|

shirka Taleex Maxaa looga qaylinayaa?

 Taleex oo kaliya ma ahan meel ay ku yaalaan qalcado xusuus u ah halgankii xoriyad u doodka ee Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee sidoo kale waxaa jirta taariikh iminkadan qormeysa oo dad badan ay ku xusuusan doonaan magaaladaasi.

 

Taleex waxa ay martigalineysaa shir beeleed kii ugu balaarnaa oo sanadahan dhacay, waloow ay meesha beel gaar ah ku shireyso si ay aayaheeda uga tashato, hadane waxaa siweyn loo rumeysanyahay in uu yahay shir go’aanada kasoo baxa ay noqon doonaan kuwa ka turjumaya masiirka Soomaaliweyn.

Run ahaantii ereygaasi ugu dambeeya tuduca hore ee ah “Soomaaliweyn” ayaa ah mid ka wada guuxaya maanka ka qeybgalayaasha, markase laguu sheego in Dr. Cali Khaliif Galeyr oo mar noqdey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya uu ka qeybgalayo shirka ayaa waxa dhacaya oo dhan aad ku eegeysaa indho ka duwan kuwii hore.

Kaqeybgalka Galeyr waxa ay ka caraysiisey maamulka Somaliland oo aanan fursad luminin in ay jeediso digniin ah in ragga uu isaga ka mid yahay ay halis ku yihiin in ay shirka marin habaabiyaan maadaamaa ay yihiin “dad Soomaali doon ah“. Puntland oo iyadana tirsata deegaanada ay beeshani degto ayaad moodaa in ay ka fiirsanayso wixii ay ka dhihi lahayd shirka, warar aan helney waxa ay sheegayaan in Puntland ay shirka u dirsatay dad beesha ka tirsan oo Puntland taageersan si ay shirka uga dhaadhiciyaan in go’aanka la gaarayo uu noqdo mid Puntland lagu ayidayo, inta ay taasi ka dhacayso ka horna, Puntland waxay u badantahay in aysan ka hadlin arrimaha shirka.

Laakiin maxaa shirka “khaatumo 2″ ee Taleex ka dhigey “Tuke Cambaar leh?”, muxuu kaga duwanyahay shirarkii beelaha ee Boorame iyo Garoowe ee lagu asaasay maamulada Somaliland iyo Puntland?, miyeysan beeshani ka tashan karin aayaheeda si la mid ah sida ay uga tashadeen beelaha majaraha u haya Somaliland iyo Puntland?.

Waa ku dhawaad qarni kadib oo ay Taleex iyo beelaha halkaasi dega kasoo kabanayaan xasuuqii Rayadka iyo gumeysigii Ingiriiska, iyagoo eedey kaalintii ay ku lahaayeen halgankii xoriyad doonka ee Daraawiish. Dad badan ayaa wadnaha markale farta ku haya in Taleex ay dhibane u noqoto rabitaanka Soomaaliya dartiis, waxaana cabsidaasi daliil u ah hanjabaadaha Somaliland kasoo yeeraya.

Laakiin Isbadalka la taaban karo ee uu xiliga badalay waa in cadawga shirka Taleex uusan ahayn shisheeyihii shalay, balse uu yahay sokeeyihii shalay, waxaana taasi tusaale ahaan loo xusi karaa in ergeyga dowladda Ethiopia ee Somaliland Berhai Tesfie uu maanta beeniyey warar soo baxay oo sheegayay in ciidamada dowladda deegaanka Ethiopia ay galbiyeen Cali Khaliif Galery markii uu tagayay shirka Taleex.

Beelo waaweyn oo Koonfurta dalka dega ayaa isha ku haya Taleex, laakiin lama oga shirar beeleedyo laga qabanqaabinayo magaalooyinka Afmadoow iyo Dooloow in ay noqon doonaan kuwa heysta muwaafaqo la mid ah tan Taleex.

 

www.buhodlepost.com

isha KN.com

1 Response for “shirka Taleex Maxaa looga qaylinayaa?”

  1. ali says:

    sheekadani waa sheeko caruuray 60kii lagu khasaaray. qadiyada go’aanka midow dhex mara somaliland iyo somalia waxay ka soo go aysaa shacabka somaliland oo idil. somaliland waa qaran xoriyadiisa ka qaatay ingiriiska oo leh xuduudo cayiman. waxaana wada degan beelo badan oo kala ah isaaq samaroon harti daarood (dhulbahante iyo warsengeli) ciise. se maahan mid ay beeli iska qaadanayso go’aankeeda. hadhow waxaa abuurmi doonaa dagaal beeleed aan kala go’aynin. mida xigtaana shirkani dhulbahante uma dhama saladiin badan ayaa ka biyo diidan. beeshu waxay qabtaa fikir kala duwan. iskumana waafaqsana somaliweyn iskumana waafaqsana maamul beeleed. waxaana dabada ka riixaya waa hal ama la jufo oo kamid ah beel weynta dhulbahante. saas dartiis wax midho dhal ah noqon maayo. waxaa talada dhulbahante haya waa isimada beesha iyo madax dhaqameedka beesha iyo salaadiinta beesha dhulbahante. ee maahan go’aan qurbo joog ah.

    fikir waa la isku dhiiban karaa shirka taleex dadka joogaa se go’aanka somaliweyn wax aad idinku iska gaadhaysaan maahan. hadhow hadii kun go’aan la gaadho waxma kasoo baxayaan. maamul beeleed waa la idinku diidayaa aaway jifooyinkeenii kale ee dhulbahante meeshaba ma joogaan. sidoo kale somaliland may unagu wada raacsan tahay somaliweyn waa maya. warsengeli manala hayaa waa maya. kolkaa waa khasaaro 2 ayaan ugu yeedhayaa shirkaba.

    viva somaliland republic.

Fikrad Ka Dhiibo