haysto diley arrrintu waa isbedelysaa. Qareenkii dembiiluhu, mar qudha buu inta kacay wuxu yiri: Hebel dembiga lo haysto ma gelin oo hebel ma dilin waxaana markhaati ka ah albaabkaas inoo muuqda waxa mar dhow ka soo geli doono ninkii la yiri waa dhintay oo hebel baa diley. Waxan dhamaantiin idinka codsanayaa in aad muddo 5 miridh ah albaabka eegtaan waxa ka soo gelidoona ninkii la moodayey in hebel diley oo soconayee.
Dadkii dhamaan albaabkii bay wada eegeen, laakiin shantii miridh waa dhamaatay albaabkiina cidi kama soo gelin. Ninkii qareenka ahaa waa hadlay oo wuxu yiri waan malaynayey in aan hebel ka soo gelayn albaabka, laakiin waxan uga socdey in aad dareentaan in aad dhamaantiin shaki ka qabtaan in hebel wax diley oo rajo idin gashay in ninkii oo nooli halkaa ka soo galo. Marka fadlan dhamaantiin waad wada eegteen albaabka oo shaki baa idinku jira, sidaa darteed idinka oo shakisan ninkaas hebel ah dambi ha ku xukumina ilaa ma hubtaane.
Maxkamadii halkii bay shaqadeedii ka sii wadatay, waxaana la gaadhey xilligii toban kii qof ee loo xulay ay dembi iyo dembi la’aan ninkii ku xukumi lahaayeen.
Qaadigii baa yiri: war ma haysaan xukunkii, markaasay yiraahdeen haa. Warqadii baa qaadigii loo gudbiyey, markaasaa qaadigii yiri: waxay garteen in hebel dambiile yahay oo hebel diley.
Qareenkii baa boodey oo yiri: war sowtaynu dhamaanteen wada shaki sanayn oo albaabka eegnay, ma shaki baad wax ku xukumaysaan? markaasa loogu jawaabey waa runtaa, laakiin ninka hebel oo aad difaacaysid oo dilka loo haystey markaynu dhamaanteen albaabka wada eegnay oo rajo ka qabney in hebel oo soconayaa ka soo galo isagu hoos buu eegayey oo waa u cadayd in aan ninkii uu diley albaabka ka soo gelayn.
Haatan haddii qoladan leh janadii baanu idiin wadnaa oo weliba ina leh “now or never”, la odhan lahaa albaakaas ha la eego waxa ka soo gelidoono xalkii dhibaatada beesha oo ka dhashay mashruucaas aad wadeen oo bud-dhigaha u tihiine. Waxa hubaal ah in ay hoos eegi lahaayeen, waayo maskaxda ka dambaysaa waxan la walaaqday kuma ay talo gelin waxaas iyo wax u dhow toona, gogosha Garaad Saleebaan dhigayna waxa ragga qaar xasaasiyad uga muujey oo hindhisada ugu waashay, dee shir dhulbahante lama wadin e shirqool dhulbahante baa la wadey.
Gebagebo
Waxan sheeko ku maqlay Mohamud Indhataag baa waxa u yimi niman saraakiil ah, markaasay waxy yiraahdeen, adeer waanu isu faanaa oo nin waliba wuxu kan kale ku yiraahdaa aniga ayaa kaa raganimo badan e na kala saar oo noo sheeg waxa ninka raga lagu garto. Wuxu ku jawaabey: ninka ragga ahi waa ninka xishooda. Nimankii suaal bay ku celiyeen oo waxay yiraahdeen ma xishood keliya ayaa raganimadu? Wuxu yiri ahaa, waayo ninka ragga ahi waxa kasta oo ceeb iyo dheec u keeni kara oo ay ka mid yihiin meel ka dhac, dhabcaalnimada, fuleynimada, gardarrada iyo wixii la hal maala wuu ka xishoodaa oo ilaah iyo aadmiba waa ka xishoodaa. Taa macneheedu ma aha in aan beni-aadanku qaldamin, laakiin haddii qaladku soo noqnoqdo qiil kale ma leh.
Run ahaantii sida wax u socdaan marka loo dhabogalo, waxa cad in cid wax lagula soo heshiiyey, ka dibna la isku deyey in dadka dushooda laga shaxo oo hawshii balanta lagu soo galay laga fushado. Waxaase caqli xumo ah in ummadda intaas le’eg ilaa xadkaas sida carruurta la isku dayo in loola dhaqmo oo iyaga oo soo taagan oo culimo iyo caamo leh, waayeel iyo tala qabeen leh, aqoonyahan iyo indheergarad leh, la isku dayo in lagu maaweeliyo wax la mid ah caruusadda xadhiga lagu dhaqdhaqaajinayo oo aan hubo in aan ilmaha saddex sano gaadhey lagu khayaamayn karin.
Mahmaahda soomaaliyeed oo aan qoraalka cinwaanka uga dhigay ee leh “Hal aad nin ku baratay hal baas ma aha”, waxa laga wadaa tabta ama habdhaqanka aad qof ku baratay si kastaba ha kuula xumadee dee hal baas ma aha. Waxaana looga jeedaa dee mar hadaad ku taqaanid hadaadan loo hadh ahayn oo aan wax kaa si ahayn waad ka gaashaaman. Laakiin waxa dheec iyo dhegxumo ah waayeelka aynu tabahaas ku naqaani iyana tabta ma bedelaan oo weligood afartaas aynu xusnay mid shanaad kuma daraan, dadka tabahan loogu talo galayna tabcada weligood kama koraan e maalin walba qaar cusub oo qaaruumihii godad galay bay sida raha biyaha roobka naqa u horreeyaa u soo saaraan iyaguna godadka iyo qabuuraha ifka uga soo saaraan, taas ayaana ayaan-darradii dhabta ahyd ah.
Waxana ku soo xidhayaa haddii ay jirto cid qabta in cayaartii dhamaatay oo Mr. X, Y iyo Z waa “history”, walle ma aha e inta miskiin lagu shaqaysto la helayo iyana hawl bay ku jiraan idina halgaad baa idinku maqane ha loo toog hayo. Tan kale, tii ilaah waa meel, laakiin reer Buuhoodle dagaal culus baa loogu jiraa in layska hor keeno oo midnimadooda la burburiyo, reer Boocamena waa laysku dhiftay, laascaanood qudheedu waxay maraysaa reer hebel iyo reer hebel baa iska leh. Halkaa waxa ku cad maskaxdii dhibta oo dhan abuurtay, arrinta laascaanoodna ka dambaysey in ay tahay tan maanta qandiga inoo soo xidhatay.
Ugu dambaystii, aanba la gudhinee, haddii shir iyo wadatashi la wadey shacabkuna waa rabaa waana u diyaar gogoshiina waa loo fidiyey oo Garaad Saleebaan Garaad Mohamed baa dhigay, goobtiina waa la lagu dhawaaqi doonaa haddii alle idmo e ha loo diyaar garoobo oo yaan loo kala hadhin, haddii sidaan kor ku xusay shirqool la wadeyna ajigu indhihiisa waa qabaa oo lays arag e xasaasiyadda iyo hindhisada, waa fiican tahay in wax la dhawrtee islaamka ha laga duwo.
Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Xigasho: Taleex Media