Anigu Somaliland Aan Dhulbahante Ku Jirin Waxay Tahay Garan Maayo.. Taariikh Ahaan iyo Mustaqbal Ahaana Uma Fahmi karo. Waayo iyaga Ayaa Isaaq Wax U Sheegi kara Oo Afyaqaana” Pro Ismaaciil Buubaa
Profesor Ismamaacil Maxamuud Hure Buube Ayaa dhawaan Waraysi Si qoto Dheer uu ugaga hadlaayo Xaalada Guud Ee dalka Somaliya iyo Somaliland ay ku sugun yahay sidoo kalena Odoros ku sameeyey Mustaqbalka Somaliland Shegayna in beesha Dhulbahante Ay Somaliland ka tahay Udub dhexaadka Ay ku taagan tahay kaas oo intaasi ku daray in beesha Dhulabahte ay Shirkan kaga tashanayaa Somaliland taas oo uu ku sheegay in Dhulbahante aanuu Somaliland Doonayn Waxaanu Pro Ismaaciil u soo jeediyey beesha Dhulabahnte in aanay shirkooda ka dhigin mid iyaga ku gaar ah ee ay kuna daraan aayaha Somalida.
Sidoo kale waxa uu Profesorku sheegay in ururadan Ku tartamaya Somaliland ay Yihiin uun Kursi doon ee aanay Aayaha Shacabka U Wadin wax dan ah Kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin uun hal urur Oo Magacyo badan yeeshay nin walabana uu u muuqdo kursigaas Madaweynaha .
Waraysigan oo Ah qaybtii Labaad uuna idiin Daadihinaayey Tafaritaha Shabakada Caalamiga ah ee Togaherer Isaga oo ku sugan Caasimada Dalka Norway Uuna khadka Telephonka la tiigsaday Profesor Ismaaciil Buubaa Ayaa waxa uu waraysigii Qabtiisii Dambe u dhacaday Sida tan:
S. Waxaa Jira In Xukuumadan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo Uu Hogaaminaayo Ay ururada Siyaasada uu firay Tiroba hadeer Waxaa La diiwaan galiyey 15 urur iyo Sadexdii Hore u sii jiray Hadab Saamayn intee in leeg ayey ku yeelan kartaa mustaqbalka Dhaw Geedi socodka Dimuquraadiyada iyo Xaga nabadgelyadan dalka Ka jirta?
J.Kol hadaan loo ogolaanayn Ururka Urur Somaliland ah oo danta Somaliland u arka in ay ka mid tahay Umadda Soomaaliyeed hadaan loo ogolayn in uu ka mid noqdo Ururadas waxa Tartamayaa markaas waa Aragti kaliyaata , Waxa Jirta waxa la leeyahay Democracy ayaa Jirta oo Dadka waxa loo ogol yahay Aragtidooda xorta ah ee Siyaasiga ah ee ay u arkaan Umadda in ay dan u tahay ,Anagu waxaanu u aagnaa Umadda Somaliland Joogta in Danteedu ay ku xidhan tahay Danta Umadda Soomaaliyeed Haday Noqoto Wax u qabashada Dadka Somaliland waxaanu nahay dadkii ugu wax qabashada Badnaa Nolashoodii iyo mustaqablkoodii u dhiibay in ay wax u qabtaan Somaliland , Waxaananu u aragnaa Somaliland sida ay wax u noqon kartaa Dadkana wax u tari kartaa iyana wax qabsan kartaa Umadda Soomaaliyeedna wax ugu qaban kartaa waxa weeyaan Maanta Deganaashahaas iyo Yuhuunta wanaagsan ee Jirtaa in ay noqoto mid loo isticmaalo wixii danta umadda ah Danta Ummadduna waxay ku jirtaa In nidaam siyaasadeed oo ay ka mid tahay Ummadda Soomaaliyeed oo Dimuqaadi ah oo Run ah in uu yimaado, Laakiin haddii aan loo ogolayn xisbi aaminsan oo Reer Somaliland ah oo dadka Somaliland waanu ogsoonay waxay maanta isku hayaan ee lagu kala Tagsan yahay waa kala Go`a iyo Midnimada wixii Dhacayna waynu ogsoonay Oo kol labaadin ay inagu soo noqoto is qabqabsi iyo is dil iyo dhibaato in ay timaado kolkaa waxay dantu ku jirtaa Qofka Muwaadinka ah ee Somaliland ah ee xaqa u leh in uu yidhaahdo aragtidaasaan anigu u arkaa in ay dan u tahay Dadka Somaliland Cid Khasbi maayo Xisbi weeyaan Hadii uu Food ku helo oo dadku arintaas ku raacana waa arrin sax ah haddii kalena wadankiisa ayuun buu iska joogayaa se in la yidhaa Axsaabta imika tartamaysaa waynu ogsoonnahay waa Axsaab ku dhisan kala Go` xisbi Midnimo ku dhisan oo Somaliland ah haddii aan la ogolayn anigu uma arko in Democracy na may iman wax Horumar ahina iman maayo wadankana waxaad moodaa uun meel aan natiijo ka soo baxayn lagu habaabinayo..
S: Mudane Ismaaciil Buubaa imika Waxa la leeyahay Ismaaciil waxa uu u janjeedhaa in uu Dalka Somaliland Yimaado Ururadan ama Axsaabtana mid ka noqodo arintaa maxaa ka jira?
J: Haddii Ururka loo ogol yahay in isaga oo Somaliland ah in uu u tartamo isaga oo xor ah isaga oo aan cid khasbin isaga oo aan isticmaalin cunfi iyo Xabad isaga oo Ummadda Somaliland soo Hordhigaya aragti Siyaasadeed oo ku salaysan in danta Ummadda ay ku jirto Midnimada, Maantana Keentay in la yidhaahdo anagu danahaygii Siyaasadeed kuma aragno wadankii Soomaaliyeed ee mid ka ahaa waxanu jecelnahay wax gooniya in aanu samaysano imika in ay wixii isbadaleen oo dadka Soomaaliyeed ay Diyaar u yihiin wixii lagaga soo noqon karaayo la qabto Haddii taas la ogol yahay Haa waan jeclaan lahaa in aan xisbi Siyaasi ah oo Somaliland ah oo ogol Midnimada Ummadda Soomaaliyeed Haddii la ogol yahay Haa Haddii kale aniga oo Muwaadin ah oo Ra`yigayga Qaba taa ujeeda oo aan cidna Dhibaataynayn Haa Wadankii tago marka aan doonana Ka tago oo aan xoriyadayada ku haysto waan jecelahay laakiin anigu waxaan u arkaa kolna aanan ka leexleexanayn danta Ummadda Soomaaliyeed ee Somaliland ku nooli waxay ku xidhan tahay Danta Ummadda Soomaaliyeed ee Guud ahaaneed.
S: Profesor Ma waxaad ugala jeedaa dadka Reer Somaliland ha isku noqdaan in ayka noqdaan goaankoodii ahaa in ay yihiin dawlada madaxbanaan oo ka madaxbanaan koonfurta Somaliya ma taas ayaa ugala jeedaa oo waxaad leedahay dib ugu noqda Koonfurtii Somaliya oo midooba ?
J:Horta waynu ogsoonay in Maxamed Ibaahim Cigaal u soo jeediyey Dawladihii ka mid ka ahaa in Somaliland kol haday tahay Meesha kaliya ee Soomaaliyeed ee degan ee maanta Caalamku wada iman karo ay dawladii Soomaaliyeed halkan tahay Soomaaliyi halkan isugu timaado Hargeysa Soomaaliyi halkaa wada Fadhiisato wixii Koonfur laga qabanaayo halkaas lagu dhameeyo arrintan khaladka ah ee laga dhigaayo in dadka la raraayo Xamar la geynaayo ee Xamar baa langu wadaa Xamar Cidina kuguma wade Ummadda Soomaaliyeed waxay u soojeedaa in ay Hargeysa isugu timaado oo Hargeysa Noqoto Centre kii ay wax ku qabsanayeen noqoto kolkaa aniga waxay ila tahay dadka in la majara habaabinayo oo kolka laga hadlo midnimada laga dhigaayo wixii hoe u jiray uun la soo celinaayo , wixii hore u jiay waa wixii wadanka Burburiyay dib danbaysana uma soo noqon karto midnimada laga hadlayaana maaha tii hore waa mid Tii uu Cabdiraxmaan Axmed Cali kolkii aanu Hargeysa Soo galnay Togga Hargeysa Dhexdeeda uu kaga Khudbadeeyey ee uu yidhi Wixii aynu leenahayna waynu haysanaynaa wixii aynu Soomali la leenahayna waynu la qaybsanaynaa, Taas oo ay tahay waliba maanta meesha Kaliyaata ee la isugu iman karaa ee ay maanta Soomaaliyi ay saani uga arin san kataa ee laga baaran dagi karaa dhibaatada Ummadda Haysata in ay Hargeysa Tahay,
Waa Ayaan Daro marka aad Fursadaas oo kale haysato in aad ka faa`idysan kari waydo cidina meel kuu kaxayn maysee waxa lagu leeyahay adigu hogaami maanta Caynaanka u qabo kolkaas anigu haddii laga Faa`idaysan kari waayay anigu waxaan arkaa arintani way isa soo afjaraysaa aakhiritaanka Ummadda Soomaaliyeed aakhiritaanka way bogsoon doonta kolkaa waxay noqon doontaa iyada oo aan Somaliland abaal loo qabin oo ay midnimadi si kale ku timaado waynu ogsoonoo waxa ka socoda Taleex iyo dhinaca Boorama ba kolkaa anigu Siyaasiyiinta aan ku dhaca aan lahayn in ay dadkooda Runta u sheegaan kuwaasaa Dhibaatada ka masuula kuwaasanay Taariikhduna iyaga ayay saari doontaa Dhibaatada Ummadda Somaliland Qabsata..
S: Profesor Ismaaciil Buubaa Suaal kale ayaan ku waydiinayaa Taas oo ah suaalaha ugu hadal haynta badnaa waayadan dambe Dalka Somaliland , Sideed u aragtaa Shirka Beesha Dhulbahante ay ku qabsatay Degmada Taleex kuwaad oo dunida Daafaheeda iskaga Yimid iyo kooxda Awdal State oo waayadan dambe Guux wayni ka jiray Galbeedka Somaliland ?
J:Shirka Taleex ka Socda waxaan u arkaa shir aad iyo aad u muhiim ah maaha muhiim uun uma ah Beesha Dhulbahante oo qudha ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayuu muhiim u yahay Somaliland marka la soo qaado Magaca anigu Somaliland oo aanu Dhulbahante ku jirin waxay tahay ma garanyo Taariikh ahaana uma fahmi karo Mustaqbal ahaana uma Fahmi karo Kolkaa waxa weeye Ra`yiga Dhulbahante isaga oo reer Somaliland ah soo jeediyo waxay noqonaysaa Diidmadiisu BurBurin Yuhuuntii Iyo Walaalnimadii wada Noolashihii Somaliland la isku Odhan Jiray, waynu ogsoonay sida ay arrimihu yihiin ay Beesha Dhulbahante aad iyo aad uga Biya Diidsan tahay kala go` Runtii Hadii Run Cid u sheegi karta Beelaha ISaaq ay jirto Beelaha Soomaaliyeed Dhulbahante ayaa u sheegi kara isaga la dhaqan ah isaga ayaa yaqaana isagaa Runta isaga oo aan ka leexleexan ku dohan kara, Waxaan rajaynayaa Shirka iyada oo la eegayo Danta Dhulbahante uun maahe Danta Soomaaliyeed iyo Dadka Somaliland ku nool Dantoodaba Dhulbahante in uu maanta Runta u sheego Beesha ISaaq oo la yidhaa waa niman yahow sida aad arinta u wadaan ma noqonayso mid midha dhalaysa waa mid noqonaysa in aad ISaaq Go`doon Galisaan taasina dan uma aha Isaaq Dan Dhulbahante uma aha Dana Gadabuursi uma ah Dana Soomali Uma aha Kolkaa Shirkaa waxaan u arkaa shir Muhiim ah waa Beel Cudoon oo aynu ogsoonay halka ay kaga jirto Ama Somaliland ha la yidhaahdo ama Soomalida ba ha la yidhaahdee Waa Beel Taariikh ahaan iyo degaan ahaanba kaga taala Kolkaas waxa ka soo baxaa wax muhiim ah weeye aadna in loo dhagaysto weeyaan , xaqna way u leeyihiin in wixii danta ay u arkaan in ay sheegaan se Runtii iyada oo ay sidaa tahay maaha waxa looga fadhiyaa wax uun Dhulbahante Dantiisa ahe Ummadda Soomaaliyeed Waxa dantiisa ah ka leexleexdaan maaha , Arrinta Axsaabta Somaliland hadaan ku noqdo way wanaagsan yihiin haddii dadka la yidhaa xo bay yihiin oo xisbigooda ha furteen se shuruuda lagu xidhayo ee odhanaysa waxa uun furan kara xisbi kala Go` ogol waxa weeyaan Xisbi kaliya oo loo sameeyey qaybo kala duwan waxa la isku hayaana wax kale maahee waa Kursiga yaa ku fadhiisanaya aniga ayaa ku fadhiisanaya iyo aniga ayaa ku fadhiisanaya wayna aynu ogsoonay dhibaatada ay arintaasi u soo wado Dadka Somaliland kolkaa iyada oo Cid waliba ku farxayso in ay asxaabi jirto in xoriyadi jirto Xoiyadu waa in ay noqotaa Mid Taam ah Mid Buuxda loo ogol yahay Qof ka Somaliland Ku nooli in aagtidooda Siyaasadeed soo Gudbiyaan.