Nin Hindiya OO Lagu Qabtay Baasboor Somali ah
Nairobi,(Buhodlepost)-
Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Cabdullaahi gaafoow ayaa sheegay
in gacanta lagu dhigay..
nin u
dhashay dalka Hindiya oo watay Baasaboorka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay
in ciidamada dawladda Kenya magaalada Nairobi ay ku qabteen ninkan Hindiga ah,
isagoo sheegay in haatan gacanta lagu hayo ninkaasi.
Gaafoow oo jooga Muqdisho ayaa sheegay in Baasaborka uu yahay midkii ay
sameeysay shirkadii dhowaan qandaraaska uu ka dhamaaday ,wuxuuna sheegay inay
dabagal ku sameeyn doonaan halka ninka Hindiga ahi Baasboorka uu ka soo qaatay.
Ugu dambeyntii Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mr Gaafoow ayaa sheegay in
ninkaani lagu qabtay Baasaboorka Soomaaliya in ay maxkamad la tiigsan doonaan.