|

Madoobe Nuunoow Max’ed oo loo doortay gudoomiyaha barlamanka

Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay doorashada gudoomiyaha cusub ee barlamaanka KMG Soomaaliya xilkaasi oo ay u tar tamayeen ilaa lix musharax.

 

Xilka gudoomiyenimo ayaa waxaa u tar tamayay ilaa 6-Xildhibaan oo uu ku jiro Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed, Xildhibaan C/casiis Xasan Max’ed, Sheekh Nuur Cali Aadan, Xuseen Cismaan Xuseen, Max’ud Macalin Yaxye iyo Cali Sheekh C/laahi Afgooye, iyadoo doorashadaasi uu wareegii koowaad kusoo baxay Madoobe Nuunoow Max’ed.

 

  1. Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa waxaa uu helay 130-cod

  2. Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan waxaa uu haley 16-cod

  3. Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen waxa uu helay 33-cod

  4. Xildhibaan Max’ud Macalin Yaxye waxa uu helay 63-cod

  5. Xildhibaan Cali Sheeh C/laahi Afgooye waxa uu helay 16-cod

  6. Xildhibaan C/casiis Lafta-gareen tanaasul ayuu sameeyay

 

Sidaasi daraadeed ayaa gudoomiyaha cusub ee barlamanka KMG Soomaaliya oo uu ku guulaystay Xildhibaan Madoobe Nuunoow Max’ed markii looga daray codadkii kale ee Xildhibaanada waxaa uu helay 258-cod.

 

Gaba gabadii gudoomiyaha cusub ee barlamanka Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa isla goobtaasi lagu dhaariyay, iyadoo kulanka  maanta la’isku gabal dhacsaday, waxaan shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka Axmed Dhibil Rooble Casowo.

Fikrad Ka Dhiibo