Xildhibaan Ciiro: Shirka Taleex Waxaa ka Soo Bixi kara Wax Soomaali Weyn Anfaca
Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse [Ciiro] oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay shirka maalintii afraad galay ee “Khaatumo 2″ ee ka socda magaalada Taleex.
Xildhibaan Ciiro ayaa sheegay in shirka Taleex uu u arko mid soo saari kara talooyin wax ku ool u ah beesha Sool iyo Soomaalida oo dhan, isagoo ugu baaqay ka qeybgalayaasha shirka inay soo saaraan natiijo fiican.
Xildhibaanka ayaa sheegay in beesha Sool ay ahayd midii horseedka ka ahayd midnimadii ummada Soomaaliyeed markii xoriyada la qaatay.
“Waxaanu ku han weynahay inay ka soo baxaan wax ummada Soomaaliyeed anfaca” ayu yiri xildhibaanka oo sheegay in shirar hore oo beeshu gashay guulo ay ka soo bexeen.
Xildhibaan Ciiro: Shirka Taleex Waxaa ka Soo Bixi kara Wax Soomaali Weyn Anfaca (Dhageyso)