Ibraahin Dhagaweyn: hadii dhulbahante Maamul Goballeed ku dhawaaqo waxaan qabaa in ay wada hadal ogalaanayaan
Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-weyne) oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa sheegay inuu hambalyeynayo shirka Beesha dhulbahante uga socda deegaanka Taleex ee Gobolka Sool, kaas oo uu tilmaamay inay yahay shir ay beeshaasi kaga arinsanayo danahooda ay xaqa u leeyihiin inay ka arinsadaan, isla markaana xukuumada ugu baaqay inaanay ka didin shirkaasi.
Ibraahim Dhagaweyne ayaa sidoo kale tilmaamay in beesha Dhulbahante ay tabashooyin badan ka tirsanayaan xukuumadihii soomaray Somaliland oo aanay ilaa hadda ka helin saamigii Mansabyada sare ee ay xaqa u lahaayeen, waxaanu intaasi ku daray in siyaasiyiinta Somaliland ay tabashooyinkaasi beesha Dhulbahante marar badan la soo hordhigay oo aan waxba laga qaban, taasina ay keeni doonto inay sii fogaadaan.
Ibraahim Dhago weyne waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu Haatuf siiyey mar uu xalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska, ayaa sidoo kale ka hadlay Khilaafka cirka isku sii shareeraya ee xisbiyada Somaliland, waxa kale oo Dhagaweyne ka jawaab ka bixiyey Buug la sheegay inuu Qoray C/laahi Yuusuf oo lagu soo bandhigay London, kaas oo eedo loogu soo jeediyey Mujaahidiin ka tirsan Ururkii SNM. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-
S: Shirka deegaanka Taleex uga socda beesha Dhulbahante ee la sheegay in Somaliland lagu shirqoolayo sideed u aragtaa?
J: Anigu shiraas waan hambalyeynayaa, waxaanan u hambalyeynayaa beeshaas shiraysaa waa ummad inala mid ah oo talo iskugu timid waana ummad aynu dadka kale iskaga dhawnahay. Anigu beeshaas xidhiidh badan ayaan la leeyahay oo siyaasiyiintoodii waawaynayd oo Cali Khaliif Galaydh ka siyaasisan, Garaadooda iyo odayaashoodii ugu waawayn dibada ayaanu isku soo aragnay, markaa dawladeenu maaha inay ka dido shirkooda, waxaanan qabaa hadii la sii fogeeyo dadkaasi way fogaan doonaan.
Waxaan leeyahay Dhulbahante maanta waxay doonaan ha ku tashadaane talo cad ayey ina soo hordhigayaan, taladaas ayaana lagu go’aan qaadanayaa.
Waftiga ka qaybgalaya shirka Taleex qaarbaa halkan maray oo xarago ayey inagu dhexmareen, waxa jira iyaguna qaar Puntland soo dhexmaray waa la wada xidhxidhay oo 8 saacadood ayey wada xidhnaayeen, mida kale intii Somaliland iyo Puntland diidanaydna waa kuwii Ethiopia dhexmaray markaa anigu sidaan ka warhayo waa dad walaalaheen ah oo wax badan inaga tabanaya, xaqna u leh inay tashadaan.
Waxaan joogay ilaa dhacdadii Kalshaale oo aan arkayey siday u socdaan, markaa dawladda meesha joogta ee talada haysaa ha u eegto sida dadka reer Somaliland ee kale loo eegayo. Waxaan aamin-sanahay in waxbadan laga qaban karo tabashooyinka beesha Dhulbahante, waxa nin waliba yidhi meel la tagaa ma jirto oo Cali Khaliif Galaydhkan laga didayaa waa khalad oo ummad dhan nin ma yeelan karo, waxaanan ku baaqayaa aynu beesha Dhulbahante ka dayno magac xumida aynu leenahay Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaas samaysanaya, isla markaana Cali Khaliif waa qof binu-aadam ah wuxuu doono ha aamin-sanaado’e oo shirkii Boorama ayuu inala joogay, Somaliland-na marar badan oo uu wanaag ka sheegayo ayaan arkay.
S: Waxa la Tilmaamayaa in shirka Taleex ka socda lagu Yagleelayo Maamul goboleed, arintaasi Miyaanay Dhabar Jab Ku Ahayn Somaliland?
J: Ummadu 100% ku wada raaci mayso oo horta marka hore-ba taas filo, beesha Taleex ku shiraysaana waxbay tabanayaan, waxay tabanayaana siyaasi aanay u sheegin ma jiro oo qoraal bay nagu siiyeen markaanu ururkii ASAD ahayn cid u dhaqaaqdayna ma jirto waxay tabanayaan, isla markaana golayaasha baarlamaanka iyo dhamaan dawladda oo dhan mid walba waxbay ka tabanayaan oo waxbaynu qaybsanay, markaa waa in aan Saamigoodii la boobin. Beesha Dhulbahante ee Taleex ku shiraysaa Distuurkeena umay codayn oo doorasho inalamay galin oo wax ayuun baa Sanaaduuqda la iskaga soo shubaa, markaa waxaan leeyahay beenta aynu ka dayno oo si dhab ah ha loo wada hadlo, waxaanan aamin-sanahay hadii ay dawladaasi daacad ka tahay in wax laga qabto waxay tabanayaan wax badan ayaa saxmaya, waliba waa inaanay dawladi u tagin ee Madaxdhaqmeedka loo diraa marka uu shirku dhamaado, markaa waa la soo wada hadli oo talo cad ayey la iman doonaan. Runtii waxa aad moodaa inaynaan dadka rabin oo aynu dhulka rabno, marka xaqiiqdii dadkaas iyo dalkaasi way is leeyihiin ummadaasina waligeed ka guuri mayso halkaas, waxaana inala gudboon in dadkaas aynu walaalaha nahay ee ay wax inaga dhaxeeyaan lala xidhiidho oo waliba wax laga qabto kala xidhnaansha bulshadda ee dhulkii inoo dhexeeyey uu kala xidhan yahay.
S: Aan Kuugu Celiyee, Hadii Shirkaa Taleex uga socda beelaha Dhulbahante ay ka soo baxaan Qadiyado khatar ku ah Gooni isu-taaga Somaliland sida in ay ku dhawaaqaan Maamul goboleed ka Madaxbanaan S/land sidaad u aragtaa?
J: Arintaasi beeshaas ayey u taalaa, dadkuna waxa ay doonayaan iyaga ayaa go’aansaday, laakiin kolba wajiga uu kugu arko ayuunbuu qofku ku go’aan qaadanayaa, Dawlad goboleed ragbaa wata, ragbaa Puntland wata oo ragbaa Somaliland wata, waxa kale oo jira rag wax intaasba ka baxsan wata. Hadii ay Maamul Goboleed Ku dhawaaqaan Dhulbahante-na waxa aan qabaa inay ogolaanayaa wada hadal inay kula galaan, laakiin intaasba talo la’aanta ayaa ka xun.