Shariif Xasan oo Ka Biyo Diiday Is-Afgarad Hoose oo Dhexmaray C/raxmaan Faroole iyo Sheekh Shariif (Warbixin)
Warar ku dhow saraakiil si aad ah ugu dhow gudoomiyaha barlamaanka DKMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa inoo xaqiijiyey in Shariif Xasan uu si weyn uga soo horjeestay qorshe is afgarad ah oo dhowaan dhexmarey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Axmed.
Wararka RBC Radio helayo ayaa sheegaya in gudoomiyaha barlamaanka uu diidan yahay dhowr arimood oo labada madaxweyne isku afgarteen kuwaasi oo ay ka mid yihiin in shirkii wada tashiga ee bishan bilawgeedii lagu qabtay Muqdisho qeybtiisa labaad lagu qabto magaalada Garowe. Xildhibaanada ku dhow Shariif Xasan oo warbaahinta ka hadlay toddobaadkan waxay afbuuxa ku sheegeen inaysan ka qeybgali doonin shirka Garowe.
Shariif Xasan wuxuu sidoo kale ka hor yimid qorshe ku aadan awood qeybsi barlamaanka DKMG oo uu Faroole rabo in marka la soo xulayo barlamaanka cusub uu yeesho xubno uu isagu wato oo reer Puntland ah, kuwaasoo ka mid noqonaya barlamanka cusub ee Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2012.
Ilo wareedka ayaa Wariyaasha RBC Radio u sheegay in afhayeenka barlamaanka KMG Shariif Xasan uu gebi ahaan diiday in Faroole uu soo farageliyo arimaha gudaha ee barlamaanka, maadaama uu Shariif Xasan isagu yahay ninkii maamulayey barlamaanka.
Diidmada uu Shariif Xasan diiday fikirka ka yimid C/raxmaan Faroole waxaa taageeray xubno xildhibaano ah oo ka soo jeeda deegaanada Puntland kuwaasoo u arka in haddii qeybta Puntland uu masuul ka noqdo Faroole ay ku qadi doonaan qoda Faroole loogu dhiibo sidaasi awgeedna waxay dan bideen inay ku daba saftaan Shariif Xasan iyagoo difaacaya magaca beelaha ay ka soo jeedaan ee ay barlamaanka ku fadhiyaan.
Baroorta orgiga ka weyn
Dadka arimaha siyaasada ka hadla oo qaarkood ay noo suuragashay inaan xog wareysi la yeelano waxay sheegeen in sheekada u dhexeysa saddexda nin (Labo Shariif iyo Faroole) ay ka weyn tahay waxa laga hadlayo ama dadku ogaan karaan.
Mowduuca isbedelka barlamaanka ayaa loo arkaa mid salddhig u noqon doona hogaaminta siyaasadda dalka ee mustaqbalka (wixii ka dambeeya August 2012), Waxaana uu nin waliba ku han weyn yahay in tiro fiican uu ka qaato barlamaanka KMG. Waana taasi mida keentay in saddexda nin ay durba daaqada iska arkaan.
Arin kale oo muhim ah waxay tahay in mudanayaasha ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ee ku jira barlamaanka KMG ayaa u gudbiyey Shariif Xasan inuu wax ka qabto tacadiyada maamulka Puntland uu ku hayo dadka ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ee ku nool magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.
Khilaafkii labada Shariif
Ismaandhaafkan u dhexeeya labada Shariif oo dhowaan uun la heshiisiyey ayaa si weyn u soo baxay toddobaadkii hore intii ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen wafdi wasiiro ahaa oo ka socday Puntland kuwaa oo ka qeybgalay shirkii loogu magacdaray wadatashiga ee lagu qabtay Muqdisho iyadoo Shariif Xasan uu diiday inuu ka qeybgalo xaflad sagootin ahayd oo wafdigii wasiirada Puntland loogu qabtay madaxtooyada taasoo ay ka qeybgaleen raysul wasaare C/weli Gaas iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.
Mudane Shariif Xasan oo ah nin aan inta badan warbaahinta ka hadlin, loogana baran inuu qof toos u eedeeyo ayaa il gaar ah ku hayey xiriirka isku dhowaansho ee u dhexeeya Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole oo u muuqday in waayadan dambe ay isfahmeen wax badana isaga soo dhowaadeen sidii hore.
Hase yeeshee marka loo fiirsado dabeecaha khilaafaadkii hore u dhexmaray labada Shariif ayaa waxa xurguftan cusubi ay u muuqan kartaa mowjad cusub oo ka dhex kacday Labada Shariif. Taasoo xilliga ay ku soo beegantay uu yahay mid xasaasi ah;-
1- Waa tan kowaadee waxaa khilaafku uu yimid xilli waqtigii DKMG uu galay sanadkii ugu dambeeyey, isla markaana ay dhici karaan isbedelo waaweyn.
2- Xirfada Shariif Xasan u leeyahay khilaafaadka iyo fursada uu uga faa’ideysan karo ee uu heysto waqtigan.
Si kastaba waxaa muuqaneysa in xulufeysi cusub uu ka dhex abuurmay Faroole iyo Sheekh Shariif oo garabka ku haya raysul wasaare C/weli Gaas, balse lama oga in xulufada Sheekh Shariif iyo Faroole ay ka guuleysan karaan xulufada Shariif Xasan oo sidiisaba caan ku ah inuu isagu ku soo haro saaxada markastoo khilaaf yimaado.
By Ciise Ahmed Mohamed
Muqdisho Somalia
