|

Shiikh Shiriif oo ogalaaday in ciidamada Kenya ay la dagaalamaan Shabaabka ka dib markii Kenya Looga yeedhay

Madaxweynaha DKMG ah ayaa u socdaalay dalka Kenya si uu uga qeybgalo kulan sedex geesood ah oo dhexmarayay Soomaaliya, Kenya iyo Uganda arrimo la xiriira howlgalada Soomaaliya ka socda ee Shabaabka ka dhan ah.

 

Inta uusan shirka dhicin maalin ka hor waxaa Nairobi tagay Ra’isulwasaare ku xigeenka ah, ahna wasiirka ganacsiga Cabduwahaab Ugaas Khaliif howlo la xiriira gogol xaarka shirka, iyadoo dabcan in howshani loo xushey ninkani ay ahayd istaraatiijiyad siyaasadeed oo uu Sheekh Shariif uu rajaynayay uu barax tiro calaowga siyaasadeed ee ay dhaliyeen go’aanadii horey uu uga qaatay howlgalka Kenya.

In ay kulmeen sedexda madaxweyne halmeel ayaa ah mid ka turjumeysa muhiimadda ay wadamadani u leedahay arrinka laga wada hadlayo, waana dhif iyo naadir in sidani oo kale ay dhacdo.

Kulanka madaxweynayaasha waxa uu ka dhacay aqalka madaxtooyada Kenya, waxaana saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha dibada Kenya Moses Watangula oo sheegey in sedexda wadan ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka Alshabaab.

Markii horaba heshiis ayay ku ahaayeen la dagaalanka Alshabaab, hadda maxaa cusub?

Markii ay bil ka hor ciidamada Kenya galeen Soomaaliya waa kii madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed diidey soogaliyataanka ciidamada Kenya sheegeyna in ay tahay xadgudub lagu sameeyey Soomaaliya, hadalkaasi waxaa ka dhashay carro weyn oo shacabka iyo dowladaha dariskaba ah.

Shirkii maanta waxaa naloo sheegey in uu jirrey qoraal lasii diyaariyey oo uu Sheekh Shariif saxiixay kaasi oo Sheekh Shariif uu ku ogolaanayo howlgalka Kenya.

Waxaa iyana jira qoraal kale oo madaxweynayaasha si wada jir u saxiixeen oo hogaanka howlgalada Soomaaliya siinaya ciidamada DKMG ah.

Laakiin illaa heer intee la’eg ayuu Sheekh Shariif ku dhaqmi doonaa waxa uu hadda sixiixey?, su’aashi waa mid dad badan ay isweeydiinayaan iyadoo maanka lagu hayo in horey isaga oo u saxiixay howlgalka Kenya hadane uu kasoo horjeedsaday maalmo kadib.

 

Fikrad Ka Dhiibo