|

Fidmadda K6 iyo Shirkii Wdidh:

Widh-Widh(Buhodlepost)K6 ayaa wali sii wada isku dirka Beelaha SSC, iyagoo dhawaan dad aan badnayn isugu  keenay degmada Widhwidh ee Gobalka Cayn. Shirkaas oo aan horay loo ogayn ayaa lagu war-helay iyadoo magaalada Buuhoodle gawaadhi lagu gurayo Caruur, dumar iyo waayeel danyar ah.Dadkaas aaday Widhiwdh waxaa ka mid ahaa labo Oday oo si  khaldan wax loogu sheegay, moodayayna in shirweyne SSC oo hordhax u ah shirweynaha soo socda.Halka abaabulayaasha shirku isku wargalinayeen in dhulbahante Reer Hawd ,Jaamac siyaad iyo Baharsame ay iman doonaan madasha laguna dhisidoono Isbahaysi Sedex geesood ah oo lid-ku ah Garaad Saleebaan G.Maxamed iyo gogosha uu dhigay. Waxayse goobtii noqotay meel ay isugu yimaadeen dhowr oday oo la soo khalday iyo dhalinyaro kooban iyadoo beelo badan oo ka tirsan Reer hawd aan xitaa dhalinyaro/haweentoona  ka Iman Sida Beesha Khaalid ,Cali Geri , Odalla, Warfaa Axmed, Egaal Naaleeye, iyo Hagar-Marka laga reebo laba Oday oo la soo khalday. Waxaase goobta widhwidh ka dhacday arin fadeexad been abuur ah oo ay  fidiyeen calooshooda ushaqaystayaasha K15/K15 (Gudaha iyo dibadda). Arintaas oo oo ka timid markii ay odayaddi aan idinka ka haysan reer Widh-Widh ee shirka qabtay waydiiyeen  waydiiyeen waxa ku dhacay dadkii kale,reer Buhodle, gaar ahaan Beesha Reer Cali Geri-Waxay ku jawaabeen “Cali Gari waa diiday inuu gogol Barkad dhigay yimaado”  Arintaas oo daliil u ah fidmada iyo isku dirka  kooxda debed meerka ah  ee la baxday K6. Qaarka ka mid ah Odayaasha Reer widhiwdh ayaa la soo hadlay cuqaasha Reer Cali Geri waxay usheegeen in shirku fidmo iyo shirqoole aan labadda beelood midna khusayn ahaa,.

1 Response for “Fidmadda K6 iyo Shirkii Wdidh:”

  1. ASC
    BACDA SALAAN WALAAL WALAALAHA SHABAKADAN WAX KU QORA WAXAAN UGU NASTEEXAYNAYAA IN AY ILAAHAY KA BAQAAN OO AY ISKA DHAAFAAN WAX KA SHEEGSHEEGA DADKA ISLAAMKA AH EE WALIBA LA IS LEEYAHAY WAXAY WADAAN DAN
    HADII AAD SIKALE U ARAGTAAN WALAAL WAXAA FIICAN IN AAN MEDIA HA LAGA SHEEGIN LAAKIIN IYAGA LALAXARIIRO OO LA WAYDIIYO WAXYAALAHA AAD KA CABANAYSAAN WAXAY KAGA JAWAABAYAAN HADII AAD KA WAYDAANA ISKA AAMUSA OO AFKIINA HAYSTA DANTIINA RAAACDA WAXBA INOO KOR DHIN MAYSO HADII AYNU DADKEENA WAX KA SHEEGNO

Fikrad Ka Dhiibo