|

MADASHA SHIRKA KHAATUMOII OO WIDHWIDH LOO BEDELAY:

Iyadoo Shacabka SSC aay aad uga xunyihiin  iska horimaadkii iyo dilkii ka dhacay magaalada tariikhiga ah ee Taleex , taasoo ku timid maamulka guracan iyo majaraha qaloocan ee kooxda G6 ay raacsiiyeen jaangooyadda siyaasadeed ee beesha  , waxaa hadana soo if baxaya   xuuraano iyo  kulamo qarsoodi ah oo sheegaya in madasha shirka loo wareejinayo degmadda Widh-Widh ee Gobolka Cayn.

Wareejinta ayaa la filayaa  inay latimaado  Suaal cusub oo ah in la iswaydiiyo  kooxda G6 ma dareentay hadda waxa keenay iska horimaadka iyo qudhgooyadda ka dhacday degmadda Taleex? Waxaa isla markaa loo baahan yahay in la iswaydiiyo in kooxda K6 iyo gacanyarayaashoodu inay diyaar u yihiin inay isbedel  ku sameeyaan Hab-Maamulkooda iyo qaabka qabanqaabadda shirka, si looga digtoonaado dhacdo naxdin, uur ku taalo iyo amankaaga ukeenta bulshadda SSC, lana mida  ah falkii degmadda

Haddii aan lala iman dadaal iyo waxqabasho abuura isafgrasho iyo midnimo oo baajiya naxdin uur ku taalo iyo colaad waxaanu leenahay “WIDHWIDHEEY ALLAAD LEEDAHAY”.

dadka ka fikirka duwan  waxay tala ahaan usoo jeedinayaa in ay Kooxda K6 dareen u yeeshaan in nabada iyo suluxu ay yihiin saldhiga qabashada shirka. Haddii kale ha ogaadeen in tuuryadda iyo halgaada ka timaada Taleex ay soo gaadhi karto badhtamaha Widhwidh.

 

Fikrad Ka Dhiibo