|

QURBA JOOGTA DHULBAHANTE EE KHAATUMO 2 MA URUR SIYAASADEED OO CUSUB BAA?‏

QURBAJOOGTA DHULBAHANTE EE KHAATUMO 2, MA URUR SIYAASADEED OO CUSUB BAA.

Waxaa beryahan soo baxaya oon la soconaa in dhalinyaro qurbo-joog dhulbahante ahi ku sugan yihiin gudaha wadanka, kuwaas oo maraya tuulooyin iyo degmooyin badan oo deegaanka ka tirsan, iyogoo halku-dhegoodu yahay Midayn Dhulbahante, hadaba waxaa fiiro iyo xusidba u baahan qorshaha ay dhalinyaradani wadaan, kaasoo ay ugu yeereen midayn dhulbahante haday noqon lahayd xaga horumarinta deegaanka, nabadaynta beelaha, dhaqaalaha iyo siyaasadaba, iyagoo kooxdani cadaysay inay ka madax banana yihiin siyaasadaha Hada beeshu kala aaminsan tahay ee deegaanka ka jira, haday noqon lahayd S/land, P/land iyo Maamulka SSCba, balse aanan cadayn inay yihiin Urur Siyaasadeed oo cusub, Inkastoo ay dhowr jeer ka dhawaajiyey Soomaliweyn.

Waa wax lagu farxo oo xili hore loo baahnaa, midnimaduna waa tan aasaaska u ah beel ama deegaanba, balse waxaa loo baahan yahay in la is weydiiyo

1) waxa keenay in xiligan maamuladii ku sii badanayaan deegaankii ay nimankani fadhiga ka kacaan.

2) maxay saamayn ku yeelan doontaa aragtidani deegaanka maadaama maamulo kala duwan oo la kala taageersan yahay deegaanka ka jiraan, oo ka taliyaan.

3) Ma dhiig iyo Dhiilay wadaan mise Dhereg iyo Dheef bay wadaan.

3) ma garab kale oo siyaasadeed bay rabaan inay abuuraan, oo kuwii hore

tiradooda sii badiya.

4) Ma xal beeleed bay wadaan mise xal deegaan bay wadaan.

5) Maxay tahay Siyaasada ka danbaysa aragtidan ee dhaqaalaha iyo taakulayntaba la daba taagan ragani.

6) SSC midnimo dhulbahante ayuu ahaa kaasoo u xuubsiibtay Maamul Goboleed,

Khaatumo jidkaas ma Mari doonaa.

Hadii aanan Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanba jawaab loo helin, waxaa xaqiiqo noqonaysa in mugdi meesha ku jiro, u baahan in hangoolka la iskaga fiiriyo intaan haadaanta lagu dhicin.

Hadaan u daadego aragtidayda igu kalifay qoraalkan, waa Aniga oo raba in waxii berri khaldami lahaa aan isku dayo inaan sii iftiimiyo oon ka hor-tago si looga badbaado tafaraaruq hor leh oo ka dhasha inta la is leeyahay wax ha la mideeyo, waxaan rabbaa inaan Halkan ka bayaamiyo, in hadii qorshaha nimankani wadaan yahay midayn dhulbahante taasoo ka madaxbanaan siyaasad ha noqoto mid cusub amaba taageeris mid ka mida kuwan hore u jiray aanu beel ahaan soo dhoweynayno, balse hadii qorshahoodu ku lug leeyahay ka ariminta deegaanka iyo u arimintiisaba oo qaab siyaasadeed ah, in dhulbahante ogaado in deegaanka lala dego ee aysan keli ku ahayn.

Waa xaqiiqo in Dhulbahante yihiin qabiilka ugu badan balse taa macnaheedu maaha in waxkasta oo deegaanka ku saabsan iyaga loogu daba fadhiisto balse waa in laga wada arinsado. Waxaa xusid mudan Maamulka SSC ee deegaanka ka jira waxuu isku magacaabay maamul goboleed metela beelaha dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, balse dadkii deegaanka lagama wada qaybgelin amaba lagalamaba arinsan dhisida ururkan iyo xubnihiisaba sidaa awgeed waxay arintaasi noqotay mid Awood jujuubsi ah iyo in khalad lagu saxo khalad. Suuro gal maaha in wax beeli ama kooxi dhisatay iyadoon beelihii kale kala tashan ay mardanbe ka codsato inay ku soo biiraan iyagoo aysan jirin wax ay kala socdeen qorshaha iyo aragtida fog ee ka danbaysa maamulkan la dhistay.

Sidaa awgeed ayaan waxaan ka digaynaa beel ahaan in KHAATUMO2, iska ilaaliso inay Marto jidkii SSC Amaba Kii kan ka horeeyey ee KHAATUMO 1.

Hadaan qodobkayga sii cadeeyo beelaha dhulbahante way shiri karaan, aayahoodana ka tashan karaan, deegaamadoodana horumarin karaan, siyaasad ay ku midaysan yihiina samaysan karaan balse waxa khilaafka iyo isku dhaca keenayaa waa dhinaca Siyaasada guud ee deegaanka iyo ku takri falida awood sheegashada deegaanka la wada dego ee beelaha badan ka dhexeeya.

Beelkasta oo deegaanka degtaa  xaq iyo xaquuq bay ku leedahay deegaanka,

codkeeda in la maqlana waa loo baahan yahay balse aanan Hayb Qabiil AMA tirro lagu riixin oo codkooda lyo xuquuqdooda lagu duudsiyin. Waxaan qabnaa oo xaqiiqo ah in beeshii 5 Qofi ka degan yihiin deegaanka la tixgeliyo oon la duudsiyin, wixii ay xaq u leeyihiina ka helaan deegaankooda.

Waxaa xusid mudan in markii la samaynayey S/land ay maamulkeeda iyo wadatashiyadeedaba ka qayb geliyeen beelaha deegaanka ay sheeganayso inay maamusho, tiraday doonaanba ha kaga qayb galaane waa laga wada dhex muuqday. Putland iyo galmudugna sidoo kale ayay iyaguna beelahaas isugu yeereen, balse aas-aasidii ururka SSC aragtidaas way gees martay deegaankay sheeganayaana beelihii deganaa lagama wada qayb gelin wadatashiga iyo maamulka toona. Khaatuma 2 waxaan uga digaynaa in hadii ay siyaasada deegaanka aragtidoodu ku salaysan tahay ay ka feejignaadaan jidkii kooxihii hore raaceen. Waxaan filayaa in Aragtidaydani wax-tar iyo wax u sheegis tahay, balse aan loo fasiran wax xumayn iyo mucaaradnimo-toona, waxaase muhiim ah in la kala saaro midayn beel iyo midayn deegaan; waa laba qodob oo aad u kala duwan oon isku jid loo marin; waa lakala aragti duwanaan karaa, wax la isku diidi karaa waxna la isku raaci karaa, taasaana xalku ku jiraa, balse ha la ogaado beeshii laga tashadaa ama laysku dayo in loo taliyaa way tashan oo halkii ay xal moodo ayay raacaysaa, mana lagu eedayn karo hadhow wadiiqda ay qaadeen

Qasim A Saleebaan

Afhayeenka Beesha Fiqishini ee Yurub

kasslmn@aol.com

3 Responses for “QURBA JOOGTA DHULBAHANTE EE KHAATUMO 2 MA URUR SIYAASADEED OO CUSUB BAA?‏”

  1. Arrinta uu ka khadlay Afhayeenka beel ka mid ah beelaha dega Gobadla sool sanaag iyo ma xuma, aragti ahaan iney wixii dan ah ka wada tashadaan dadkii degaan iyo dan ka dhaxeyso

  2. cali says:

    war fiican buu ku hadlay afhayeen fiqishinni waa ina laga qayb galiyaa beelaha deegaanka oo dhan.

  3. ASALAAMU ALAYKUM WALAALAYAAL MARKA HORE.
    HADAAN KAJAWAABO SU’AASHA KHAATUMO 2 MA URUR SIYAASADEED?

    KHAATUMO 2 IYO KHAATUMO 1 MINDNA MA’AHA URUR SIYAASADEED.
    KHAATUMO 2 AMA KAATUMO 1 MIDNA LAGUMA SHEEGI KARO URUR.
    KHAATUMO WAA DAD SOMAALIYEED OO BEELO DHULBAHANTE AH OO ISU YIMI OO DANOOHOODA GUUD AHAANEED IYO GAAR AHAANEEDBA KATASHANAYA OO MEEL WALBA ISAGA YIMI WAXAYNA MIDAYNAYAAN OO XOOJINAYAA JIRITAANKA URURADA AMA QABIILKA DHULBAHAMTE DHAMAANTII MEELAY JOGAAN. WAXAYNA HORMARINAYAAN WAX ALAALE WIXII LAGU HORMARINKARO JIRITAANKA BEESHA DHULHANATE,WAXAYNA KASOO HORJEEDAAN KHILAAFKA IYO BUR BURINTA AMA KALA JEJEBINTA UMADA AMA BEESHA DHULBANTE WAANA RA’YI WANAAGSAN WAXAANA LEEYAHAY HALKAAS HALAGASIIWADKHAATUMO ,OO HALA SAMEEYO SANAD WALBA KHAATUMO 3,4,5 ILAA LAGA HELAYO AMA LAISU KEENAYO BEESHA DHULBAHANTE,WAAYO KHAATUMO WAXAY MIDAYNASAA BEESHA DHULBAHANTE OO ISU KENAYSAA RA’YIGOODA OODHAN AMA AQOONYAHANADOODA OO DHAN QOF WALBANA HALADHAARIYO INUU DADKIISA IYO BEESHIISA UU MATAELEYO UU DAACAD U NOQDO MUSUQMAASUQANA LAJOOJIYO OO MIDNAMADA DHULBAHANTE LAGA TALIYO,OO REER WALBANA AY ISKA SOO QABTAAN QOFKII DHUUNI RAACA EE DADKIISA IYO DHULKIISA LACAG SIISANAYA .
    SIDAASAY ILA TAHAY ANIGA .

    MIDNIMO IYO WADAJIR AYAA XAL LAGU GAARAA!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
    REER KOOFUREEDKU WAXAY KU MAAH MAAHAAN
    (FAR KELIYA FOOL MADHAQDO)
    JAAMACSIYAAD IYO UGAADHYAHAN KHAASATAN WAA INAY MIDOOBAAN OO KALA QAYBSANAANTA ISKA LAKA QYSADAY IYO GUMAYSIGA AY KIJIRAAN ISKA XOREEYAAN
    WAA NIMAN TOLKEEYA OO WALAALAY AH RUNTAANA U SHEEGAYAA
    WAAYO RUNI RAG KAMA NIXISO,HADAAN RUNTA LAISU SHEEGINA XAL LAGAADHIMAAYO.
    MARKAA TAASI WAA IGA TALO GUUD.

Fikrad Ka Dhiibo