|

Axmed Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka SNM Nuux Taani Kuna Bedelay Maxmed Xasan (jidhif) iyo Suldaan maxamed C/qaadir oo ku hanjabay in ay Xasuuqi doonaan Reer Boorame hadii mardambe la taago Calanka Soomaaliya

siilaanyo oo xilkii ka qaaday Nuux Taani kuna Bedelay Jidhif

wararka naga soo Gaadhaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Axmed Siilaanyo uu xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka militariga ee Maamulka  SNM COl.Nuux Ismaaciil Taani,Taliyaha ayaa lagu eedaynayey inuu ka dambeeyey dilkii loo gaystay dad Rayid ah oo si arxandarro ah goor habeeninmo ah loo xasuuqay tuulada Seemaal,Nuux Taani iyo xubno kale oo qaarkood madaxtooyada Siilaanyo ka tirsanaayeen ayaa loo haystay in ay bixiyeen amarka dadka lagu laayey islamarkaana waxaa la xidhay Abiib Timacad oo ka tirsanaa saraakiisha madaxda tooyada Siilaanyo.

 

Nuux taani oo dhamaan warbaahinta la hadlay ayaa dafiray inuu dilka  dadkaa wax ka ogaa laakiin xilka qaadista lagu sameeyey ayaa muujinaysa in la hayo raadcad oo aan la qarin karin inuu isagu ka dambeeyey dilka,waxaase la sugayaa in la so xidho islamarkaana maxkamad la soo taago,iyadoo dadka Reer Awdal ,Soomaalida kale iyo caalamku ay arkayaan bal sida Maamulka SNM ay ka yeelaan xasuuqa ay gaysteen ciidankii lagu sheegayey in ay ka tirsanyihiin Maamul cadaalad ah oo loo wada siman yahay.

 

dadweynaha Reer Awdal ayaa aad u kacsan waxaana laga yabaa in arintani ku dambayso mid daba dheeraata oo aan mudooyinkan xal loo helin hadii aan maamulka Siilaanyo wax ka qaban Beeshiisa oo isu aragta inay haysato awood ciidan oo shaadh dawlad nimo huwan,Si kastaba ahaato Siilaanyo ayaa magacaabay dhiigyacab Cusub oo layidhaahdo Maxmed Xasan C/laahi waa xubin Ururkii SNM ka mid ahaa, su’aashu waxay tahay Reer Awdal ma Ku qan cidoonaan Xilka qaadista Nuux Taani mise waxay ku qancidoonaan Max-la soo taago?

 Suldaanka guud ee beelaha Isaaq Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sheegay in ciddii Calanka Somalia ka taagta gudaha Somaliland ay tahay dambiile qaran, waxaanu xukuumadana ugu baaqay in gacan birr ah iyo talaabo ciidan laga qaado beesh Awdal, waxaanu madaxdhaqameedyada gobolka Awdal uga digay inay ku kacaan hadalo iyo ficilo colaad horseedi kara.

Suldaanku waxa uu ku baaqay in xukuumada loo daayo falkii dilka ahaa ee ka dhacay todobaadkii hore deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Baki iyo Gabiley.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sidoo kale sheegay in talaabadii ciidan ee xukuumadu ka qaaday beeshiisa sanadkii 1994-kii lagu fuliyo beeshii calanka Somalia ka taagta gudaha Somaliland, haddii kale wixii naf iyo maal ka soo gaadhay talaabadii Somaliland ka qaaday loo soo celiyo,

Suldaan Maxamed waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay Haatuf khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay, ayaa sidoo kale Suldaan Saleebaan oo ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal oo eedaymo kulul uga soo jeediyay taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani uga digay inuu ku sifoobo Suldaan caadaysta Aflagaadada Madaxda qaranka.

Suldaanku isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Reer Awdal waxaan leeyahay waxyaalahan foosha xun ee Internet-ka iyo Facebook aad galinaysaan ee colaada hurinaya joojiya, idinka oo Somaliland oo dhami falkii dilka ahaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal ay wada cambaaraysay oo canaantii oo dhan aanu dhinaca kale wada saarnay idinkamaanu eegayn in wax colaad abuura Aad ku kacdaan, arrintii dawlada ayaa gacanta ku haysa ee ha loo daayo, reer Xareed wiil yar oo Adhi la jooga ayaa la gawracay markii dawlada cusubi xilka la wareegtay waanay qarsadeen, waxaanay sidaa u yeeleen dawlad cusub oo muddo laba bilooda xilka haysay, taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani anigu waxaan doono aan ka sheego, laakiin in cid kale wax ka sheegto oo tidhaahdo hala dilo kama ogoli, Suldanka reer Awdal ee Suldaan Saleebaan ee cagta naqana Suldaan baan u ahay, Suldaanada waa ka xaaraan inay wax naxli leh ku hadlaan”.

Sudlaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Mudaharaadyada ka dhacaya Boorama ee calanka Somalia kolba lagula soo baxayo anaga maxaa nalagu laayay soo calankii Somalia ayay taageen may ahayn, waxay noqonaysaa in wixii anaga nalagu dilay ee nalagu weeraray beelaha Somaliland ay ka sinaadaan oo beeshii calanka Somalia taagta-ba Somaliland gacan birr ah ku qabato, oo ciidanka qaranku talaabo ka qaado, haddii dawladu ka baqayso talaabadaasi waxaanu leenahay magdhawgii naf iyo maalba nagaga baxay weerarkii nalagu qaaday ha naloo soo celiyo, laakiinse magaaladii Boorame ee lagu qabtay shirkii gooni isku taaga Somaliland in maanta calankii Somalia ay dib usoo celiso, waxa uu sababay dilku maaha ee waa wax hore ugu jiray, haddii falka dilka ee dhacay aydin ugu raad gadanaysaan calankii Somalia waxaad ogaataan in bulshada Somaliland ay idinka tashan doonto, oo waajibkeeda difaaca qaranimada ay qabsan doonto, xukuumada Somaliland waxaanu leenahay u dulqaadan mayno cid dambe oo calanka Somalia ka taagta gudaha Somaliland, oo calanka Somaliland ee Tawxiidku ku yaalana gubta, ciddii calanka Somalia ka taagta gudaha Somaliland waa dambiile qaran, Madaxweynahana waxaan ugu baaqayaa in ciddii qaran dumisnimo ku kacda talaabo adag oo ciidan laga qaado, cid kasta oo qaran dumis ku kacdana go’aankii nalagu weeraray wuu u yaalaa ee ha ogaato”.

Sidoo kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa xukuumada ugu baaqay inay ku cadayso dambiga loo haysto Abiib Timacad, haddii kalena la xoriyadiisa loo celiyo.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo