|

Axmed Siilaanyo Iyo Duur Caraale oo Laascaanood hadalka jeediyey

madaxweynaha Maamulka la magacbaxay Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqasho rasmi ah kuyimid deegaano kamid ah gobolka Sool gaar ahaan Degmada Laascaanood  oo  gacanta ugu jiro maamulka Somaliland oo Awood  ku haystay sanadkii afraad si xuriyad ah, Madaxweynaha Somaliland waxaa maanta safarkiisa ku wehelinayey xubno kamid ah golayaasha kaladuwan ee Maamulka iyo saraakiisha kaladuwan ee ciidamada Somaliland wuxuuna booqday meelo badan oo kamid ah gobolka Sool.

Mr.Siilaanyo ayaa booqashadiisa ka bilaabay duleedka Laascaanood isagoona ay madaxda Somaliland ee gobolkaasi iyo xubno uu horkacayo Wasiirkiisa Arimaha Guduhu kusoo dhaweeyeen magaalada Laascaanood, Waxaana intaas kadib uu booqday jiidaha dagaalka ee duleedka Laascaanood isagoona tagay halka ugu danbaysa ee ay ciidamada Somaliland difaaca uga jiraan ee duleedka deegaanka Gambare oo ay dhawaan joogeen ciidamada Puntland iyo kuwa SSC ee malayshiyo beeleedyada ah halkaas oo uu khudbad kooban Ujeediyey ciidamadiisa islamarkaasna salaan ka qaatay cutubyo kamid ah ciidamadaas.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dib ugu laabtay magaalada Laascaanood halkaas oo uu kula hadlay Odayaasha iyo waxgaradka Laascaanood oo kala hadlay arimo kaladuwan oo quseeya hormarinta deegaanadaas isagoona sheegey in dadka deegaanka looga baahanyahay inay ka shaqeeyaan hormarka ayna gacan siiyaan ciidamada Amaanka si buuyiri looga hortago dadka dhibaatooyinka amnixumida ah ka gaysanaya deegaanada Somaliland gaar ahaana magaalada Laascaanood.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee gobolka Sool ayaa ah mid aan kadis ahayn ee la filayey labadii cisho ee ugu danbaysay kadib markii uu booqanayey deegano kamid ah gobolka Togdheer ee Somalia waxaana ay imaanaysaa xili ay dhowdahay Sanadguuradii afraad ee kasoo wareegtay markii ay Laascaano qabsadeen ciidamada Somaliland (15-10-2007), taasoo ay imika u egtahay Dhoolatus rasmi ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo kasamaynayo deegaanada uu awooda ku haysto maadaama waqtigan aysan jirin Qorshayaal ka dhan ah oo uu wado maamulka Puntland iyo SSC Sabaray.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) booqashada uu gobolka Sool ku tagay ayaa noqonaysa tii ugu horaysay oo kudhawaad 9-sano uu Madaxweyne Somaliland ahi booqday Laascaanood uuna usii gudbo meel kudhow xadka gobolka Nugaal, Waxaanan wax war ah kasoo saarin booqashadaas ama canbaarayn dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo madaxdeedu ay si rasmi ah uga gaabsadeen iyadoona ay shacabka reer Puntland canbaareeyeen booqashada imika ee Siilaanyo, Waxayna tani imaanaysaa xili madaxda Puntland ee imika aysan weli ka dhabayn Balanqaadkii dhaarta huwanaa ee ay Sadex sano iyo toban bilood ka hor ay  ka balanqaadeen shacabka reer Puntland iyo Golaha Wakiilada kuwaasoo Doorashadoodii ku dhaartay inay dib usoo celin doonaan gobolka Sool ee Puntland oo Somaliland ay awood ku joogto balse ilaa iyo imika ma muuqato wax qorshe ah iyo dadaal ay dhaartaas uga dhabaynayaan kumana ay soo daraan qorshayaashooda iyo himiladooda inay balanqaadkaas dhaarta Huwanaa ka dhabeeyaan taasoo fududaysay Booqashada xaragada leh ee madaxweyne Siilaanyo.

wasiirka u qaabsilsan Siilaanyo dhinaca arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale ayaa si diiran uga hadlay arimaha degaanka SSC isagoo ugu baaqay qurbajoogta iyo issimada SSC in ay nabada iyo Maamulka Gooni u goosiga la qataan  Beesha Burco iyo Hargaysa mr Duur oo kalsooni buuxda ka muuqatay ayaa carabaabay in Maamulka SNM uu diyaar u yahay wada hadal dhex mara Beesha isagoo sheegay in hadii qurbajoogtu diyaar u tahay in lagu wareejiyo kursiga xaabsade ee warfaahinta Hargaysa,Xaabsadana Hargaysa lagu hayn doono.

 

Caraale Duur ayaa way diiyey Dad Reer laascaanood ah oo goobta fadhiyey “Maamulkani ma mid wax dilayaa ? ma mid wax dhacayaa? dadkii goobta fadhiyey ayaa lagu jawaabay maya waa maamul nabada ilaalinaya hadaba waxaa isway diin leh dadka Reer Laascaanood  markhaatigan ay u fureen Duur Caraale ma mid baqdinu ku timid baa mise waa ka dhab?

Maxamed Nuur caraale waa nin ka soo jeeda degmada Berbera gaar ahaan beesha Muuse Cabdale ee Habar yoonin, Duur caraale wuxuu shegay inuusan wax lug ku lahayn dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyey degmada Laascaanood taas oo guuldaro kale ku ah shacab SSC maadaama.

www.buhodlepost.com

1 Response for “Axmed Siilaanyo Iyo Duur Caraale oo Laascaanood hadalka jeediyey”

  1. NINA says:

    aaway dhulbahantihii ku fiicnaa inay iyagu is xagaxagtaan dacifnimo heerkaad gaadheen waakaa degaankiina iidoor turub ku ciyaarayo asaagiin ka hadhe reer tororogleeye tolay oo tolay aan haybta badasho

Fikrad Ka Dhiibo