Todobaadkan iyo Taleex,Hargaysa iyo Adis Ababa
Waxaa degmada Taleex ka furmaya shirweyne lagu magacaabo Khaatumo 2 ee Beesha Dhulbahante,shirkaas hada la dhamaystiray qabanqaabadiisii,ayaa lagu wadaa in uu si buuxda u bilaabmo maalmaha soo socda ayaa ujeedadiisu tahay sida loom eel marin lahaa hindisaha nabad galyo iyo midnimo ka hirgasha deegaanka SSC ee Soomaaliya.
Hadaba tan markii ay soo gaadheen maagalada Taaleex Ergooyin ka kala yimid qurbaha iyo deegaanada Kale ee SSC oo ay mid yihiin xubnaha G6 oo ka soo galay Xadka Ethiopia,Cali Galaydh oo Hurmuud ka ah G6 ayaa hadal gaaban ka jeediyey madasha loo asteeyey ayaa yidhi Ninkii ba’naayow lagu fasax taas oo nicnaheedu yahay qofkasta oo SSC ahi goobta keeno waxa uu hayo taas dadka Dhulbahante ku u arkeen fursad macquul ah maadaama G6 lagu xamanayey in ay maroorsanayaan qorshe iyaga u gaar ah.
Intaa ka dib warbaahinta iyo fidhiku dirirada Hargaysa waxaa ka socda buuq iyo qaylo dhaan siyaasadeed hase yeeshee Maamulka Siilaanyo ayaa ku hanjabay in ay isticmaali doonaan waxkasta oo ay dantooda u arkaan,Mas’uuliyiinta Siilaanyo qaarkood waxay waraaqo u qoreen dawlada Ethiopia oo ay ka codsadeen in ay ka warbixiyaan arimaha Siyaasiyiinta SSC ay ka wadaan Taleex,sida warbixino soo baxayaa ay sheegayaan Dawlada Ethiopia waxay ku gaabsatay in aysan waxba kala socon arinta shirkaas laakiin ay ogyihiin in Beeli halkaas ku shirayso.
Xubno ka tirsan Guurtida SNM ayaa Axmed siilaanyo ka warsaday arimaha Khaatumo iyo Ciidamo Ethiopian ah ee la sheegayo wuxuuna Axmed Siilaanyo sheegay inuusan Ogayn Khatar weyn oo ka imankarta Shirka,hadana isha ayeyn ku haynaa waxa ka soo baxa,wasiirka gudaha Siilaanyo ayaa isna Hadal jilicsan iyo hanjabaad ui diray shirka Taleex.
Wakiilka Ethiopia u fadhi Hargaysa oo waraysi siiyey Warbaahinta Hargaysa qaarkeed wuxuu sheegay inuusan ogayn wax ciidamo ah oo Cali Khaliif la kulmay ama amaankiisa sugayey,waajib saran aysan ahayn,warbaahinta Hargaysa waxay waydiisay xagay ku dambaysay waan-waantii ay Ethiopia ka dhexwaday Somaliland iyo Puntland”wakiil Ethiopia wuxuu yidhi anagu u yeedhin mayno in ay heshiiyaan laakiin haday naga codsadaan waanu u fududaynayaa .
Kooxda SNM ayaa khalkhal weyni soo jahay ilaa intii ay muuqatay habsami socodka shirka khaatumo 2 oo markii hore loo dareemayey inuu sii fogaanayo khilaafka hoosaad beesha,waxaana la filayaa inuu maalinta bari ah si rasmi ah u furmo shirka Khaatumo labo,iyadoo la filayo in si taxadar leh oo lafoguro danaha degmada iyo Soomaaliya.
Dhanka kale afhayeenka kulmiye ahna taliye SNM ah Maxamed Kaahin ayaa lagu xidhay madaaarka Addis Ababa arintaas ayaa iyana sii liicisay awooda siyaasadeed Siilaanyo,Maamulka SNM oo baryahan ku jirtay lacag aruursi ayaa wadanka Masar u diray labo nin oo lacag ka soo qaada Laanta Afrika u qaabilsan Masar,arintaas oo laga yaabo in ay shaki galiso Maamulka Ethiopia
Ahmed Ismaaciil Jaamac
aar nalaga taga beenta nacnacda badan. somaliland wax la taaban karo maahan waana la xushmeeyaaye ka quusta. shirkan aad wadaan ee beenta ah ma aaminsanin. anagu dhulbahante ahaan iskuma raacsanin ruwaayadan. kuweena somaliland ah cidi waxkama qaadayso cagtaanu marin wixi qarankeena ka horyimaada. somaliland baanu kamid nahay cid nooga daba hadlaysaa qaranimadeena dhagaysan mayno diidnay oo taga. shirkaasi ciidamada qaranka ayaa albaabka isugu dhufan doona hadii wax somaliland ka dhan ah lagu soo qaado. biximaayaan ciidamada somaliland they will stay forever. viva somaliland republic diida ama yeela weligeed somaliland qadiyadeeda waa lama taabtaan.
nimanka la magac baxay G6 war horta miyey waalan yihiin? anigu waxaan u qirayaa waali waayo guul rag soo hooyeen ayey ku faanayaan labdii dagaal ee dhulbahante laatankii sano ee la soo dhaafay waa xabdaale. iyo waraaqaale. xabadaale waxaa ku guuleeystey ilaahay cimrigiisa ha raajiyee halgamaaga weyn.geesiga mujaahidka.maxamuud x cumar camey. dagaalkii waraaqaalena waxaa ku guuleeystey ilaahay cimrigooda ha raajiyee waa mujaahidiinkii geesiyaalka ahaa ee NSUM.hadaba nimanka hadaan kooyey waxa ay wadaan biliiloqo aan la qarsanayn hadaba dhulbahante they have to be far guusha ninkii lahaa hala siiyo yaan denbi laga gelin halgamayaasha qaaliga ah ee guusha inoo soo hooyey G6 hadaan kooyey bal aynu dhowro guushooda ay soo wadaan waxaan halkan ugu habalyeyn ayaa caaqilka guud ee dhulbahate iyo geesiyada qaaliga ah ee nsum noolaada walayaal cimrigiina ilaahay ha raajiyo ha niyad jabina waan idiin garab taaganahaye ……..loool….. thanks guys our hero’s
ina raabi says:
Your comment is awaiting moderation.
January 3, 2012 at 7:51 am