Afduubka Shirka Khaatumo II iyo u adeegsiga magacabidda G201
Bulshada SSC ayaa aad uga walaacsan hab-maamulka qabsoomidda shirka, iyagoo qawadsan majaraha ay
raacayaan kooxda K6, oo u muuqda in aanay rabin inay cidna la wadaagaaan taladda shirka. Waxaa la is waydiinayaan waxa la kala leexiyey hadalkooda iyo sida ay wax u qabanayaan. “Taladda cuqaasha iyo waxgaradka beelaha ayaa iska leh” ayay dadka maqashiiyaan, waxaanay dhabarka si qarsoodi ah, uga taabayaan xul ay iyagu kalsooni bidayaan. Ilaa hadda waxa ay magacaabeen G27, markii afka gacanta la saarayna, ay buste ku hadoodileen. Waxaa ka danbeeyeen G9, oo hadda markii 6 lagu kordhiyey, loo bixiyey – Wise Men, kuwaas oo ah kuwii magacaabay G15kii dalka gudihiisa loo diray. Waxaa kaloo Jira G15 kale oo ah kuwii loo qoondooyey inay hawsha la qabtaan kuwii debeda laga magacaabay. Haddana waxaa gacanta lagu hayaa sidii loo magacaabi lahaa G60, oo ah xubnihii Qurbajoogta laga xuli lahaa. Intaa waxaa ka horeeyey G6ka oo waxa dhan Aabaha u ah. Tirada guud waxay isku noqonaysaa 142 xubnood. Intaa waxaa dheer tirada Guddiyadii ay ku dhiseen magaaladaLondon, kuwaas oo gaadhsiinayaxulka G6ka in ka badan 201 xubnood.
Waxaa haddaba is weydiin leh, xubnihii shirka ee – Cuqaasha iyo Waxgradku soo magacaabi lahaayeen inta ka hadhay? Marka la eego qorshihii G6ka ee shirka Khaatumo II, oo ahaa 264 xubnood, waxaad moodaa in beesha SSC ay u hadhay 65 xubnood! Intaana waxaaba buuxin kara Xoghaymaha, Warfidiyeenada iyo Sawir-qaade-yaasha ay wataan aqoonyahaada maamulaya Shirka.
Inteena kale, ama Bulsho weynta SSC, ee sida dhabta ah u danaynaya in shirkasi guulaysto, waxaa nasiib darro ah in meel inooga banaani aanay jirin. Taasi waxay markaa muujinaysaa in ruuxii aan dhabarka laga soo kataaban, aanu isku imanin madasha shirka.
Dadka maxaa garashadii ka lumiyey, xusuustiina ka tirtiray? Shirkii Khaatumo I, ee Magaalada London waxaa lagu xoojiyey Maamulkii SSC, oo loogu talo galay inuu sii hawl galo ilaa inta shirka labaad, ee dalka gudahiisa ah, la qabanayo. Kooxda G6, waxaa markaa loo dhiibay, ama ay qaateenba, xilka dhexdhex-dhexaadinta wixii khilaafaad ah ee ku yimaada maamulka SSC iyo Gudiyadii la dhisay, oo kala ahaa – Arimaha Dhaqaalaha, Arimaha Gudaha, Arimaha Debeda iyo Arimaha Difaaca, iyo arimaha Saxaafadda. Intaas oo guddi ah
waxaa laga hirgeliyey midda dhaqaalaha oo keliya, kuwii kale waxaa wax dhaqdhaqaaq ah ka sameeyo middii Arimaha Debeda, oo in kastoo aanay iyaduna dhisnayn, waxaa weli qoraaladiisii iyo xilkii aan ka hadhin Cismaan-badowi. Kuwan iyaga dhabarka lagama taaban, marka laga reebo Saxaafadda oo qoraalo iyo go’aamo khilaafsan shirkii Khaatumo I lasoo geliyo.
Hashu Maankayga Gadee- Ma masaar bay Liqday? Gudidii la baxday _Mar-jaca_ ama dhexdhexaadinta, ayaan weli la isweydiin goorta
Xukunkii beesha gacanta ku dhigeen? Ma waxaa jirey shir ka danbeeyey kii London, oo awooda loogu kordhiyey kooxda G6? Ninkii Khayrkii loo xiirayow – Soo qowso adiguna. Isimadoo ayaa loogu sacabiyey markii ay dayriyeen, Cuqaashii ayay ka boobayaan hawlihii ay ugu ballan qaadeen. Tiro 200 ka badan ayay suntadeen oo sacaba tumaya. Daadkaasi beesha inta hadhayna wuxuu minja xaabinayaa inta aan shirka la gaadhin – haddiiba uu qabsoomo shirba – waayo waxaad moodaa in colaad la aloosayo intii aanba la isu iman.
Minaan-Yaabno-Yaasiinka.
Waxaad maqaalka cinwaan uga dhigteen Danta Shacabka SSC vs danta G6, aniguse waxaan leeyahay sidan, danta shacabka vs danta, Buhodlepost, Taleex ku xaar ama taleex media, holhol.met, xaysimo, allboocame iyo inta lamid ah ee diidan danta SSC iyo waxa uu rabo shacabka ssc. Waxaad caadaysaeen inaad u shaqaysaan reero aan ahay reerkeenii waa isaaq iyo majeerteen. bal fiiriya qoodhiin iyo xeradiin iyo xiniintiin waxa uu qoro afku xaarle taleex media waxa qora hadhwanaag, iyo kuwa scn u adeega, dee buhodle psot wax lagu qorana waa lamid. bataadanba maaha waxani waxa la aqbali karo sababtuna waxa weeye, sidan, war shirka iyo arimihiisa rag 6 ayaa sooqabn qaaqaabiyay ilaa khaatumo 1 ilaa khaatumo 2na iyagaa talada koobaadle ileen fikirku iyaguu ka yimide. Maxaa dhoodhibyaa raga war Dhulbanahtoow waxaa laynagu dacaayadeeyaa in aynu ninkeena raba inuu wax inoo qabto aynu cayno oo mooral jabino, war xagee u soconaa waa yaabe. waxaan oo ku soogaabin, sidan walaahay baan Dhulbanahte isaaqna u liqi karin majeerteena u liqi karin waxa beelaha darisku sameeyeena waanu samayn, haddii aad leedihiin g6 hargaysa ayay nagu wadaana maaha wax suuro gala haday dhahaan taana dee horaba kuwaa u yidhi wax dhagaysatyana ma jiraan oo iyaga uun baa ceeb isu kordhiyay ah Horgalayaal marka war hal xishoodo tolkana haloogu shaqeeyo wax isukeenikara, laakiin inaad bar maqaal xun oo xaaran soogalisaan internet waa wax laga haboonyahay.
G6 meeshay namariyaan baanu maraynaa waa wax aqoontayadii waligiinba maqaala sooqorqora 21 sano baanu burbur iyo walaac kujiray haday maanta nookaceen waa u mahad naqaynaa ee nin kii diidanaw dilaac
Marka hore qoraalkani waa mid uu qoray nin aan filayo inuu yahay kuwa xanjadu ugu dhagsantahay Garoowe ama Hargaysa waayo waan u fiirsadayoo qolyaha xanjadu ugu dhagsantahay beelaha hareeraha inaga xiga ayuunbaa sidaa u hadla. Waa sharaf ah in shaqada loodaayo ragii keenay wixii ay u baahanyihiina lagu garab galo laakiin anigaa isbaaro u dhiganaya oo dhahaya hebel xagaasuu wax u wadaa ama isadaa suusamyeeyay ama 30 nin buu magacaabay waxasi laasim maaha manaha wax aynu dhexgalno. shawgan nimanbaa isu xilqaamay waa aqoonyahankeenii marka waa in aynu ku karaamaynaa arinta.
Takale, bal warbaahinta xanjadu ugu dhagtahay beelaha hareeraha inaga xiga aan fiirino iyo kuwa raba danta dhulbanante ee 24 u taagan in ssc yeelato maamul. kuwa jid iyo jahadiidka waxaa kamida, Taleex media xaysimo buhodlepost allboocame kalshaale laascaanood da shaqalka dheer waa wada xaaraan majeerteen loomariyay malab dadkoodana diidan meelay u socdaan la aqoon, waxa ay qoraan waxaa ka faa’idaysta reera darisyada inala ah siiba cadawga iidoorka. Holhol mid ladhoho waa xaaraan iyana waxaa malab loomariye isaaq waxaad moodaa inay qabaanba, halka mid la odhan jiray afnugaalna iidoorku bari hore furay oo ay siiyeen 3dexdii warqadood. bal hadana aan fiirino kuwa u adeega dhulbanahte ee wanaagsan, waa kuwan iyana waa allssc waa horufadhi waa riinji. waa lasanod waa boocame waa jidbaale waa sscnews waa realtaleex waa xaraga waa widhwidh waa allcayn waa buhodle. net waa mujaahidiin dhaba waana sida larabo in kuwa jid iyo jahadiidku yeelaan haday yeelanaa way ku helayaan magac fiican.
khaatumo ma burburin karaan kuwa martida u ah isaaq iyo majeerteen ee idinku suga Darwish State of Somalia oo soosocota.