Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africa oo sheegay in ururo ka dhisan qaarada Africa ay halis ku yihiin ammaanka Africa
aliska Ciidamada Maraykanka ee Africa oo sheegay in ururo ka dhisan qaarada Africa ay halis ku yihiin ammaanka Africa
Taliyaha taliska Maraykanka ee Africa AFRICOM Gen Cartan Ham ayaa sheegay in saddex urur oo ka dhisan qaarada Africa ay halis xoogan ku yihiin amaanka wadamada Africa.
Ururka Al-Shabaab ,Boka Haram, Maqrib Al Islami oo ka kala dhisan wadamada Somalia, Nigeria ,Morocco ay Qatar ku yihiin hanaan socodka wadamada africanka ah.
Gen cartan ham oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in saddaxdan urur ay leeyihiin wada shaqayn isagoo sheegay taliyaha inay iska saacidaan tababarida ciidamada ,fulunta weeerarada argagixisinimo.
Taliyaha taliska Maraykanka ee Africa AFRICOM Gen Cartan ham ayaa ugu baaqay beesha calamka in la taageero wadamadan lagana saacido sidii ay ula dagaalami lahaayeen ururadan argagixisada ee xiriirka la leh al qaacida.
Hadalkan ka soo yeeray gen cartan ham ayaa imaanaya xilli ururadan ay dagaalo kula jiraan dowladaha ka jira wadamada ay ka dhisan yihiin.
Ciise Ahmed Mohamed
Muqdisho
Somalia