|

G6 iyagaa mas’uuliyaddeeda qaadaya wixii dhib ah ee Taleex ka yimaadda. Waxaana gaar uqaadaya Dr. Cali Cise Cabdi (by Maxammed Jaamac)

Waxa in dhowaalaba ka socday degmada Taleex qabanqaabada shir loogu magic daray Khaatumo 2 oo ujeeddadiisa lagu sheegay sidii loo midaynlahaa talada Dhulbahante, si looga baxo marxalladan adag ee reerka ku habsatay.

Haddaba sida aad la socotaan waxa shirka gogoshiisa dhigay Garaad Saleebaan Garaad Maxammed . Ku dhawaaqistii gogosha kaddib waxa la filayey bulshada ku dhaqan degaanka Taleex inay talo midaysan ka yeeshaan habsami usocodka, martisoorka iyo diyaargarowga gogosha la filayo in talada Dhulbahante lagu mideeyo. Si kastaba ha’ahaatee waxa kudhwaaqistii gogosha kaddib degmadii soo galay xubno ka mid ah gacanyarayaashii G6 ee loo yaqaanno G15. Xubnahaasi [G15] waxay bilabeen inay ugacandhaafaan taladii dadkii degaanka waxayna kala qaybin ugu dhaqaaqeen dadkii Galool- Oriye ee reer Taleex iyagoo raas mooyee intii kale dhabarka ujeediyey.

Waxyaalaha layaabka leh ee dhacay waxa ka mid ah in garaadkii gogosha dhigay oo kusugan gogoshuu dhigay in isagoon lala tashan inta cuqaal war ma qabto ah oo reer Taleex ah iyo cuqaal iyo dhallinyaro reer Sanaag ah qol lagu xereeyey lagu dhawaaqay go’aan aan lagala tashan intii badnayd cuqaashii Taleex. Sida uu sheegay Caaqil Faarax Muuse Dhiil go’aankaa cid ka wada hadashay iyo cid talo laga waydiiiyey toonna ma jirin.
Cuqaasha reer Taleex ee goobtaa ka maqnayd ee iyagoo magaalada jooga go’aan layska gaadhay waxa ka mid ah intaan ka xusuusto.
Caaqil Ina Cabdi Aabi (Wacays Cabdulle)
Caaqil Cabdirashiid Cali shire (Samakaab Cali)
Caaqil Cismaan Gaabey (Cabdi Maxamuud)
Caaqil Cabdisalaam Muuse Deri (Wacays Cali)
Wakiil Caaqil Cumar Xuseen Surey (Axmed Cali)
C aaqil Faarax Muuse Dhiil oo lagu been abuurtay. (Aadan Cali)

Waxa xusuus mudan intani waa cuqaashii Taleex . Siday caqli gal ku noqonaysaa in cuqaashii Taleexna la garab maro kuwo reer Sanaag ahna taageero laga doono? Waxay ila tahay waa arrin ka mid ah arrimaha ixtiraam darrada ah ee looga bartay G6 iyo gacan yarayaashooda G15.
Waxaan kusoo geba gebayn lahaa haddii la rabo innaba in reerka wax ubadbaadaan waa in dadka degaanka Taleex ee uheellan in shirku qabsoomo laga daayaa fadqalalada iyo iska horkeenka. Waa in iyaga aan loo gacan dhaafin gurigooda oo faraha lagala baxaa lana sugaa intay go’aan ay umidaysanyihiin iyo guddi ay umidaysanyihiin samaysanayaan oo daadihisa habsami usocodka shirka la filayo inuu Taleex ka qabsoomo.
Caaqil Ismaaciil Wadaadna waxaan odhan lahaa caaqillada reer Sanaag iyo reer Xuddun maaha kuwaad Guddoomiyaha unoqon lahayde, dib isugu noqo oo raadi cuqaashii reer Taleex haddaad doonayso in shirkuna qabsoomo reer Taleexna midoobo sharafna ka soo hooyaan gogoshay Dhulbahante udhigeen.
Waxaan ka digayaa haddii hawshu usii socoto siday maanta tahay oo laga boodayo reerihii Taleex degganaa iyo Cuqaashoodiiba in laga shaqaynayo burbur ku yimaadda dadka degaanka Taleex iyo iska hor imaad cusub oo aan hore looga baran reer Taleex.
Marlabaad waxaan ka digayaa in faraha lagala baxo oo ay dadka reer Taleex umadaxbannaanaadaan qaabka ay umaamulayaan gogosha Garaadkoodu ku dhawaaqay Dhulbahantena sugayo oo uhanweynyahay. Ha laga warsugo intay go’aan iyo guddiyadii ukhidmayn lahaa ay si wada jir ah usoosaarayaan reer Taleex. Halaga daayo in la abuuro in raas keliyahi talada Taleex wax laga weydiiyo.
Ugu danbayntii G6 gacanta hakala baxeen degaanka Taleex iyo arrimaha ugaarka ah reer Taleex. Hadday kala bixi waayaan wixii ka yimaadda ee dhib ah iyagaa tuurta uridan doona. Gaar ahaan waxa mas’uuliyaddeeda qaadaya Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah ninka sida tooska ah faraha ugula jira arrimaha lagu burburinayo lays kagana hor keenayo reer Taleex.

MJ. jmaxammed@yahoo.com

4 Responses for “G6 iyagaa mas’uuliyaddeeda qaadaya wixii dhib ah ee Taleex ka yimaadda. Waxaana gaar uqaadaya Dr. Cali Cise Cabdi (by Maxammed Jaamac)”

  1. jama says:

    wayaadhaheen nimankii waxbartay ma intaas bay garashadoodii noqotay, ma in ay intii wada joogtay sii kala eryaan bay soo kordhiyeen,walee hashaan garanayo intay geela ku jitro cidi manasato.

  2. Abdi says:

    Aqooneey ba’ , kuwan garaadadaa ka aqoon badan. Walee inta Garaad saleebaan joogaan dhulbahante la iibgeyn. G Saleebaanoow ilaahoow ku daa’

  3. axed says:

    G15 waa guulwadayaasha G6 soo dirsadeen. dadka halaga qabto.

  4. war ma waxaad tihiin qoladii qori jirtay allhawd oo magacii bedelay waxaan idin leeyahay kaas aad magaciisa sheegteen la yiraahdo saleebaan hadaad dabo gasheen mar hore ayaa laydin iibsaday markaas waxoogaagii yaraa ee garowe laga soo siiyey miyuu wax idinka dhiibay walaa kaasi waa idin ibbsaday jaad iyo geerashayn idin siistay ee ka daaya dadka dibin daabyada waxa soo socdana ma garanaysaan insha allah dhulbahante waa midoobayaa ka naxoow nafta waaaa insha allah kuwa u adeega sida odaygan aad sheegteen alla ha ka qabto dadka het då

Fikrad Ka Dhiibo