Dhismaha Dawlad Goboleedka SSC iyo Balanqaadka G6:
Wararka soo baxayaa waxay sheegayaan in kooxda G6 , si ay u meelmariyaan hawlahooda ay sameeyeen balanqaadyo ku saabsan xilalka ay magacaabi doonaan iyo dadka ay u kala dhiibi doonaan, oo aanan hadda idiin sheegi karin magacyadooda oo aanan hadda qaarkood hubin, waxaase hoose ka daalacataa degaamadda ay ka imanayaa oo kala ah sida soo socota:
-
Golaha Xildhibaanadda oo ah 30 xubnood(oo ah G15ka iyo G15ka hadda Gudaha laga magacaabayo).
-
Madaxweynaha-Degmadda Taleex;
-
Madaxweynaha Golaha Parliament-Bocame;
-
Madaxweyna Ku-Xigeenka-Xamar-Lagudhi;
-
Wasiirka Garsooka iyo Arimaha Diinta-Saaxdheer;
-
W/Maliyadda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga-Yagoori;
-
W/Arimaha Gudaha Iyo Dawladaha Hoose-Xudun;
-
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Duurjoogta –Ceegaag;
-
Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha-Boqonka;
-
Wasiirka Gaadiika Cirka Iyo Dhulka-Widhwidh;
-
Wasiirka Warfaafinta-Docmo;
-
Wasiirka Distoorka iyo Arimaha Federalka-Qararo;
-
Wasiirka Dajinta Iyo Dib-udhiska-Jiidali;
-
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta -Hurufadhi.
Waxaan ilaa iyo hadda la magacaabin taliyahaha sirdoonka, Xeer-Ilaaliyaha Guud, iyo Agaasimaha xeebaynata SSC. Sida oo kale ,Waxaa ila xogogaal ahi sheegayaan, in hadda kulan deg-deg ahi uga socdaa magaaladda Addisababa, Xumnaha G6 iyo Madaxweynaha Somaalidiidka Mudane Ahmed Mohamed Siilaanyo shirkataas oo lagu soo dhamaystiri doono dawlad goboleedka SSC.
Wabilaahi Towfiiq,