|

Max’ed C/laahi Cumar Xoghayaha Arimaha Debadda SNM oo sheegay in uusan jiridoonin wax dagaal ah oo dhexmara Puntland Iyo Somaliland

 wasiirka Siilaanyo u qaabilsan arimaha debadda ayaa sheegay in uusan dhacayn wax dagaal ah oo dhex mara Puntlnad iyo Somaliland oo ku aadan Goballada SSC,islamarkaana ay wax badan iska kaashanayaan labada maamul,wuxuu sheegay  Max’ed C/laahi Cumar in Puntland iyo Somaliland ay dhibaato ka dhex wadaan qurbajoobta SSC oo uu ku tilmaamay in ay xidhiidh la leeyihiin,waxa uu ku sheegay ururrada kale  Argagixisada ah.

wuxuu ku daray in dawlada kale oo gobalka ah sida Ethiopia  ay iska kaashanayaan sidii ay u cidhib tiri lahaayeen Urur SSC ee qorbajoogta Dhulbahante,isagoo sheegay inuu Siilaanyo Sameeyey qorshe dib u heshiineed oo uu ku xusay shirka ka dhacay tuulada widhwidh,hadalka Wasiirka Reer gabiley wuxuu damqayaa oo muujinayaa in puntland, Somaliland iyo Ethiopia ay ku heshiiyeen in la tirtiro Beesha Dhulbahante oo laga dhigo wax la xidho wax la qaxiyo iyo wax lagu darro List dadka gaaladu doonayso ugu yaraan afar  jeer ayaa madaxweyne Faroole warbaahinta Caalamka ka sheegay in SSC ay tahay urur nabad diidd ah,iyadoo la sheegayo in ay jireen qoraalo badan oo ka dhan ah Reer SSC oo Faroole u diray dawladaha aduunka.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo