|

SSC:Somaliland Sinaan Iyo Cadaalad

Kayse Cabdi Yuusuf oo sheegtay inuu yahay Guddomiyaha Ku-meelgadhka ee Urur Siyaasadeedka SSC iyo Xoghayaha Ururka SSC Cisman Xaaji Cali, Diiriye Halaag,  Khadar Xassan Shariif,   Cabdi Cisman, iyo Culimo Awdiin,  Madaxdhaqameedyo, iyo Dadweyne Farro badan oo ah Tageerayasha Ururkaasi, ayaa xafladku qabtay   Hotel KAAH ee magalada Hargeysa.

Ugu Horeyna waxa xafladaasi ka hadlay Xoghayaha Ururka SSC Cisman Xaaji Cali, waxanu sheegay in maanta Si rasmi ah ugu Wanqalayaan Urur siyaasadoodkoda, waxanu Xusay in ururkoda SSC yahay mid loo soo gabiyey Somaliland Sinaan Iyo Cadaalad, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Wixii ay tabanaysay SSC ay ahayd in loo sinaado dalka tiina maanta Helen oo ay urur furteen, waxa kale oo uu xafladaasi ka akhriyey mabaadida Ururka sida oo sheegay in ururkoodu saldhig ay u tahay Gooni isu taaga Somaliland

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Diiriye Maxamed Cali (halaag),  Cabdi Cisman, waxayna sheegen in ay aad u soo dhaweynayaan mar haddii ay SSC ay Hubkii iyo dagaalkii ku bedalatay Nabad iyo dhinca dimuqradiyada.

Gebogabadii waxa Xafladaas ka hadlay Guddomiyaha Urur Siyaasadeedka SSC Kayse Cabdi Yusuf, waxuuna sheegay in ay ka go’antahay in ay Siyaasada Wadanka ka qaybqaatan oo ay wax la qaybsadan shacabka somaliland, isaga oo sheegay in wixii ay ka cabanayeen ay ahayd sinaan iyo Cadaalad,  tiina ay ka heleen Somaliland, waxa kale oo uu baaq u diray Qurbajoogta beelaha Dhulbahante isaga oo ugu baaqay inay tageeradii ay siin jireen ee Raasasta iyo Dawada loogu bedalo lacago ay Doorshooyinka Somaliland kaga qayb galaan, isaga oo xusay in ay hadda ilaalinayaan qaranimada iyo Gooni isu taaga Somaliland, Isaga oo intaas ku daray in Doorashda golaha deeganka ee soo socota  ay ka qabsoomi doonto meelo badan oo aan wakhtiyadii hore ka dhici jirin.

kayse Cabdi Yuusuf iyo C/risaaq Gacay ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii lagu magacaabay magaalada buurawadal isagoo Kayse mudooyin badan ku qadhaaban jiray magaca koox SSC oo lagu magacaabo Guutada Ismaaciil mire ayaa maanta magaalada Hargaysa ka sheeganaya inuu diyaar u yahay ka qaybgalka siyaasada guracan qabiiilaysan ee gooni-u goosadka ah,waxaa is waydiin mudan yaa loo raacayaa khayral mas’uulnimada iyo afku maalnimada sanad kasta shacabka dhulbahante la gula dhaqmayo oo maalinkasta nin Tuug ah laga dhigayo saciim miyeysan ahayn lagu maxkamadeeyo dadkii soo gacaabay ee iyo C/risaaq Gacmay iyo kayse Cabdi yuusuf iyo dadka la mid ah ayaa gudoomiyaha iyo wasiir SSC u taliya.arintani waxay markhaati u tahay sida shirkii burawadal beesha loogu khayaameeyey iyadoo hadana laga yaabo shirkan Taleex in tii Buurawadal oo kale ka dhacdo.

su’aalaha  la waydiinayo Reer SSC waxay tahay kayse wuxuu sheegay inuu yahay ku sime waa kuma Gudoomiyaha rasmiga ah ee SSC Somaliland Sinaan iyo Cadaalad? hadiise magacii Sool Sanaag Cayn oo noqday magac dhibaato ku noqday Jabhada Gooni-ugoosada ah ee SNM loo bedealay Somaliland ma dhicikartaa in laga guuro?

 

www.buhodlepost.com

 

 

Fikrad Ka Dhiibo