G9kii OO Lagu Kordhiyey Lix xumnood OO Cusub:
Ka dib markii ay adkaatay in kooxda la baxday K6 inay ergooyinka
qurba joogta ay ka helaan kuwa ayaga ujeedadooda siyaasadeed taageera haddii
xulitaankooda lagu saleeyo habkii 3da qaybood.
Si ay hadaba si ay guuldaradaa uga badbaadaan, waxay burburiyeen heshiishkii hora loo galay iyaga markan ku salaynaya in wax loo qaybiyo dagaano iyo magaalooyin. Xogogaalka kooxda K6 waxay soo tabinayaan in tirooyinka ugu badan la kala siiyeye Europe-21 Xubnood oo 5 ka mid ah loo qoondeeyey London, North America 18 xubnood oo 5 ka mid ah loo qoondeeyey Minneapolis/St.Paul, MN iyada oo warar aan la hubini sheegayaan in Afrikadda Bari la siiyey 12 xubnood. Tiradda guud ee qurba joogta loo qoondeeyey waa lixdan Xumnood. Hadaba si loo meel mariyo loona fuliyo qorshahaa cusub waxaa dib loo soo nooleeyey 9kii xubnood ee sida boobka,
iyagoo aan cidna kala tashan, xulay kooxdii loo bixiyey G15. Si haddaba awooda loo kordhiyey, uguna suurta gasho inay mar labaad wax boobaan, waxaa lagu kabay lix xubnood cusub si G9kii u noqdo K15. Xubnaha cusubi waxay kala yihiin:
- Jibril Cali Isse
- Siad Mohamud Abdirahman
- Sheikh Abdirshid Macalin Farah
- Mubarak Hassan Farah Dabshid
- Adan Abdullahi Shuriye
- Mohamed Mahdi Adan(Baayir)
Xigasho: AllBOOCAME