Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/samed Cali shire oo ka qayb-galay Xuska Boroordiiqda dadka AIDSka qaba
Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire ayaa manta ka qayb galay Xuska maalinta loo boror diiqayo dadka la nool xanuunka AIDSka taas oo lagu qabtay Xarunta bisha Cas inkastoo socod dheer lagu soo maray wadooyinka waawayn ayna ka qayb qadanayeen dadka la nool Xanuunka Cudurka ardayda Caafimaadka iyo Gaadiidka dadwaynaha oo lagu soo xiray hal ku dhigyo lagu yaraynayo AIDKS
Wasir ku xigeenka Caafimaadka Maxamed Xirsi Ducaale oo ka hadlay munasabada ayaa sheegay in sanadkaan aad uu hoos ugu dhacay cudurku loona bahan yahay sii wadida wacyi galinta Xanuunka iyo in aan la takoorin dadka cudurka haleelay ee ku nool deeganada punland
Agaasimaha Ha’yadda u qabilsan wacyi galinta Aidka ee PAC Puntland AIDS Commination oo isna hadlay ayaa sheegay in ay sii wadayaan wacyigalinta Xanuunka dadkana ugu baqay in ay is baraan ayna soo dhaweeyaan dadka cudurku haleelay oo aysan faquuqin si aysan niyad jab ula kulmin
Madaxwayne ku xigeenka puntland C/samad Cali shire oo isna ka hadlay munasabada ayaa ku dheeraday in la muujiyo taxadar iyo feejignaan dheerada kuna dhawaaqay Hal ku dhiga Sanadka aha yaraynta cudurka inta laga gaarayo dhamaystiro oo uu cuurku suuro
dhanka kalena madaxwaynuhu waxaa uu dhalinyarada reer punland uga digay in ay iska ilaaliyaan cudurka isla markaana ay is baaran maadama ay yihiin kuwo u nugul qaadista cudurka
inta ay socotay munasabadu waxaa lagu soo bandhigay Filimka turjumayay Xakamaynta iyo wacyi galinta Cudurka AIDKSa iyo riwayadka turjumaysay in aan la takoorin.
C/samed Cali shire oo ah Korney Ciidamadii Jamhuuriyadii Soomaaliya ah ayaa intii uu madaxweyne ku xigeenka ka noqday maamulka Puntland ,banaanka uga baxay wadanka 5 Jeer oo sedexka mid ahi ay ahaayeen socdaalo la xidhiidha caafimaadka,iyadoo Madaxweyne Faroole uu 27 safar oo dalka debadiisa ah u baxay mudadii laba sano iyo badhka ahayd ee uu xilka hayyey,awooda C/samed Cali shire ayaa ku soo koobantay furitaanka Xafladaha iyo dhagaxdhigyada dhismayaasha waaweyn,C/Samed Cali shire oo ka jeeda gobalka Sool oo dhibaatooyin badan oo dhanka amaanka iyo dhaqaalaha ahi ka jiraan ayaan marna ka hadlin xaalada Gobalkaas.
Madaxweyne ku xigeenka puntland ayaa Tuute u soo xidha markii gudaha Puntland dhibaato ka timaado ama Beelo iyo Maamulku isku dhacaan,isagoo aan marna laga maqal hadalhaynta Gobalka sool iyo Ceerigaabo,Markii Ciidanka SNM ay la wereegeen Magaalada Laascaanood C/samed Cali shire wuxuu ahaa Taliyihiin Ciidan Daraawiishta ee Puntland.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo awoodiisu ku koobnaatay furintaanka Xafladaha sida madaxweynayaasha Ethiopia iyo Talyaaniga Oo loo yaqaano Cermonial Presidents,ayaa dhalinyarada ama Kooxda loo yaqaano Aaranjaan ay u bixiyeen Garaad C/samed Cali shire taas oo ay ula jeedaan in awoodiisu ay la simantahay tan Issimada,iyagoo dhalinyaradaasi ay xuseen in Garaad C/samed Cali shire uu awood hooseeyo ,Garaad C/laahi Cali ciid,Garaad shirwac iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed markii aay timaado wax u sheega Faroole iyo ka talinta wadanka Puntland.
Xasan Daahir Afqudhac oo ka soo qaybgalay furitaankii shirkii Buurawadal ayaa ku kaftamay markii aan madaxweyne ku xigeen ahaa Laascaanood kaliya ayaa la haystay laakiin anigu xorbaan ahaa,Cade Muuse Xirsi oo la waydiiyey isla aragtidaa ayaa yidhi waan ogahay in C/samed iyo Xasan Afqudhac aysan isku mid ahayn oo C/samed Cali shire ka fiicanyahay Afqudhac laakiin nin aan xishoon wax maqlin wax garan,samrin waxna hambaynbaa ka sareeya waana u garaabayaa ayuu yidhi cade xili uu kaftamayey.