|

madaxweyne Geelle: SNM way ku deg degeen,waxay iska sameysteen Calan,lacag ,waxa ay isaga dhawaaqeen dal,waxaanay gaadhigii ka hor mariyeen dameerkii jiidayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa wareysi uu todobaadkan siiyay jariirad afka Fransiiska ku soo baxda ee la yidhaahdo Jeune afrique waxa uu uga waramay arrimo dhawr ah oo u badnaa siyaasada Jabuuti.

Qodobada wax laga waydiiyay sidoo kale waxa ka mid ahaa Qadiyada Somaliland oo uu fikirkiisa ka dhiibtay.

Jariirada Jeune afrique ayaa madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle weydiisay sababta uu u aqoonsan waayay dalka ay jaarka yihiin ee Somaliland halka uu Konfurta Suudaan oo ka fog uu u aqoonsaday?

Madaxweyne Geelle ayaa ku jawaabay in konfurta Suudaan ay ka duwan tahay Somaliland oo ay halgan dheer u soo mareen xoriyadooda isla markaana ay wadahadal la galeen Woqooyiga.

Somaliland ayuu yidhi madaxweyne Geelle waa ay degdegeen,waxay iska sameysteen Calan,lacag ,waxa ay isaga dhawaaqeen dal,waxaanay gaadhigii ka hor mariyeen dameerkii jiidayay.

Madaxweynaha Jabuuti mar uu ka waramayay sida iyo waxa uu ku caawin karo Somaliland ayuu yidhi “waxaanu u ogolaanay in baasaboorkooda ay dalkayaga ku soo galaan iyo in ay cid metesha halkan u soo dirtaan,waxse intaa dhaafsiisan uma qaban karo”.

Hadalka madaxweynaha Jabuuti ayaa imanaya  maalmo ka dib kolkii uu madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo booqasho ku tegay dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa aad uga soo horjeeda waxa ay ku sheegaan Gooni u goosashada,waxaa taas lagu sifeeyaa  in Ismaaciil Cumar Geele uu aad uga warhayo Loolanka Taariikheeda ee Dekadaha Berbera iyo Djibouti oo labaduba ku yaala Badda Cas .

Fikrad Ka Dhiibo