CEERIGAABO: DHIMASHADA DHUG MA U LEEYIHIIN AFARTA DHIDAR?
Qormadan ayaan waxaan ku eegeynaa waxa sababay dilalka Ceerigaabo ,xalse ma ku soo dabaali karayaan koofiyad baclayaashan SNM ee magaalada uga soo boqoolay Hargeysa Ilaa Burco gurmad ahaan.Arinta dilalka Cerigaabo Iska daa Hargeisa kaligeede hadii Hargeisa ay Xamar ku darsanto xal uma heleyaan sababtuna waxaa weeye.
Miinooyinkii xaqdarada ahaa ee SNM qabiileeysani aaseeysey 30 kii sano ee aaynu soo dhaafnay ayaa midba mar qarxeeysaa.
1. Magaalada Ceerigaabo oo nabad loogu wada noolyahay dadkuna is dhexgalsanyahay ayey yidhaahdeen(SNM) Burco iyo Hargeisa waa laga diiday Daaroodku inay na xukumaan aniguna walaalahayo ka hadhimaayno oo Daaroodka Cerigaabo ee aanu deris wadagaanahay baanu dab ku qabneeynaa waayo Afweyne(Siyaadbare baay isku qoloyihiin Allah ha u naxariistee ).
2.Magaalada Ceerigaabo baa qoloba(Darood iyo Isaaq)sadex sano ka maqneyd (lixsano). Niman aqoonyahano ah oo reer Ceerigaabo ah oo ka korey qabyaalada Isaaqeeysan (SNM) iyo tii Afweyne ee Daroodka awrka lagu kacsanayey.Ayaa ku dadaalay in caqligoodu ka koro khuraafadkan dadkooda lagu dagaal gelinayo caruurtoodana dugsi la’aan badaysa.Waxeey unkeen nabadeeynta beelaha Ceerigaabo iyagoo Xamar ka soo bilaabay kuna dhameystiray Ceerigaabo iyagoo naftooda,maalkooda iyo aqoontoodaba u huraya.Ragaas qaarkoodna waa dhinteen qaarna waa noolyihiin ma soo wada koobi karo laakiinse qaar baan ka soo qaadanayaa. (Cali warsame,Sakhraan,Cadami,Bayr,Gees,&Nine) ragaasi waxaay rabeen in Ceerigaabo kubada la ciyaarto magaalooyinka lamidka ah .
3.Magaalada Ceerigaabo waxaa ka dhacday in maamulkii Hargeisa waxaa biyotooni ilaa badhasaab maamulka Hargeisa wakiil uga dhigeen hal jilib oo SNM ah oo aay Hargeisa isku hayb yihiin. Qabaailka daaroodka Ceerigaabo Hargeisa ma aamineeyso waayo sirteena kuma aamini karno.(halkaas waxaa siyaasad ahaan la baalmaray qaacidadii nabadeeynta iyo saami qaybsiga oo nimankii nabadeeynta sameeyey dhigeen. maamulka Hargeisa ee SNMeeynsan baala waaydiinayaa taa)
4..Jilibkan SNM oo iyagu reer buureed ahaa ayaa waxeey soo dejiyeen reer baadiyahoodii buuraha galbeed Sanaag degenaa dooxooyinkii dhul daaqsimeed iyo deegaan oo beesha Dhulbahante leedahay.Marka ninka Dhulbahante yidhaahdo war dhulkan iyo beertan ka kac ileeyn waad aragtaa inaan degenahaye.SNM wadata magaca ciidan qaran baa xidha, hadii ardaagiisu(qoskiisu) kacona waxeey u qeeylo dirsadaan Hargeisa oo yidhaahdaan Faqshtii iyo Budhland(Puntland) baa na soo weerartee ciidan nala soo gaadha.
5.Fara ka ciyaar futa ka ciyaar buu dhalaa.Arintii baadiyaha ka dhacday oo aheeyd
Beesha Dhulbahante oo dhulkeeda lagu duulaanyahay oo beesha Hargeisa Ceerigaabo wakiilka uga ahi wadey waxeey keentay in baadiyaha dad laskaga laayo. Taasi intaa kuma eekaane waxaay soo gashay gudaha magaalada xabadii.
6. Jilibka SNM ee Hargeisa wakiilka uga dhigatay Ceerigaabo oo iyagu dhinaca buuraha galbeedka Ceerigaabo deegaankoodu ahaa waxaay ku habsadeen dhamaan dhulkii jagooyinka aan dhisneeyn iyo beerahaha ahaa ee aay lahaayeen dawladii SOOMAALIYEED IYO DADWEEYNIHII REER CEERIGAABO. Hadii lala hadlona jawaabtu waa mujaahid SNM ah baan ahay oo waa soo dagaalamay.(woow wiil hoog).Hadii buuqu sii batana waa HARGEISA IYO BURCEEY ciidan (SNM Qaran) nala soo gaadhaay faqash baanu is haaynaaye.
7.Beesha Hargeisa waqtigan xaadirka uga wakiilka ah Ceerigaabo waxaay aad u sii kibrtay 2004 markii LAAS-CAANOOD SNMtu qabsatay taas oo aay toban jibaareen dhul iyo beero aanay laheeyn oo degmada iyo magaalada gudaheeda Cerigaabo ku yaal inaay dhulbahante ku qabsadaan ama ku handadaan inaay ka guuraan amase iibshaan.
Iyagoo qiil ka dhiganaya (War LAASCAANOOD oo Dulbahante khaas u leeyahay baan kugu karbaashaaye maxaad ka filaneeysaa Ceerigaabo oo aaynu deris kula nahay dee ogolow karbaashka amase guur.)
8. Xaabsade iyo SNMta Hargeisa ka timi oo Ceerigaabo Gurmadka u joogaa waa (Adhi daasad kama ilbaxo).
Wasiir Duur: Waa nin ku cusub siyaasada dhulbaraasiga ku xardhan (SNM qabiileeysan) ee Ceerigaabo hadana xaaladiisu waa ri’(adhi carbeed) istiri kildhi shaah oo makhaayadeed caleenta ka cun oo kildhigii madaxa la gashay oo ka labixi kari la sababtoo dunuubta beeshiisu magaalada Ceerigaabo ka gashay dee wuu ku hafanayaa.
Xaabsade: waa nin dabadiisii u ku fadhiyey xabada nac-naca siistay-Arintaas waxaa sameeya dadka maandooriyaha qabatima.Waa ninka Intay Ina –Cigaal isqabteen Hargeisa kasoo cararay oo Garoowe u yimi shaqo.Markaay Puntland ka eriday shaqadiina. Qabiilkiisii u gumeeyey qabiilkale(SNM) oo xafiilan ka dhaxeeyo isagoo ku leh “Ingiriiskaa ina wada gumeesan jiray” Goormaa Dhbahante Heshiis la galay Ingiriis?.
Ceerigaabadan uu imanayo Waxaa jooga ugaadhyahankii uu kasoo qixiyey Laascaanood oo u ciilqaba nacasnimadiisa. Uu ku yidhi “ Isaaqa Hargeisa Intii aan Puntland Joogay umaanan qoslin sidaan Hargeisa intaan joogay u qoslay” malaha waan la kilkileeyn.
INA KAAHIN: Waa uu ka qeyb galay shirkii 93kii hordhaca u haa nabadeeynta heer gobol Sanaag ee ka dhacay Gar-adag,Shimbiraale iyo Laascaanood isagoo matelaya beesha Habar jeclo.Sidoo kale wuxuu ka qaybqaatay shirkii dib u shiisiinta Fiqishini iyo jilib Dhulbahante ah ee ka dhacay laascaanood/Adhicadeeye.Imaashihiisa Ceerigaabo haduu mag wado waa laga qaadayaa waa na la cunayaa,laakiinse dhibtii iyo dilkii halkii bay ka sii soconayaan sabatoo ah HABARJECLO Dhulbahante ka hor baa beesha wakiilka uga ah Ceerigaabo maamulka Hargeisa aay uga dhameeystireen Ceerigaabo Habar jeclo inaay awood siyaasadeed ku yeelato .Waxaay ka qaadeen YUFLE,DAyaxa iyo dhamaan dhuldaaqsimeedkii waqooyi galbeed ceerigaabo ka biloow ilaad ka gaadheeysid Ceel-afwayne iyagoo ku leh ISAAQ DHUL MA KALA LAHA ee laascaanood ,Guumeeys iyo Caynabo aagaas qabta. Taas oo ah Habar jeclaay ku mashquula Dhulbahante anaguna Sanaag galbeed baan idiin daba mareeynaaye.
INA KAAHIN WAA KA MINORITY CEERIGAABO SIDA AY QABTO HABAR YOONIS WAAYO WUXUU WEEYDIINAYAA KUWII EELKA DHIGAY OO AH MAAYORKA IYO BADHASAABKA OO RABA DHULBALAADHSIGA LAGU HAYO DHULBAHANTE IYO HABAR JECLO UU SOCDA INTAAY JOOGAAN..
Qoraalkan waxaa isku soo dubariday weriyaha Allsanaag u fadhiya Ceerigaabo.
Kala xidhiidh wixii faaf-faahin ah .
Rooble danab
Office#149 Daalo Dhaxe
Ceerigaabo-Sanaag
xigasho allsanaag
Shar u toog hay Khayr wax kuma yeelo. Samo iyo Soomaalidiidka afka ay gartaan ha lagula dhaqmo. Heshiis siman waxaan ahayn yaan lala gelin,magaalada dhankooda magaca ay doonaan ha ugu yeedheen,dhankayagu waa midnimo Soomaali,nabad iyo deris wanaag wax ka baxsan inama dhex yaaliin.