|

Dowladda Kenya oo su’aalo waydiinaysa Safiirka Dowladda Eritrea u joogga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya

Safiirka Dowladda Eritrea u joogga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kenya, iyadoo wax laga weydiiyay taageero la-sheegay in Eritrea ay siiso Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kenya Moses Watangula, ayaa wuxuu maanta uu kullan balaaran uu la-yeeshay Safiirka Dowladda Eritrea u joogga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya Salim Omar Abdo.

Moses Watangula ayaa wuxuu Salim Omar Abdo uu kala hadlay, diyuurado hub siday oo ay Dowladda Eritrea ka dejisay Garoonka Diyuuradaha Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, sidaasina ay ugu gacan gellisay Xarakada Al Shabaab.

Moses Watangula ayaa wuxuu kaloo Salim Omar Abdo uu ka dalbaday in Dowladda Eritrea ay cadeyso, xiriirka kala dhaxeeya Xarakada Al Shabaab, oo ay Dowladda Kenya sheegtay inay khatar ku tahay ammaanka dalkeeda.

Salim Omar Abdo ayaa wuxuu marka hore uu waxba kama jiraan uu ku tilmaamay in Dowladda Eritrea ay hub siisay Xarakada Al Shabaab, isagoo taasi ku sifeeyay mid ay dusha ka riixeyso Dowladda Itoobiya, oo uu xusay inay kala dhaxeyso cadaawad fog.

Sidoo kale Salim Omar Abdo ayaa wuxuu tibaaxay in Dowladda Eritrea ay layaabtay hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamadda Dowladda Kenya Emmanuel Chirchir, oo ku aadanaa in Dowladda Eritrea ay magaaladda Baydhabo geysay seddex diyuuradood oo hub ah.

Kullankaan oo qaatay muddo saacado ah, ayaa waxay Dowladda Eritrea sheegtay, in saraakiil khuburo ay u diri doonto gudaha dalka Kenya, si’ay u muujiso inaysan wax taageero ah siin Xoogaga Shabaab.

Fikrad Ka Dhiibo