|

Banki-moon oo soo gaadhay Muqdisho iyo Banaanbaxyo laga cabsi qabo in ay dhacaan

Xoghayaha Guud ee Golaha loo dhanyahya ee Qaramada Midoobey Mr Banki moon ayaa maanta Ka degay garoonka Aadan Cade International Airport ee Magaalo madaxda Soomaaliya,waxaana Garoonka ku soo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha Dawlada Kumeel gaadhka Soomaaliya Dr.C/wali Gaas,xili garoonku ay ku sugnaayeen Gawaadhida Gaashaaman ee Ciidanka Amisom.

ilaa hada lama oga qorshaha Xoghayaha Guud ku yimid magaalada Muqdisho,waxaase waayadan dambe socday arimo siyaasadeed oo ay kamid tahay ciidamada Ethiopia oo soo galay wadanka Somalia iyo Ciidanka Kenya oo lagu daray Ciidanka Amisom,iyo qorshihii Tubta Leexsan ama Road map oo aan wali si fiican u hirgalin,hadaba dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalo madaxda Muqdisho ayaa aad isu waydiinaya qaabkii ugu muda haraadi lahaayeen Mr.Baanki Moon iyagoo ka cabsi qaba hadiiba ay banaanbaxyo dhigaan in ay dhacdo arin amaandaro,Ergayga Gaarka ah ee Baanki Moon u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii hore  dadka qaar u haysteen nin Soomaaliya isu keenaya hadase waxay ku baraarugeen inuu yahay Ergayga Kala goo’goonta iyo Baabinya Qaranka Soomaaliya.

 

Fikrad Ka Dhiibo