Abdikiin Hassan Jama iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Gaadhey Meelaha Ay fadhiyaan Ciidamada Degaanka Buhoodle
wararka naga soo gaadhaya magalada buhodle ee xarunta gobolka cayn ayaa shegaya inuu soo gaadhay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee warfaafita dawlada somalia Md cabdi kariin hasan jama.
waftigan ayaa waxaa ka mid ah xubno badan oo qurba joog ah oo ka soo kicitimay halka uu ka socdo shirwaynaha khaatumo 2 ee ay lagaga arinsanayo mustaqbalka degaanada ssc wasiirka ayaa markii uu soo gaadhay magalada buuhodle wuxuu markiiba u gudbay halka ay fadhiyaan ciidanka degaanka buhodle isaga oo uga war bixiyey halka uu marayo shirka taleex iyo dawlada lagu soo dhisi doono.
magalada buhodle ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal sacado badan qaatay oo ay isaga hor yimaadeen dadka shacabka ah iyo ciidamadda somaliland oo doonayey inay suura geliyaan rabitaankooda guracan ee ka turjumaya kala goynta iyo kala qoqobka somalia.






















