|

Siyaasiga Wayn Ee Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Ka hadlay Shirka Taleex, Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland iyo Arimo Kale oo badan

 

Ilaa iminka dadweynaha waxaa lagu maaweelinayaa Ictiraaf ayaanu raadinaynaa ictiraafna waanu keenaynaa, (iyada oo aan hubo madaxweynaha wasiirka Khaarajiyada iyo dad fara badan oo siyaasada Somaliland ku dhex jiraa ay ogsoon yihiin in qaabkii lagu raadinaayey ictiraafkaasii uu ahaa mid khaldan in aanuu ahayn ictiraafku mid Ingiriis,Faransiis iyo caalamka laga doonaayo ..”

 

“Dawladaha jaarka ah ee u arka dhawr dawladood oo Somaliyeen in ay saaxada ku soo biiraan in dhibaato mooyee wax kale aanay keenahayn ma ogolaanayaan”

” Taa waxa ka sii sokaysa dadka wixii Somaliland La odhan jiray iskuma wada raacsana arintan Waa ogsoontii iminka shir culus ayaa ka socda Taleex Arinta ugu wayn ee keentay shirkaas beesha Dhulbahante ay ku shirtana waxa wada ogsoon nahay in aragtida Siyaasadeed iyo kala goa ay u aragto waxaan danweyni ugu jirin iyaga iyo umada Somaliyeedba. “

” Xaga galbeedka waynu ogsoon nahay oo intan dambe aad iyo aad ayey isu soo taraysaa in dadka dhinaca galbeedka degan in Awdal State in iyana arintaa wadaan”

 

Oslo/08.01.2012 (Togaherer) Siyaasiga wayn ee Ruug Cadaaga ah ee Dr. Ismaaciil Maxamuud Hurre ( Buubaa )ayaa sharaxaado ka bixiyey xaalada Somaliya ee Hader taagan tan Somaliland iyo Halka ay ku dambayn doonto iyo waliba Shirka Beesha Dhulbahante uga socda Taleex.

Siyaasiyaga ayaa tibaaxay in hadeer siyaasada uu uga gabsaday sababo ay ka mid tahay dad aanay isu lug ahay oo siyaasada raad barad ku ahi ay sanadahan dambe siyaasada ay ku soo biirayaan sidoo kalena waxa uu ka waramay Md Buubaa Khilaafka Dowlada Somaliya taas oo u sheegay in kaliya lagaga bixi karo Hadii o kaliya la dhiso dawlada Dhexe oo aan ahayn Kumeel gaadh.

Siyaasiga ayaa isna aad u falanqeyey Siyaada Somaliland iyo halka ay ku dambaynayso aadna u taageeray Shirka Taleex ka socda.

Md Dr. Ismaaciil Buubaa Ayaa arimahaas kaga waraymay waraysi dheer oo Uu Caawa Siiyey Shabakada Caalimaga Ah ee Togaherer Xafiiskeeda Magaalada Oslo EE Dalka Norway Waraysigan oo uu Inoo Qaaday Tafatiraha Guud Ee Shabakada Amaan Wayn oo uu Soo jeediyey Shabakada Kadib waxa uu waraysigiisa Qaybtii Hore uu ku bilaabmay sidan tahay.

S: Md Ismaaciil Waxaan tahay Siyaasiyiinta Ruug cadaaga ah ee ka haday Siyaasiyiinta waaweynay ee Somalida Waayadana Saaxada Siyaasada Kumaad Jirin Warbixin kooban naga sii Xaalada Guud ?
J: Walaahi Arimaha Siyaasada waan wada ogsoon nahay oo dad badan oo Khibara iyo qoto dheer aan u lahayn maanta Somaliya waxa ka socda ayaad moodaa in ay saaxada aad ugu badan yihiin kolkaas oo kalena waxaan wanaagsan in aad iska barbariso Arimaha Qaarkood, iyadoo sidaasi tahay misna hadana arimaha ka socda wadanka faaqidaadiis iyo arimah aad moodo in uu mudi ku jiro oo Dhinaca siyaasada aanu ilaa SNM tii aanu oo aanu aad iyo aad ugu dhex jirno, Ururka SNM ee aan anigu ka midka ahaa waxa uu ahaa Urur wadani ah oo ku salaysan Siyaasada wadaninimada iyo Somalinimada taas aad iyo aad ayaan ugu dhex jiraa.
S. Md Ismaaciil Waxaa jira in Dawladii TFG ee Somaliyeed uu Khilaaf wayni ka jiro bal warbixin naga sii inta aad ka war hayso khilaafkaas iyo waxa lagu xalili karo iyo halka uu ku dambayn doono?

J. Sideedaba hadii aad aragto khilaaf Siyaasi oo dad isu hayaan arinta la isku hayaa maaha dan umadeed ee waa dan shakhsi oo waa dad arintooda food saaro uga dhigaaya dano gaar ah in ay yidhaahdaan dano caam ah ayaanu wadnaa. Arinta TFG na hadii alle idnayoy sida aynu wada ogsoonay waqtigeedii bishii Augst ee ina dhaaftay ayuu Dhamaaday taasoo waliba ahayd Jabuuti mar kale loogu kordhiyey waxaanaad moodaa in arintaas ay soo afjartay iyo waliba kumeel gaadhaka ah ee madhalaysta ah ee waxba ka soo bixi waayeen oo dhamaanaya iyo waliba dadyaw waxaa dhamaanaya in ay siyaabo kala dawan doonaya in ay uga faaidaystaan ayaa saaxada siyaasiga isku yahaan, runtiina waxaa ku lumayaa waa danta umada Somaliyeed waxaanaan umada Somaliyeed ugu baaqi lahaa in laga fikiro in waxan waqtigoodii dhamaaday wax manfacoo wayna umada ugama aayna kordhin kumeelgaadhka waxaa la doonayaa oo uu caalamku aad u wadaa in marxaladaas laga gudbo oo loo gudbo marxalad distoori ah, kumeel gaadhkuna waxa uu ku shaqeeyaa charter kumeel gaadh ah markaa waxaa la doonayaa Dawlada Dasturi ah oo Wadanki hanata oo hadii aanay dalka gacanta ku wada hayn ay caalamku u aqaansadaan dawladii Sharciga ahayd ee Safaaradahada caalamka uga furnaan lahayd ku dhaqmi lahayd hab sharci in loo gudbo…….

S. Md Ismaaciil Xagaa Somaliland Hadii Ay waraysiga u jiheeyo Siyaasada Xukumada Hore ee madaxweyne Riyaale Hogaaminaayey iyo Tan hadeer dalka Xukunta Ee Madaxweyn Siiraanyo Hogaaminaayey Xaga Arimaha Dibada Ee in ay kala duwan tahay Sidee Adigu Sideed u aragtaa siyaasada ay hadeer kula dhaqanto arimaha Dibada?

J.Hadii Aad u fiirsato Xeelada ama waxan la yidhaahdo Taaktikada u dhexeeye ee wax Strategy ah ama aragti siyaasadeed oo aad uga duwan tii hore ma laha, Xukuumadan Siiraanyo waxa ay ku salaysan tahay wasaaradeeda khaarajiyadu Raadin Ictiraaf, iyada oo aad moodin in tabahii hore ee la isticmaalay in ay shaqayn waayeen dabeedna tabo cusub ay la yimaadaan lakiin se wax wayn oo aragtida siyaasadeed u dhaxeeyaa ama umada Somaliland in La soo hor dhigo oo La yidhaahdo Waxan ilaa intaas ayaa la waday waanay shaqayn waday ee dhinacaa kale ha looga wareego. Ilaa iminka dadweynaha waxaa lagu maaweelinayaa Ictiraaf ayaanu raadinaynaa ictiraafna waanu keenaynaa, iyada oo aan hubo madaxweynaha wasiirka Khaarajiyada iyo dad fara badan oo siyaasada Somaliland ku dhex jiraa ay ogsoon yihiin in qaabkii lagu raadinaayey ictiraafkaasii uu ahaa mid khaldan in aanuu ahayn ictiraafku mid Ingiriis,Faransiis iyo caalamka laga doonaayo ee waxa weeyaan aragtidu mid odhanaysa Dawlad ayaanu ka mid ahay dawladiina waanu ka baxnay dawladi dadkii wada lahaa halkii lala fadhiisan lahaa ee la odhan lahaa arintan aynu soo afjarno waxaad moodaa in dadka lagu dhigayo dhalanteed in dunidu aqbali doonto in Somaliland kaligeed uun iska goosatay oo aanay ku noqon dadkii dawladii ay ka midka ahayd ay ku wada jireen wax ay isla gaadhaan in laga aqbali doono. Anigu arintaas 1993 ayaa anaka oo anaga oo dad reer Somaliland ah Oo SNM tii ka midka ahaa Oo Dawladii ugu horaysay Samaynay aanu u soo bandhignay umada Somaliland in qaabkan la leeyahay Ictiraaf ayaa lagu raadinayaa in u madhalays yahay oo aanuu shaqay nahayn. Ilaa iminkana arintu sidii ayey u socotaa maaweeladii hore ayuunbaa socota taas anigu uma arko runtii wax wax wayn oo is badal ah oo xukuumada Siiranyo ay kaga duwan tahay aragtidii ee Ictiraaf iyo kala go aanay ahayn wadad loo haystaa wado sax ah, in ay wadadii uun hayaan ayey ila tahay.Lakiin se waxaad moodaa wax yaalo yar yar oo shirar la tag tagayo oo si qoor diin lays ah in inta la yara gaadho hadana laga baqdo in aragtida la qabo la sheego lakiinse wax wayn oo ka duwan tii hore ma arko.

S. Md Ismaaciil Waxaad sheegtay in Xukumadan Maanta Jirtaa aanay tii hore waxba kaga duwanayn arimaha Siyaasada, waxaad kalood ku dartay in aanay si mug leh u galin arinta ictiraaf raadinta, waxaanaad tahay siyaasi wayn oo ku xeel dheer arimaha Siyaasada Somalida Bal hadaba sideed u aragtaa xal in Somaliland Ictiraaf ku heli karto?

J. Sida kaliya ee xal lagu heli karaa iyaga oon aan la khasbin ayaa Somaliland lixdankii qabtii koonfurta la wada galay heshiis, dastuur iyo dawladnimo la wadaago iminkana arintii anaga uunbaa kaligayo iska goosanay oo waanu ka dhaqaaqan waxay ila tahay in aan caalamku aqbalayn, dawladaha jaarka ah ee u arka dhawr dawladood oo Somaliyeen in ay saaxada ku soo biiraan in dhibaato mooyee wax kale aanay keenahayn ma ogolaanayaan taa waxa ka sii sokaysa dadka wixii Somaliland La odhan jiray iskuma wada raacsana arintan Waa ogsoontii iminka shir culus ayaa ka socda Taleex Arinta ugu wayn ee keentay shirkaas beesha Dhulbahante ay ku shirtana waxa wada ogsoon nahay in aragtida Siyaasadeed iyo kala goa ay u aragto waxaan danweyni ugu jirin iyaga iyo umada Somaliyeedba. Xaga galbeedka waynu ogsoon nahay oo intan dambe aad iyo aad ayey isu soo taraysaa in dadka dhinaca galbeedka degan in Awdal State in iyana arintaa wadaan. Kolkaas aniga waxay ila tahay iyada oo arimahaas oo dhami jiraan arinbaa kol la isla gaadhay oo la yidhi sidaas ha lagu shaqeeyo oo waxa intaas oo dhan soo socday iyo mustaqbalaba la eego in aanu kala goa imanayn ee ay ay godoon uun tahay, Somaliland anigu waxaan u arkaa in ay godoon uun tahay uuna ku sii badanaayo dhibaataduna ay dadka ku sii badanayso. Kolkaas waxaa loo baahan yahay in arimahan kol labaad lagu noqdo, oo dadka Somaliyeed waxa ay jecel yihiin in qaybtaas Ka tirsan wadanka Somaliyeed uu sii ahaado oo sidii sii hore uu u ahaado waana la ogsoon yahay dhibaatooyinkii dhacay ee ay dadku tirsanayaan wax alla wixi lagu bogsin karo dadka Somaliyeed waa u diyaar Hargaysa in ay magaalo madax noqoto ayaa diyaar loo yahay madaweynuhu in uu Somaliland Noqdo ayaa diyaar loo yahay , garawshiiyo in dadka laga siiyo dhibaatadii soo gadhay kolkaas anigu arintan waxaan u arkaa in ay labaatan sanadood ka soo wareegtay in waqtigi la gaadhay in arintan kol labaad dadku inta uu ka fadhiisto si wanaagsan uga arinsan lahaa lakiinse wadadii ayuunbaan haynayaa aniga oo ogsoon in aan wax aliyala wax natiijo ahi ka soo baxayn aniga waxay ila tahay in taas dhibaato ay dadka u keento mooyee wax kale u keenayn.

 

 

Halkan Guji Si aad Mobilkaga ugu dhagaysato Waraysi Md Ismaaciil Buubaa Oo Kaga waramaay arimo badan Waa waraysiga Qaybtiisii Koowaad

Fikrad Ka Dhiibo