Xuseen Maxamuud Xuubsireed Afhayeenkii hore DKMG,dagaalka Buuhoodle lagu qaaday waa Gardaro
Afhyeenkii hore ee Xukuumadii TFG Xuseen Maxamuud Xuubsireed oo Magaalada London ku Sugan ayaa La soo xidhiidhay Mareegtan GalGalanews waxana uu ka hadlay Dagaalka ka Aloosan Buuhoodle isaga oo wax laga Xumaado ku Tilmaamay in Somaliland ay maanta Dagaal qaawan Ku Shacabka Buuhoodle.
Xuubsireed ayaa xusay in uu dhaliilayo Dagaalka Somaliland ay ku Qaaday Shacabka Buuhoodle isaga oo ku Tilmaamay mid Reebi kara Raad xun oo Deegaankaasi laga xasuusandoono hadii aanay Somaliland dib ugu Laabano Xarumaha ay ka duushay Buu Yiri Xuubsireed.Hadalka afayeenki hore Xukuumada Somaliya MR: Xuubsareed ayaa imanaya xili maanta dagaal Uu ka qarxay Mgaalda Buuhoodle Kaasoo U dhaxeeya Somaliland IYo maamulka SSC